COMING SOON......Radio Nasiib

Thursday, March 4, 2010

Suldaan cusub oo lagu caleemo-saaray magaalada Ceerigaabo

Ceerigaabo, (NNN) - Waxa magaalo-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo maalintii shalay ahayd ka dhacday munaasibad lagu caleemo-saarayo Suldaan Cusub oo ay yeelato beesha Aduruxmiin ee Galbeedka gobolka Sanaag.
Munaasibaddan oo ay ka qayb galeen Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin, Masuuliyiinta Dawladda heer gobol iyo mid degmaba iyo dadweyne kale oo tiro badan, ayaa waxa Suldaan cusub oo ay yeelanayso Beesha galbeedka Sanaag waxa loogu cumaamaday Suldaan Maxamed Axmed Cali-yare.
Masuuliyiintii ka qayb galay munaasibaddan ayaa soo-dhaweeyay oo taageeray Suldaanka cusub, waxaanay Ilaahay uga baryeen in uu xilka u fududeeyo.
Sidoo kale, waxa munaasibaddaas ka hadlay, Ch-Caaqil Maxamed Cawed Faarax, Ku-sime Ch-Caaqil Xasan Nuur Ismaaciil, Caaqil Cabdi Xasan Cabdi, Caaqil Cabdi Nuur Dhoobey, Caaqil Xuseen Faarax, Maayar-xigeenka Ceerigaabo Maxamuud Cawed Ducaale, Cabdirisaaq Xaaji Xasan, Saalax Xaaji Xasan, Ch-Caaqil Axmed Yuusuf Maxamuud, Ch-Caaqil Siciid Cawl Cabdulle, kuwaas oo dhammaantood ka hadlay sida ay u taageersan yihiin Suldaanka cusub.
Suldaanka cusub Suldaan Maxamed Axmed Cali-yare oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa u mahad-naqay dhammaan madax-dhaqameedka, Masuuliyiinta Dawladda iyo dadweynaha kale ee ka qayb-galay munaasibaddaas, waxaanu sheegay in uu hoggaansami doono talooyinka ay u jeediyeen.
Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay Wakiil-Suldaan Siciid Suldaan Cali Ducaale, Boqor Axmed Cali Ducaale, Boqor Cabdilaahi Xaaji Xasan (Jire), Suldaan Ismaaciil Nuur Wacays, Suldaan Ibraahin Cige, Ch-Caaqil Xuseen Xasan Cali, Caaqil-Axmed Jaamac Ismaaciil.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking