COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, March 22, 2010

“Naga daaya tan aad odhanaysaan Mucaaradkaa sidaa yidhi, mar hadday yidhaahdeenna Allaa yidhi”

Hargeysa, (NNN)- Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa si cadho leh uga hadlay War shalay ku soo baxay Wargeyska Ogaal oo la xidhiidhay marti-qaad ay Maraykanku u fidiyeen Axsaabta Siyaasadda. Waxaanu cabasho ka muujiyay xigasho Wargeysku xigtay xubno ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka ah.
Md. Jaamac Yaasiin Faarax OO Wargeyska Ogaal Khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay, ayaa sheegay in aanay Xisbigoodu wax marti-qaad ah ka helin Dawladda Maraykanka ilaa duhurkii shalay wixii ka horreeyay, waxaanu naqdiyay Axsaabta Mucaaradka ah. “Ilaa maanta (shalay) 12:00 duhurnimo wax marti-qaad ah oo aanu ka helnay Dawladda Maraykanka Safaaradaheeda, ta Nairobi ama Jabuuti may jirin, waxanna (Warka) xalay (habeen hore) ayaad daabacdeen, markaa waxay ahayd in aad hubisaan oo ciddii aad War ka haysaan uun daabacdaan..Waxaana weeye, Xisbi Mucaarad ah ayaa waxaas noo sheegay jawaab maaha. Waxa weeye, cidda marti-qaadka fidisay in aad Warka ka heshay bay ahayd. Anagu iyaga (Mucaaradka) ma nihin, iyaguna anaga (UDUB) maaha. Markaa in aanu idiin kala sumad lahaano weeye.” Ayuu yidhi Xoghayaha guud ee UDUB oo u hadlayay si cadho ku dheehan tahay.
Mar aanu Xoghayaha guud waydiinay in taa macnaheedu tahay in uu ka cadhooday xigashada xubno ka mid ah Axsaabta Mucaaradka ah, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Maya, waxaan ku idhi, markaad saddexda Xisbi leedahay waa in aad saddexda Xisbi caddayn ka haysataa ama ciddii marti-qaadday waa in aad ka heshaan. Laakiin, labada Xisbi Mucaarad baa sidaa na yidhi waxay ka dhigan tahay in aad u shaambadaynaysaan waxay doonayaan. Laakiin, anaga iIaa maanta (shalay) 12:00 duhurnimo wax marti-qaad ah oo aanu ka helnay Dawladda Maraykanka, wax Wasaarad Arrimaha dibedda soo marayna ma jirto, wax Madaxtooyada soo marayna ma jirto, wax ka dambeeyayna ma ogi.”
Xoghayaha guud ee UDUB oo ka hor intii aanu Wargeyska Ogaal qorin Warka la xidhiidha marti-qaadka ee uu ka cadhooday Xoghaya guud aanu la xidhiidhnay, si aanu wax uga waydiino dhinacooda, isla markaana aan naga qaban Telefoonkiisa Gacanta, ayaa mar aanu xalay waydiinay in loo fahmi karo in muddadii ka dambaysay 12:00 duhurnimo ee shalay ay heleen marti-qaadka, ayaa wuxuu si cadho badani ku dheehan tahay u yidhi, “Jawaabtu sidaa aan kuu sheegay weeye, waxan (Warka) xalay (Habeen hore) ayaad qorteen, ilaa maantana (shalay) markii shaqooyinka laga soo rawaxay maanu haynin wax marti-qaad ah, taas macnaheedu maaha beri (maanta) ilaa caawa (xalay) aananu helaynin..Waryaahe, waxaad adigu doondoonaysaa ma khaladaadkaagaad doonaysaa in laguu saxo, wax jiray oo na soo gaadhay may jirin..waxaanu ku leenahay, naga daaya tan aad mar walba odhanaysaan Xisbiyadii Mucaaradkaa sidaa yidhi, mar hadday yidhaahdeena Allaa yidhi, naga daaya idinkama aqbalaynee.”
Markii uu Xoghaya intaa yidhi, ayuu isaga oo aan kelmad kale raacin, isla markaana sugin in Wargeysku wax ka waydiiyo arrintan uu si degdeg ah u dhigay Telefoonka.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking