COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, March 3, 2010

DALJIRE: Barquu Kacay

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
Dubbe: Farsamooyinka Somaliland maalin walba anigoo is leh wax aad garan weydaa kuuguma hadhin ayuumbaan wax cusub oo aan garan waayo arkayaa.
Doolaal: Oo maxaad aragtay iminkana?
Dubbe: waxaan arkay Habar Yoonis shiraysa oo aan ku shirayn Oodweyne ama Burco ama cadaadlay ama Laan Mullaaxo ama Gaashaamo oo inta ay guntiga gaabsadaan singalaydna la soo hadhaan aan geel ku qalanayn ee intay muraayado madmadow xidheen gawaadhi madmadawna gaxaysteen buuraha madmadaw ka gudbay oo badwaynta madaw tegey oo kalluun madaw dalbaday. Markaasaa arrinkoodi iga madoobaaday.
Doolaal: Waayo muxuu kaaga madoobaanayaa sawkuwa baaqa wanaagsan soo saaray ee yidhi dekedda maydh ha la dhiso. Miyaanu kaasi baaq wax ku oola ahayn?
Dubbe: Mayee wuu yahaye waxaanse garan waayay Maydh markaad maqasho macnaheedu waa Sheekh Isaxaaq markaa waxaan is weydiiyay haddii dekedda maydh la dhisayo maxaa reer sheikh isaxaaq uga shiri waayay ama reer Somaliland oo dhammi? Waxa kale oo aan is weydiiyay, aniga oo aan Salaadiinta niyad jebinayn oo weliba ay ixtraam iga mudan yihiin, tolow dekeddu hay dambaysee dugsigii Caddaadlay may jiingad iga saaraan? Mise arrinku waa marka deked la helo ayaa dugsi la helaa? Anigu weli shirkaa ma garan.
Doolaal: maxaad kale la yaabtay iska dhaaf salaadiinta oo.
Dubbe: waxa kale oo aan la yaabay Guurtidii ina tidhi waanu heshiinnay oo intii UDUBta ahayd uun sidii ay doonayeen wax u qaybsadeen oo xitaa ay garan waayeen inay niyad wanaag muujiyaan oo mansabyada u qaybsadaan dhinacyadii is hayay. Wallee Guurtida Somaliland ayaan caddaalad laga helin. Yeelkadoodee hambalyo. Wixii ay yidhaahdaan wanu ku heshiinay ayaynu ku raacaynaa.
Doolaal: Maanakaa idin yaraynay. Waar maxaad kale aragtay?
Dubbe: waxa kale oo aan la yaabay, waxa la yidhi Djibouti ayaa inagu casuuntay dalkeena.waxa la yidhi. “ninka guriigiisa ama xoolihiisa kaa martisoora nin dheh. Ninka guri kale ama xoolo nin kale kaa martisoorana nimanyaal dheh.” Waar baasaboorkii yaraa bal halkuu inala marayo eega. Calaa kullun xaal hambalyo Ugaaska la caleemo saaray. Beesha Ciisena hambalyo xeerka ay ku dhaqmaan. Anaga xeer,distoor,shareeco midna naloogu taagwaaye.
Doolaal: Ugaasku waa hambalyo eh maxaad kale haysaa?
Dubbe: Waxaan hayaa waxa halkan inala fadhiya maanta nin dhallinyaro ah oo fariida oo magaciisa la yidhaahdo Dubeeco.saw adigu Doolaal maad ahayn anna Dubbe? Isna waa Dubeeco. Dhawr jeer baan hadalka ku gooyay isagoo is leh hadal. Raali aha woo inoo wad adeer.
Dubeeco: Wax kale maan lahayne waxaan arkay Xildhibaan yidhi waxa laygu garaacay oo laygu afxumeeyay kaantaroolka bariga Boorame oo “haddaan sheego waxii laygu yidhi qarankaa dumaya.” Waxaan idhi. “sidii bahalkii biriishka ka dhacay Ilaahay ballankii barquu kacay.” Waa midhihii (AHN) Cabdi Malow. Tolow Cabdi Malow cid ma ka tegey?
Dubbe: Haaye. Nin wanaagsan oo miskiin ah oo maalin dhoweydna Kulmiye been ka sheegayay oo lahaa waxay yidhaahdeen Ku-xigeenkii wuu dhintay ayuu dhalay.
Dubeeco: Oo adeer ma qaadkaa kugu yar kululaaday? Waa maxay waa nin miskiin ah oo wanaagsan iyo haddana been intaa leeg buu sheegay?
Dubbe: Adeer labaduba waa wax jira oo aan kala reebi kari waayay eh. Adigu iska dhaafoo sidii Cabdi malaw ma aha uun ka soo qaad. Inoo wad sheekada xildhibaanka yaan ku illawsiine. Oo xildhibaanku waa kuma?
Doolaal: Waar inanka ha dembaajin ee iska daa.
Dubeeco: Waxba ma laha eh. Xildhibaanku waa Xasan Cawaale Caynaan.
Dubbe: Haa. Beriguu macalinka ahaa nin dadka aad wax u baray oo wanaagsan buuahaaye. Abaalkaa Somaliland way u haysaa laakiin siyaasaddii buu ku yar asqaoobaye.
Dubeeco: Ninkii xildhibaanka ahaa oo aan ku aqaanay kuwa xumaanta ku taageera Ina Rayaale ee weliba ku dagaalama ayaan markaan hadalkiisi maqlay waxaan xusuustay marxuumkii Cabdikariim Xaaji Ducaale oo beri wefti la socday ay meel tuule ah istaageen si ay hilib uga cunaan. Intaan hilibkii loo keenin baa war ku soo dhacay oo la yidhi Xabashi baa idinku soo socota. Wadaday cabbeen. In doora markay socdeen ayay joogsadeen oo yidhaadeen “waynu lunnay” wuxuu yidhi. “iminka maynu lumine saaka markaa hilibkii inaga soo kaxayseen baynu lunnay.” Haddaba waxaan leeyahay maanta markii lagu garaacay qaranku muu dumine wuxuu dumay:
Markaa Ina Rayaale ka oggolaatay ee aad ku raacday inuu ku amro inay askartu suuqa Hargeysa muwaadiniinta ku toogtaan oon laba cali isweydiin.
Markaad ka oggolaaday in askariga yar ee Wajaale haystaa uu Faysal Cali Waraabe gacantiisa ula tago oo uu weliba baastoolad ula baxo oo uu ku sii dallaco.
Makaad ka oggolaatay inuu isla askarigaa yare e Dacawo la yidhaadaa ku garaacay Wajaale Umulaha ee uu xabsiga Gabiley u taxaabay iyagoon dambi geysa. Markuu graacay Curyaanka laxaadka la’ ee calanka Kulmiye huwaday. Markuu laba muwaadin oo gaadhi iskaga dhex jira toogtay ee ay ku naf waayeen. Markuu Guddomiyaha Degmada wajaale dhirbaaxada kaga saraay shir saxaafadeed uu qabtay. Markuu gaadiidka muwaadinuuntu leedahay isku deyey inuu Xabashi u gacan geliyo. Markuu xabsiga dhigay qofkii uu doono am il qalloocan ku eegaba ee uu weliba ku sii dallacay adna aad ku taageertay.
Markaad oggolaatay inuu Boolisku Wakiilada mucaaridka ah dhirbaaxo kaga saaro golahahooda aad ka midka tahay ee weliba ay quful ku jebiyeen.
Markaad oggolaalay inuu Muj. Yusuf Cabdi Gaboobe jeelka mandheera sharci darro ugu xidho waayo Haatuf buu ku qoray musuqa Madaxtooyada hadheeyay.
Markaad oggolaatay inuu sharci darro ku xidho Gaboose, Maxamed Xashi iyo Jamaal caydiid oo keliya codasay in xisbiyada la furo.
Markaad ka oggolaatay inuu Abshir, darwalkii hore ee xaaskiisa jeelka mandheera u diro waayo dhaartii uu dalka u maray ayuu ku dhaqmay oo wuxuu sheegay musuqa hantida umadda lau lunsado wixii uu ka ogaa.
Markaad oggolaadtay ee aad sacabka u tuntay inay saxaafadda gawda ka saaraan oo qalabka si Ilaahay uun ogyahay ay ku soo heleen ka jejebiyeen ee haddana cidi juuq u odhan weyday.
Markaad sacabka u tuntay markuu Boorame ka dhigtay boqortooyo uu leeyahay.
Markaad sacabka u tuntay markuu xisaab xidhkii misaaniyadda keeni waayay.
Markaad sacabka u tuntay markuu kalluunka dalka keligii dhoofsaday.
Markaad ka oggolaatay uguna sacabbo tuntay inuu xeer wal oo buugaagta ku yaalla jebiyo.
Markaad ka oggolaatay inuu hantifda umadda ku tagri fallo si sharci darro ah.
Markaa macasha u qabtay markuu xaraashayay guryaha umadda.
Markaad ka oggolaatay inuu xisaabta dekedda iyo ta Total keligii ku tagri falo.
Markaad ugu dagaalantay inuu xoolaha laba nin oo keliya u xidho.
Markaa ku garab gashay inuu muwaadiinta shaqada ay helaan ka hor joogsado sidii Aamina Weris.
Markaad ku taageertay inuu baabiiyo ururada xuquuqda Aadamaha.
Markaad ka oggolaatay inuu ku taageero markay wasiiradiisu hablaha caarka ah aflagaadeeyaan. Mise tolow markaa xildhibaan maad ahayn.
Markaad u sacabisay inuu salaadiinta iyo madax dhaqameedyada jeelasha ku guro sharci darro.
Markaad ka oggolaatay inuu lacag iska soo daabacdo isagoon golaha aad ka midka tahay ee Wakiilada soo marin sida Distoorku dhigayo.
Markaad ka oggolaatay in Dalka saddex lacagyaow oo laba ajaanib tahay gobolada dalka laga isticmaalo.
Markaad ka oggolaatay inuu ciidaamada qalabka sida derejo siin waayo(adna cid aad la hadasho ayaa heli lahayd haddaad sarkaalka iyo askariga kala garanayso markay ku caayayeen)
Markaad ka oggolaatay in uu adeegsado Guddiyada nabadgelyada ee Golaha aad ka midka tahay ka soo saaray qaraar odhanaya “waa sharci darro aan Distoorka waafaqsanayn.”
Markaad ka oggolaatay inuu warbaahinta umadda keligii adeegsado oo weliba cay iyo isku dir beelaha ah ka fidiyo.
Markaad ka oggolaatay inuu Golayaasha Deegaanka ka hor joogsado inay shirar aan caadi ahayn qabsadaan.
Markaad ugu sacabo tuntay inuu xisbiyada qaanka ee kiisa la midka ah u diido inay meel ay lacagtooda ku kiraysteen ku shiraan.
Markaad ugu rixlaysay inuu Guddoomiyahaaga baastoolad loola soo baxo.
Markaad indho li’i dhego li’i ugu raacday intaa iyo inkaloo ka badan ayuu qaranku dumay saaxiib.
Ta kale haddii aad iminka uun toostay askartu maalin walba shicibka dil iyo dagaal iyo xadhigba iyo aflagaadaba way ku hayaan hadday joogaan kantaroolka Boorame,ka Buurta kal jeexan, ka Hallaye ka Caanteynada Berbera ka Burco iyo mid walba.
Doolaal:’aar kan yar baaba u daran ee xagguu nooga keenay. Adeer iska qayil.

Waa inoo qoraalka xiga. Haddii Eebe idmo.
Geeljire

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking