COMING SOON......Radio Nasiib

Tuesday, March 2, 2010

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka Kenya, Faarax Macalin, oo iska difaacay eedayn dhinac ka raran wasiir Kenya ka tirsani ugu soo jeediyey safarkii uu Somaliland ku yimid

Hargeisa, (NNN) Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin Axmed, ayaa gaashaanka ku dhuftay qoraal uu Wasiirka Arrimaha dibada Kenya ku dalbaday in Guddi Hoosaadka difaaca iyo Arrimaha dibada ee Baarlamaanku baadhaan dhaqdhaqaaqyadii weftigii Guddoomiye Ku Xigeenka baarlamaanka Kenya uu ku yimid Somaliland bishii December ee la soo dhaafay.
Md. Faarax Macalin oo ka hadlayay hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha dibada wuxuu yidhi “Wasiirku Arrintan uu imika ku hadlay Xalaalna ma aha, sharcina ma aha dafaf iyo...
dan kale uun baana u geysay mooyee, awood uu isagu ku yidhaahdo Guddi Baarlamaan ha baadhaan Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaankana ma laha. Isaguna ima baadhi karo Laakiin Anigaa Wasiirka Baadhi Kara. Sharciga wadankan u yaallana Anigaa awood u leh Anigoo ah Guddoomiye Ku Xigeenkii Baarlamaanka sharciga baarlamaanka dalkan u yaalaana waxa weeye dhammaan Guddiyaasha Baarlamaanka oo dhan 27 ah Aniga ayay I hoos yimaadaan oo hawlgalkooda oo dhanba gacanta ku haya.”
Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya oo la weydiiyay inuu faah faahin ka bixiyo socdaalkiisii Somaliland wuxuu yidhi “Anigu Guddi Baarlamaan ayaan Somaliland la tagay Guddidiina warbixin ayay soo qoreen oo soo wadaan. Aniguna xaq uma lihi inaan dhex galo warbixintaasi illaa aanu keeno Baarlamaanka. Waxaanan horgeynaynaa baarlamaanka wakhti aad u dhow.”
“Marnaba Anigu kama hadal wax Aqoonsi ah, dawlad nidaam leh ayaan ka tirsan nahay nidaamkaasi wixii soo dhex mara uun baa lagu tallaabo qaadi karaa. Anigu waxaan u tagay inaan soo ogaano xaalada bini’aadmino ee ka jirta Somaliland, inaan ogaado siday siyaasadu tahay waayo waxaan ogsoon nahay in doorashadii Madaxweynaha Somaliland dhawr jeer dib loo dhigay inaan xaaladaasi soo ogaado ayaan u tagay iyo arrinta kale oo ah inaan wixii tallo walaalnimo ah ee nabadaasi iyo dimuqraadiyadaas loo sugi lahaa inaanu u sheegno. Waxa kale oo jirta inaan meesha u tagnay Aniga iyo Guddidaydii xaalada Nabada, dhaqaalaha iyo jidadka iyo Ganacsiga Somaliland inaan wax ka soo ogaano,”ayuu yidhi Md. Faarax Macalin oo xalay u waramayay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.
Guddoomiye Ku Xigeenku wuxuu intaasi ku daray “Wanaagooda meel kastaba waan u tagayaa Anigoo isticmaalaya awoodayda Guddoomiye Ku Xigeenka baarlamaanka Kenya danaha Kenya khusaynaya waan raacayaa, waxaan u tagay sidii dadka Somaliland caalamka loogu qaylin lahaa wixii mucaawimo ah ee ay xaq u leeyihiin.”
Md. Faarax Macalin oo ka hadlay socdaalkiisii Laascaanood wuxuu yidhi “Dadka deegaanka Laascaanood si weyn ayay ii soo dhaweeyeen oo wadooyinka ayay ii taagnaayeen markii aan Burco ka baxay markii aan ka soo noqonayayna sidii oo kale ayay ahaayeen.”

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking