COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, March 29, 2010

Mandheera: Maxkamad u bilaabantay dad ajaanib ku jiro oo falal Argagixiso loo haysto

Mandheera, (NNN)- Rag ku eedaysan dilka Taliyihii qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka, ayaa shalay Maxkamaddi uga bilaabantay Xabsiga magaalada Mandheera oo u dhexaysa Hargeysa iyo Berbera.
Maxkamadda oo 9:30 subaxnimo ka furantay hool wayn oo ku dhex yaala dugsiga tabobarka Booliska ee Mandheera, waxa la horgeeyay sagaal nin oo uu ka mid yahay Taliyihii Sirdoonka gobolka Sool Cabdifataax Muuse Yuusuf.
Eedaysayaashan oo loo haysto dilka Taliyihii ciidanka ee qaybta 12aad marxuum Cusmaan Yuusuf Nuur oo 01, November 2009 qarax Miino lagu dilay xilli uu marayay gudaha magaalada Laascaanood, waxa ka mid ah laba qof oo Itoobiyaan ah, mid u dhashay dalka Eritrea iyo nin u dhashay dalka Suudaan, iyadoo shanta nin ee kalena u dhasheen degaanka Laascaanood.
Furitaanka Maxkamadda waxa goobjoog ka ahaa saddex qareen oo difaacaya eedaysanayaashan, eheladooda, Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan iyo shaqsiyaad kale.
Xeer-ilaaliyaha gobolka Sool Mr. Aadan Salaad Sheekh, waxa uu Maxkamadda horteeda ka jeediyay in nimankaasi ku lug lahaayeen qarax galaaftay Taliyahaas oo 1, Nov.2009 lala beegsaday baabuur uu saarnaa oo marayay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Waxa uu sheegay in raggani qorshaynayeen qaraxyo kale oo la fashiliyay, isla markaana wadeen kharbudaad iyo khalkhalin gelin ka dhan ah ammaanka Somaliland.
Hase yeeshee, qareenada difaacayaa waxay sheegeen in aanay waxba ka jirin eedaymaha Xeer-ilaaliyaha gobolku Maxkamadda keenay.
Eedaysanayaasha Maxkamaddu u bilaabantay waxa kale oo ka mid ah Cabdirashiid Axmed Warsame oo ah ganacsade, horena uga tirsanaa Baarlamaanka maamul-gobolleedka Puntland.
Waxa aad loo adkeeyay amaanka Xabsiga Maxkamaddu ka furantay, waxaana eedaysanayaasha la horgeeyay iyadoo ay silsiladaysan yihiin, inkastoo markii dambe laga furay ka dib markii uu codsaday garyaqaan Maxamed Jaamac Cabdi oo ka mid ah qareenada difaacaya. Hase yeeshee, eedaysanayaashu waxay sheegeen in wax dhibaato ah loo geysan muddo dhawr bilood ah oo ay ku jireen xabsiga magaalada Laascaanood.
Dhegaysiga Maxkamadda subaxnimadii furantay, waxay socotay ilaa duhurnimadii shalay. Laakiin, Maxkamadda oo ay hagayeen saddex garsoore, waxay markale dib u furantay duhurnimadii ka dib, waxayna socotay ilaa 4:00 galabnimo.
Maxkamaddu waxay gelinkii dambe dhegaysatay ilaa shan markhaati oo Maxkamadda la horgeeyay, waxaana dhegaysiga dacwadu dib u bilaabmi doontaa Salaasada beri.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking