COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, March 14, 2010

Guusha ay Habalaha Jaamacada Burco waa Guul u soo hoyatay Haween waynaha Reer Somaliland oo dhan

Sida aynu la wada socono Aqoontu waa Iftiinka Nolosha waana kaabayaasha ugu Muhiimsan Nolosha bani,aadamka, iyada oo aqoonta Bani aadamku heerar kala duwan soo martay, Waxaa jiray Wakhtiyo Aqoonta la bari jiray raga oo kaliya balse casrul jaahiligii ayay ahayd wakhtigaasi oo aanay Dumarku u heli jirin Jaaniska Wax barasho gaar ahaana Dumarka Somalida.

Waxaa jiray Wakhtiyo la moodi jiray hadii Qofku yidhaahdo waxbaan baranayaa inuu ku gaaloobayo waxbarashada ama Diin kale la barayo, balse Horumarka Aqoonta oo kor u kac badan sameeyay ayaa inoo saamaxay in wax badani isbedalaan gaar ahaan dhaqankeenii hore ee somaliga ahaa waa uu ka duwanaa dhaqanada kale balse awooda waxaynu saari jirnay quraanka oo badanaa lagu dari jiray malcaamadaha wiilalka oo kaliya, Hablahana Guriga lagaga tagi jiray.

Iyada oo Diiniyan muhiim ah in wiilka iyo gabadha waalidku u cadaalad sameeyo oo hadii jaanis waxbarasho midkood la siiyo ka kalena xaq u leeyahay inuu wax barto.

Hadii aan u daadago Dulucda mawduucayga ee ahaa Guulaha ay ka soo hooyeen Habalaha Jaamacada Burco ee Gobolka Tog-dheer Jaamacada Burco waxa ay Taariikhda Somaliland ka gashay baal dahab ah waxayna ka mudanyihiin Qof kasta oo jecel horumarka Somaliland in la hambalyeeyo.

Waxaa aad ii soo jiidatay Hablaha hormoodka Jaamacada Burco ee Hogaanka Uqabtay, Kaalmo la taaban karo-na ka soo hooyay Jaamacada Burco, Guusha waxaa dareemayay qof kasta oo ka qayb galay Xafladii Qalin jabinta Jaamacada Burco.

Dad badan ayaa u haystay habluhu inaanay baran Karin waxa ay Ragu bartaan Balse waxay Meesha ka saartay Fikradaasi qaldan Hablihii ugu tirada badnaa ee ka qalinjabiyay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada Burco iyaga oo waliba Kaalmaha hore ka galay jaamacadaasi.

Runtii Aniga Dumar ahaan Aad ayay ii soo jiidatay Markii aan arkay Sida quruxda badan ee ay ubuuxiyeen kaalintoodii waliba hogaanka uqabteen Rag badan la tartamayay, ha u badnaadaan Kuliyada Shareecada Islaamka iyo Kuliyada Ganacsiga.

Jaamacada Burco oo ka mid ah Jaamacadaha Cusub ee Sanadihii ugu danbeeyay dalka laga hir galiyo Dufcadii ugu horaysayna sanadka ka baxday ayaa waxay ka mid noqotay jaamacad ku socota xawaare layaab badan iyada oo ay gacanta ku hayan Gudida horumarinta Gobolka Togdheer oo uu gudoomiye ka yahay Gudoomiyaha Jaamcada Burco Pro.C/raxmaan Jaamac Ducaale oo ah Nin dalka wax badan ku soo kordhiyay.

Dufcadii koowaad ee ka qalinjabisa jaamacada oo loogu labisay Dharka hidaha iyo Dhaqanka Somalida ayaa ahayd mid ka duwan jaamacadaha kale iyada oo ragu Xidhnaayeen labadii Go, ee cadcadaa iyo Goonadii Dumarkuna Subeeciyadii iyo Goonadii jaamacada.

Guntii iyo Gabogabadii Waxay mutaysteen in la hanbalyeeyo Habalaha reer Togdheer, kudayasho ayay inaga mudan yihiin, waana Guul usoo hoyatay Somaliland oo dhan Gaar ahaana Dumarka.

Qalinkii : Nimco Muxumed Ibraahin
Timacade News Network (TNN)
Qaali540@hotmail.com
Hargeisa/Somaliland

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking