COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, March 14, 2010

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel oo Qadiyadda Somaliland hordhigay Golaha Wasiirrada Waddankaas

Tel Aviv, (NNN)- Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Israel Mr. Avigdor Lieberman ayaa hor keenay shirkii golaha wasiiradda dawladda Israel ay todobaadkan ku yeelatay xarunta shirarka xafiiska ra'isal wasaaraha ee magaalada Televiv qaraar qabyo ah oo ay Dawladda Israel kaga fekerayso sidii ay aqoonsi buuxda u siin lahayd Jamhuuriyadda Somaliland.
Sida uu baahiyey Telefishanka afka xukuumada Israa’iil ku hadla ee Mabat , qaraarkani oo ka koobna laba bog waxaa soo diyaariyey guddi ka kooban afar xubnood oo hore wasaaradda arrimaha dibaddu dhawaan ugu xil saartay inay soo darsaan qaabka ay Israa’iil xidhiidh dhaw ula yeelan karto dalka aan la aqoonsan ee kulaala biyaha Badda Cas (Somaliland).
Qaraarka ayaa wuxuu sharaxaad dheer ka bixinaayey taariikhdii siyaasadeed, dhaqan iyo bulsho ee dadka iyo dalka Somaliland iyo sida istaraataji ahaan Israa’iil uga caawin karto aqoonsi aqoonsi ay Somaliland siiso.
Qaraarkani ayaa sidoo kale wuxuu sharaxaad ka bixinayaa qaabka ay Israa’iil gacan uga gaysan karto wuxuu qaraarku ku tilmaamay olole siyaasadeed oo ay horkacayso dawladda Israa’iill oo lagu gaadhsiinaayo farriinta aqoonsiga Somaliland beesha caalamka.
Wuxuu sidoo kale qaraarkani si toos ah shaaca uga qaadaya qaabka ay Israa’iill xidhiidh toos ah ula yeelan karto xukuumadda Somaliland.
Sidoo kalena wuxuu qaraarkani sharaxaad dheer ka bixinayaa sida aqoonsi ay Israel hor kacdo oo la siiyo Somaliland u caawin karo sidii loola dagaalami lahaa wuxuu qaraarku ku tilmaamay kooxaha argagixisada ah iyo kuwa budhcad badeexdda ah ee ka jira biyaha gobolka Gacanka Cadmeed ee Badda Cas iyo weliba xuduudaha u dhexeeya Geeska Afrika iyo dalalka Bariga Dhexe.
Qaraarkan oo la sheegay inuu qabyo yahay, waxaa nuqul ka mid ah loo gudbiyey Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, sidii xafiiskiisu iskaashi buuxda arrintani ugala samayn lahaa dalalka sida weyn ay Israa’iill isugu dhaw yahiin. Isla markaana qaraarku wuxuu intaa ku daray inuu jiro xidhiidh dhaw oo ka dhexeeya Somaliland iyo Israa’iill oo arrintani ku saabsan.
Qaraarkan ay dawladda Israa’iil sida caddaan imika u soo bandhigtay, ayaa habeen hore laga daawaday Telefishanka MABAT Israel Tv station One.
Bishan horaanteedii, ayuu afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Israel Mr. Yigal Palmor, warbixin uu siiyey wargeyska Haartz Daily ay arrin la xidhiidha aqoonsiga Somaliland. Isla markaana waxa uu warbixintiisaa ku sheegay inaanu jirin xidhiidh dhow oo ay la leeyihiin xukuumadda Somaliland. Hase ahaatee, marka loo eego qaraarkan waxa isasoo taraya hadal-haynta aqoonsiga Somaliland iyo istaraatajiyadda ay Israa’iil ka leedahay Somaliland. Sidaas oo ay tahay, dalalka Masar iyo Jibuuti ayaa la sheegay inay ku eedeeyeen Israa’iil tallaabooyinkan ay u qaadayso dhinaca Somaliland, waxaanay ku adkaynayaan inay Israa’iil joojiso hadal-haynteeda ku aaddan aqoonsiga Somaliland.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking