COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, March 27, 2010

Rabaso: Jabhadda ONLF oo laysay dhalinyaro reer Somaliland ah

Hargeysa, (NNN)- Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jirta dawladda Itoobiya, ayaa la sheegay inay dad shacab ah oo reer Somaliland ah ku laayeen degaanka Rabaso oo ka tirsan degmada Awaare ee gobolka Dhagaxbuur ee kilalka Shanaad.
Sida uu xaqiijiyay Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, Jabhaddu waxay shalay degaan lagu magacaabo Ciryare oo ka tirsan degaanka Rabaso ku dileen shan wiil oo dhalinyaro ah. “Waxay dileen shan nin oo weliba dhalinyaro yaryar ah oo Geeljire ah,” ayuu yidhi Caaqil Rashiid. “Waxay ku dileen meel lagu magacaabo Ciryare oo dhinaca Hawd ka xigta Rabaso, waxaana galabta (gelinkii dambe ee shalay) nimankaa lagu aasay magaalada Rabaso,” ayuu raaciyay. “Xilliga ay ONLF laysay, wiilashu waxay la joogeen Geel, intooda badana da’doodu labaatan jir way ka yar tahay, inta ay qabqabteen baanay laayeen,” ayuu yidhi.
Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir waxa uu sheegay in weerar noocaas ah ay muddooyinkii u dambeeyay Jabhadda ONLF ku haysay beesha Ciidagale ee degaankaas, isla markaana ay marar hore weeraro ay soo qaaday ku laysay dad shicib ah oo Xoolo-dhaqato ah. “Weerarkan ONLF kii koowaad maaha oo waa kii shanaad ama lixaad, kan kii ka horeeyayna wuxuu ka dhacay dhinaca Galbeed ee Abokor ku beegan, dhinaca Bari ee Darroor ku beegana wuu ka dhacay, degaanka dhexe ee Rabaso ku beegana waa markii afraad. Markaa waa weerar joogto ah oo ay ku wadaan jiidaha ku beegan saddexdaa kaam ee waawayn ee Abokor, Rabaso iyo Darroor,” ayuu yidhi Caaqil Rashiid Jaambiir.
Mar la waydiiyay ujeedada ka dambaysa weerarka jabhadda ONLF ku hayso dadka degaankaas, waxa uu sheegay inay salka ku hayso qorshe ay jabhaddu ku doonayso sidii ay dadka shacabka ah ugu khasbi lahaayeen inay dagaalka ay wadaan gacan ku siiyaan. “Jabhaddu waxay dadka degaanka kula kacaan dhac iyo dil, imikana weeraro joogto ah bay ku hayaan dadka Xoolo-dhaqatada ah ee ku dhaqan jiidahaas,” ayuu yidhi Caaqilku.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking