COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, March 13, 2010

Shuban-biyood ka dilaacay degaamo ka tirsan gobolka Awdal

Boorama,(NNN)- Xanuunka Shuban-biyoodka, ayaa la sheegay inuu ka dilaacay degaamo ka tirsan gobolka Awdal.
Siday xalay baahisay idaacadda dawladda ee Raadyow Hargeysa, Maamulaha xarunta Caafimaadka degmada Boon Dr. Ibraahim Cumar, ayaa sheegay in Shuban-biyood ka dilaacay degaan lagu magacaabo Xaliimaale oo ka tirsan gobolka Awdal.
Waxa uu sheegay in xanuunkaasi haleelay 30 qof oo isugu jira Carruur iyo dad waawayn, wuxuuna ku baaqay gurmad Caafimaad oo wax loogu qabto, gaar ahaan in daawooyin lala gaadho dadkaas.
Warku wuxuu intaa ku daray, in xanuunkaasi ka dhashay biyo wasakhaysan oo dadkaasi isticmaaleen, ka dib roobab ka da’ay degaamadaas.
Sidoo kale, waxa la sheegay inay jiraan degaamo kale oo lagu arkay calaamado muujinaya xanuunkaas, sida tuulooyinka Dhagax-madow, Libaaxlay iyo Boon oo dhamaantood ka tirsan gobolka Awdal ee Galbeedka Somaliland.
Guddoomiyaha Boon Mr. Raage Aw-Cusmaan Waaberi oo isna arrintaa ka hadlay, waxa uu Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo hay’addaha ku shaqada leh ugu baaqay inay gurmad degdeg ah gaadhsiiyaan dadkaa Shuban-biyoodku ku dhacay.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking