COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, March 6, 2010

Ogeysiis: “Aliflay” Silsilad-maanseed cusub oo dhawaan la baahin doono.

Waxa la ogeysiinayaa dhamaan akhristeyaasha mareegaha internetka ee xiiseeya ama curiya suugaanta in dhawaan mareegaha internetka lagu baahin doono silsilad-maanseed magaceedu yahay Aliflay, oo ay tahay markii koowaad ee lagu baahiyo saxaafadda iyada oo dhamaystiran.
Silsiladan Aliflay, waxa bilaabay Abwaan Axmed Aw Geeddi “Dheeraad”, oo jare-raacay ama ka jawaabay hees uu hore u allifay abwaanka weyn ee caanka ah Cabdi Aadan Xaad ""Cabdi-Qays", waxaana kala qaybgalay hal-abuuro iyo qoraayo ay ka mid yihiin Xasan Cabdi Madar, Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”, Siciid Ibraahim Dool “Gurey”, Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye “Shamax” iyo qaar kale, tirada maansooyinka ee hadda silsiladan ku jiraa waa koow iyo toban maanso oo ay kala curiyeen koow iyo toban hal-abuur oo kala geddisani.
Mawduuca ay silsiladani ku arooraysaa waa mid xasaasi ah oo aan silsiladan horteed looga hadal qaab suugaaned, waana mawduuc diini ah oo lagu kala aragti duwan yahay, waxaanad aragtida kala duwan ku arki doontaan silsilada dhexdeeda, ee adigaba haddii aan akhriste su’aalo ku jira silsilada ku weydiiyo: Waa maxay awliyadu? Yaa awliyo ah? Siyaarooyinka qubuuraha iyo baryadooda side ayay diintu aragtaa? Ma lagu odhan karaa qof dhintay “Aw Hebeloow Ilaahay noo bari ?”, Mise waa in loo duceeyo dadka dhintay? Jaamacaddee Mawliidka fasaxday? Mawliidka maxay diintu ka qabtaa?. Dhamaan jawaabaha su’aalahaas oo lagu kala tegay waxa aad ku arki doontaa silsilad-maanseedka Aliflay.

Akhriste silsiladani ma aha mid xidhan, waana laga soo qayb gali karaa, waxaase muhiim ah in la fahmo qodobadan soo socda:

1. Qofka silsilada ka soo qaybgalayaa waa in uu wada akhriyo dhamaan maansooyinka hadda silsilada ku jira oo ah 11 maanso.
2. Xaraf-raaca ay silsiladani ku arooraysaa waa shaqalada kala ah A, E, I, O Uiyo shaqalada dheer ee ah AA, EE, II, OO UU, waayo qofka maanso ka samanaya shaqalada waxa u banaaan suugaan ahaan in uu adeegsado shaqalka uu doono, waana sababta silsilada loogu bixiyay aliflay, markaa qofka silsilada soo gelayaa waa in uu ilaaliyo xaraf-raaca silsilada.\
3. Bad-maanseedka ay silsiladani raacaysaa waa badda jiiftada, sidaas daraaeed waxa aad u munaasib ah in aan baddaas laga guurin inta silsiladan lagu gudo-jiro.
4. Silsiladan waxa ka reeban cayda, dacaayada, iyo shakhsi-weerarka, abwaanka ka soo qaybgalayaana waa in uu u hadlo si hufan, bilaa turxaan ah, hab qumanna uu aragtidiisa oo bilaa xajiin ah u dhiibto.
5. Qofka silsilada ka soo qaybgalaya, waxa aad u wanaagsan in uu aqoon fiican u leeyahay mawduucan diiniga ah ee laga hadlo, si aanay abwaanadu uga jawaabin wax aanay aqoon u lahayn, oo aanay u dhex muquuran mawjado dambi ah.

Toloow yaa silsilada wacdaro ka muujin doona? Qoladee laga daliil xoogganaan doonaa?Libintu dhinacee ayay raaci doontaa?. Su’aalahaas waxa ka jawaabi doona dadka sharafta leh ee akhrista silsiladan.

Sidaas iyo la socod wanaagsan, wixii faahfaahin ah ee ku saabsan silsilad-maanseedka Alifley, waxa aad kala soo xidhiidhi kartaa Tebiyaha silsiladan oo laga xidhiidhi karo ciwaankan:

Siciid Maxamuud Gahayr
Education and Research Academy “ERA”
saedmgahair@hotmail.com

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking