COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, March 1, 2010

Gudoomiyaha Degmada Tog-wajaale oo Faahfaahin ka Bixiyay waxyaabaha u Qabsoomay intii uu Xilka hayay

Hargeysa (NNN) Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Cabdi Muuse Xuseen (Qawrax) oo si Faafaahsan uga waramay Xaalada Degmada Ganacsiga ee Tog-wajaale iyo Guud ahaan Waxyaabihii Uqabsoomay Mudadii koobnay ee uu xilka ka hayay Degmada Togwajaale.
Degmada Wajaale oo ah Degmo ku taal Xuduuda Somaliland iyo Ethopia waa degmo balaadhan, waa Xarunta Ganacsiga Somaliland, waa degmo aad u dad badan oo kulmisa..........
dadwayne kala duwan, Gudoomiyaha Degmadaasi oo ay Waraysi la yeelatay Wariye Nimco Muxumed Ibraahin ka tirsan hawlwadeenada Shabakada Wararka ee Gabiley News ayaa waxay ugu horayn wax ka waydiisay Xaalada Wakhtigan Degmada Wajaale ku sugantahay, waxaanu si faahfaasan uga warbixiyay xaalada Degamada wajaale isaga oo Sheegay in wakhtigna xaaladu aad u wanaagsantahay, guud ahaan ganacsiga wajaale iyo Nadab galyada degmada xuduuda ah ee Togwajaale iyana aad u wanaagsantahay, waxa kale oo uu Xusay mudada yar ee uu xilka hayay iyo waxyaabaha la taaban karo ee u qabsoomay oo ay ka mid tahay dhamaystirka Xafiisyada Dawlada hoose ee Degmada Wajaale, Kawaanka oo wax badan la qabtay, Dhismaha laanta socdaalka degmada togwajaale oo iyna wax badan ayaa laga qabtay , Baankii degmada ayaa isagana Dhawaan la dhagaxdhigay, laguna tala jiraa in labilaabo sida ugu dhakhsiyaha badan.
Gudoomiyuhu waxa kale oo uu ka waramay Wadashaqayta Hayadaha Dawliga ah ee ka Shaqeeya Degmada Wajaale iyo kuwa aan Dawliga ahayn ee Wada shaqayntu ka dhaxayso inay meel wanaagsan u marayso xidhiidhkoodu yahay mid aad u heer sareeya.
Gudoomiyaha degmada wajaale mar uu ka waramayay Baahiya ka jira Degmada wakhti xaadirka waxa uu xusay inay degmada baahi badan ka muuqato isaga oo ka dhawaajiyay in dhawaan la soo talaali doono ceelka biyaha ee Botor oo la soo gaadhsiin doono Degmada wajaale, waxaanu gudoomiyuhu xusay inay arintaasi gacanta ku hayso Wasaarada macdanta iyo biyaha Somaliland. Waxaa kale oo iyana Baahi wayn loo qabaa ayuu yidhi Cisbitaalkii Degmadu yeelan lahayd oo iyana ka mid ah Baahiyaha Ugu waawayn ee ka jira Degmada Wajale, Maadaama Caafimaadku ka mid yahay Adeegyada Aasaasiga ah ee Bulshada.
Mudane Qawrax Muuse mar uu ka waramayay Xidhiidhka ka dhexeeyay Ganacsatada Degmada iyo Maamulkiisa waxaa uu Xusay inay Guddida Ganacsatada iyo Gudida Deegaankuba sifiican ula shaqeeyaan, aadna ay usoo dhaweeyeen ka dib markii mar labaad dib loogu soo Magacaabay Xilka Gudoomiye-nimo ee degamada Wajaale. Waxa kale oo sheegay inay Jiraan Balan qaad ay Ganacsatadu sameeyeen inay wax kala qabtaan Jidadka dhex mara Badhtamaha Magaalada oo runtii godad badan leh maadaama Wajaale carradeedu tahay Dhoobaley.Gudoomiyuhu waxaa uu aad ugu dheeraaday in Dhibaato badani ka soo gaadho wakhtiyada roobka Gaadiidka Ganacsiga ee xidhan Degmada Wajaale iyo dadka laftooda mararka qaar.
Gudoomiyaha Wajaale mar la waydiiyay Su,aal ahayd Maadaama Maamulka Wajaale ka mid yahay Maamulada ugu Bedelka badan Degmooyinka Somaliland Murankoodu soo noqnoqday Isaguna (Qawrax) Mar labaad loo soo magacaabay waxyaabaha uu ka qaban karo arimahaasi.
Qawrax muuse waxa uu Arintaasi kaga jawaabay “ Runtii waa wax jira arimaahsi oo dhami anagu wakhtigii hore ee aan degmada ka tagay waxaa iga danbeeyay laba Maayir oo mudada ay joogeen lagu qiyaasi karo Hal sanno. Sababtuna kolay qofku isagu isma badalo ee shaqadu uu hayo ayaa hogaaminaysa, waxaanay ku xidhantahay qof iyo kartida uu la yimaado, Waxyaabaha aan anigu isleeyahay way keenayaan waxaa ka mid ah maamulka la soo magacaabo iyo Dadka deegaanka oo wada jaan qaadi kari waaya, Dhinaca siyaasada iyo Wada shaqaynta dawlada ka dhaxaysaana way keeni kartaa, Qadarkuna waa halkiisa qof kasta wakhtigii illaahay u qoray ayuu ka tagaa, Laakiin anigu inta aan joogo waxaan ku rajo waynahay inaan wax u qabo dadkayga”
Gudoomiye Qawrax mar uu ka waramayay Adeegyada Aasaasiga ee Bulshada iyo Waxyaabaha Dib u dhigay in wax laga qabto waxaa uu sheegay Mudada ay Degmada ahayd oo aan sidaa u sii fogayn iyo Maamulka Cusub ee iskaga Danbeeyay oo wakhtiga ay joogeen iska koobnayd iyo Maamulka laftiisa oo aan Aqoon badan u lahayn deegaanka.
Gudoomiyuhu waxa uu Ugu baaqay Jaaliyadaha Somaliland Gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Degmada Togwajaale inay wax kala qabtaan Baahiyaha Degmada wixii ka baxsan awoodaooda gaar ahaan Cusbitaalka oo ka mid ah Adeegyada aasaasiga ah ee Nolosha Bani aadamka Degmada wajaalena Baahi wayn u qabto, Waxaanu Balan Qaaday inay iyaguna intii Dadaalkooda ah insha allaahu ay rajaynayaana in arintaasi cusbitaalka laga hawl gali doono.
Ugu danbayntii Gudoomiyaha Degmada wajaale waxaa udhaliil u soo jeediyay Saxaafada Madaxa banaan oo uu ugu baaqay inay Xog badan ka haystaan Waxa ay wax ka qorayaan, iyaga oo ku toosinaya Maamulka wixii dhaliil ay u hayaana u soo bandhigaya dhaliilaha ay u hayaan.
Nimco Muxumed Ibraahin
Hargeisa/Somaliland
Qaali540@hotmail.com

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking