COMING SOON......Radio Nasiib

Friday, March 5, 2010

Siyaasiyiin magac ku leh dalka oo dhammaystay Waxbarasho ay muddo ku jireen

Hargeysa, (NNN) - Munaasibad loo qabtay qalin-jebinta dufcaddii koowaad ee ka qalin-jebisa Mac-hadka Nabadda iyo xallinta khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa, ayaa xalay lagu qabtay Hutel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibaddan waxa ka qayb-galay masuuliyiin sarsare oo ay ka mid yihiin, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, Shirguddoonada Wakiilada iyo Guurtida, Wasiirka Madaxtooyada, Abwaanno, Culima’udiin, Aqoonyahan iyo marti-sharaf kale.
Munaasibaddan oo loo qabtay 33 Arday oo u badan Siyaasiyiin iyo aqoonyahan dalka magac ku leh, kana mid yihiin, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ku-xigeenkiisa Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiye-xigeenka Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale, ayaa ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo ka waramay uujeedada Mac-hadkan ay ka qalin-jebiyeen masuuliyiintan iyo in uu ka tirsan yahay waaxyaha Jaamacadda Hargeysa. Waxaanu Guddoomiyaha Jaamacaddu sheegay in masuuliyiintani ay dhigayanayeen xallinta khilaafaadka muddo sanad ah, lagana rejaynayo in ay wax ka bedelaan arrimaha siyaasadeed ee dalka.
Waxa kale oo halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay Mac-hadkan, isla markaana sheegay in masuuliyiinta ka baxay dugsigani ay tahay mid lagu farxo waxay barteen. Waxaanu Xisbiga UDUB ugu baaqay inay galaan Mac-hadkan. “Masuuliyiinta Xisbiga UDUB ayaa iyana u baahan inay galaan Mac-hadkan, si ay u bartaan nabadda iyo xallinta khilaafaadka.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna halkaa ka hadlay, ayaa Xukuumadda ku eedeeyay wax-qabad-la’aan, waxaanu sheegay in tallaabada ay qaadeen masuuliyiintani ay tahay mid loo baahan yahay. “Laakiin, aniga iyo Guddoomiye Siilaanyo ayaad naga tagteen oo ay ahayd in aanu galno.” Ayuu si kaftan ku dheehan yahay u yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu ku hambalyeeyay masuuliyinta ka qalin-jebiyay Mac-hadkan.
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo isna halkaa ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay xallinta khilaafaadku iyo sida ay Diintu u aragto.
Sidoo kale, masuuliyiintii halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Abwaan Gaarriye, Madaxa Mac-hadka nabadda iyo xalinta khilaafaadka, Wasiirka Madaxtooyada Xasan Axmed Ducaale (Macallin), Maxamed Cabdi Malow oo UDUB u hadlay, kuwaas oo dhammaantood ka waramay muhiimadda ay leedahay barashada xallinta khilaafaadka, isla markaana ku hambalyeeyay ardayda iyo masuuliyiinta Jaamacadda.
Somaliland.org

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking