COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, March 29, 2010

“Mucaawimadu waxay inagu soo gashaa Masaajid, waxayna dhashaa Bacadle, Guri, Gaadhi & gabadh”

Wasiir-ku-xigeenka Caddaaladda
Hargeysa, (NNN)- Qaar ka mid ah Wasaaradda Somaliland, ayaa shalay kulan ka yeeshay sidii wax loogu qaban lahaa dhibaatada haysata Carruurta Darbi-jiifka ah ee Somaliland.
Kulankaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, waxa ka qaybgalay Wasaaradda Diinta, Caddaalada iyo Daakhiliga.
Ugu horay, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo hadal kooban jeediyay kulankaas, waxa uu ka hadlay dhibaatada ay deriska la yihiin carruurta Darbi-jiifka ahi. “Waxaanu ka yara xanuunsanay markaanu aragnay dadkaas, markaa waxaanu is nidhi bal Wasaaradduna abaabul wixii ay hayso ha isku daydo, ciddii muxsiniin ah ee Illaahay wax ka siiyana inay ugu qayliyaan, dabadeedna halkaas ay baraarujini ka dhacdo,” ayuu yidhi Sheekh Maxamuud Suufi.
Waxa uu tilmaamay sida loogu baahan yahay in wax loogu qabto Carruurta Darbi-jiifka ah, kuwaasoo uu xusay in haddii aan xal loo heli ay mustaqbalka dhibaato u horseedi karaan umadda reer Somaliland. “Waxa iyana la mid ah oo wacyigelin u baahan dadka dhalinyarada ah ee iyaguna baddaha isku guraya, kuwaasoo iyana wax sheegid u baahan. Markaa shirkeenani waxa uu ku saabsan yahay in wax loo sheego dadkaas,” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiir kuxigeenka Caddaalada Yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo) oo isna hadal ka jeediyay kulankaas, waxa uu sheegay in dhowaan la furi doono xabsiga dhaqangelinta Carruurta sharciga ku gefta.
Mr. Talaabo waxa uu sheegay in lacago xaddigeedu badan yahay sannad kasta lagu cuno wax u qabashada Carruurta, taasoo uu sheegay in la soo marsiiyo hay’addaha daryeelka carruurta ku shaqada leh. “Lacagtaa waxa lagu laastaa (dhameeyaa) siminaar iyo cilmi-baadhis yar oo la sameeyo, ilaa imikana siyaasad iyo istiraatijiyad midna ma leh. Anagaa ah Wasaaradda ay khusayso, laakiin waanu ugu taag lanahay inay (hay’aduhu) wax waxqabad ah sameeyaan,” ayuu yidhi Yuusuf Ciise Talaabo.
Wasiir kuxigeenku waxa uu naqdiyay qaabka ay u fulaan mashaariicda khayriga ah ee dalka soo gashaa, taasoo uu sheegay inay gacanta ku hayaan dad uu ugu yeedhay Culimo da’doodu yar oo guri, gaadhi iyo waxyaabo kale ka oo ay gaar u samaystaan ka dheega lacagahaas. “Madaariska iyo Masaajidadaba si qubane ah baa looga qaataa hay’addaha caalamiga ah ee khayriga ah ee Islaamiga ah dhammaantood wadaadadaa qaata, weliba qaybo ka mid ah oo da’ yar baa qaata. Waxay inoo soo gashaa (mucaawimadu) iyadoo Masaajid ah, waxayna dhashaa Bacadle, guri, gaadhi iyo gabadh – intaas buu baaqigu u dhalaa, niman aad u deeq badanina way bixiyaan,” ayuu yidhi. “Hay’addah gaalada inkasta hala cunee (deeqaha ay bixiyaan) way muuqataa, laakiin mucaawimadan (mashaariicda khayriga ah) oo dalka u tirsan oo ku qorani ma muuqato…Masaajid aan loo meel-dayin uun baynu ka aragnaa oo aan dhulka aadka looga baahan yahayna aan badi laga samaynaynin….Qaar baa meelo buuro ah laga dhisayaa oo aanay dadka waawayni fuuliba karin, laakiin waxaad ogaanaysaa inuu iska yahay mashruuc ka faa’iidaysi ah. Masaajidkaasi hadhow qaranka kuma soo wareego, wasaaradda kama soo diiwaangashamo oo halkan lagama maamulo oo Mu’adinkiisa iyo Imaamkiisa lama keeno,” ayuu raaciyay.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking