COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, March 17, 2010

“Xisbiyo maahee, waxa la kala dooranayaa Daahir hurdaaye, halgame Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe”

Faysal Cali Waraabe
Ceerigaabo, (Nnn)- Guddoomiyaha golaha Wakiillada iyo guddoomiyaha xisbiga UCID oo haatan ku sugan magaalada Ceerigaabo, ayaa ka dayriyay adeegyada bulshada ee gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Eng. Faysal Cali Waraabe oo horkacaya wefti UCID ah oo Isniintii doraad gaadhay Ceerigaabo, waxay shalay hadal ka jeediyeen kulan lagu qabtay xarunta Jaamacadda Sanaag.
Sida la sheegay, Masuuliyiintu waxa ay kulankaas ugu talogaleen indha-indhaynta, dardar gelinta hawlaha Jaamacadda Sanaag iyo sidii gacan looga gaysan lahaa, waxayna balanqaadeen inay gacan ka geysan doonaan Jaamacaddaas. “Golaha Wakiillada ee xilligan aan odayga ka ahay hadday tahay kuwii gobolkiina kasoo baxay iyo hadday kuwo kale tahayba oo aan anigu ugu horeeyo, way fiican tahay in lala xisaabtamo, waana xaq hadday Madaxweyne tahay iyo hadday cid kastaba tahay in lala xisaabtamo,” sidaa waxa yidhi guddoomiyaha golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo ugu horayn hadal ka jeediyay kulankaas. “Doorashadii Madaxweynuhu way soo dhowdahay, maantana waxaynu nahay dal dimoqraaddi ah oo awoodda qoriga laguma qabsadee, codkiinaa lagu qabsanayaa. Markaa Deked, Madaar, waddo, caafimaad iyo waxbarasho intaba codkiinu waa idiin gooyaaye, meel khaldan haku ridina,” ayuu raaciyay.
Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna hadal ka jeediyay kulankaas, waxa uu dadweynaha reer Ceerigaabo uga mahadceliyay siday ay ugu qaabileen, uguna soo dhaweeyeen magaaladaas. “Weligay maanta ka horow ma maqal afartan beelood ee laydiin kala qaybiyaye, iimaansada oo ogaada Somaliland in aynu ku wada nool nahay, xuduudaha caalamiga ahna aan qabiilnimo waxba ka bedeli karin, mana jirto wax afar beelood la yidhaahdaaye, hal beel oo beesha Sanaag ah oo walaalo ah baa tihiin, horumarkii iyo nabaddii 1993-kii aad samaysateena maanta waxa idinka horreeya kuwii 1996-kii heshiiyay, waxaanad ogaataan iskama war haysaane wax kastaba inaad qabsan kartaan, waayo kuwa Somaliland ugu lacagta badani waa reer Sanaag. Sidoo kalena kan Baanka haysta iyo kan lacagta ee wax kale iska daaye xataa lacagta idinka bedeli kari waayay waa reer Sanaag, taasina waxay ku tusaysaa in aan wasiir iyo mid kale toona awood lahayn,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Faysal Cali Waraabe waxa uu ka dayriyay adeegyada bulshada ee gobolka Sanaag, wuxuuna baaq u jeediyay dadka gobolkaas. “Maanta waad ogtihiin wadooyin ma lihin, tacliinta, biyaha, caafimaadka, dekeddaha iyo wax kastana waxay ku soconayaan waa jeebkeena ee aan samaysanno dawlad wanaagsan oo waxyaabahaas inoo samaysa, doorashada Madaxweynaha ee soo socotana UDUB, UCID iyo KULMIYE toona ma ahee, waxa la dooranayaa waa Daahir-hurdaaye Halgame Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe. Annaga (UCID) haddii nala doorto kiish madhan ma sidanee, horumar ayaanu samaynaynaa, dawlad Hargeysa ku ururaysaana ma jirayso. Markaa kala doorta foodkiina inaad ku qayishaan iyo inaad cid wax idiin qabanaysa siisaan,” ayuu raaciyay.
Courtesy: Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking