COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, March 8, 2010

Masuuliyiin dalka gudihiisa iyo dibeddiisa xilal kala duwan looga magacaabay Xisbiga UCID

Hargeysa, (NNN)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa xilal kala duwan u magacaabay masuuliyiin kala duwan, halka uu qaar kalena xilka ka wareejiyay.
Warsaxaafadeed uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa lagu sheegay in Xilkii Xoghayaha Warfaafinta ee UCID laga wareejiyay Cabdinaasir Cismaan Yuusuf, isla markaana loo magacaabay Keysar Cabdilaahi Maxamed.
Warsaxaafadeedkaasi wuxuu u dhignaa sidan;
"Waxaa lala socodsiinayaa Dhamaan Guddida Fulinta, G/Dhexe iyo Xubnaha Xisbiga UCID in Maanta (dorraad) oo ay Taariikhdu tahay 6/03/2010 Md, Kaysar Cabdilaahi Maxamed loo magacaabay inuu noqdo Xoghayha Warfaafifnta Xisbiga UCID, Waxaa sidoo kale isla maanta Xoghayihii hore ee Xisbiga UCID Md, Cabdinaasir Yuusuf Cismaan loo magacaabay inuu noqdo Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee Xisbiga UCID.Sidaa darateed waxaa la farayaa dhamaan cidda iyo khuseysoWarqadan iyo dhamaan Xubnaha Gudida Fulinta, G/Dhexe iyo Taageerayaasha Xisbiga ee dalka Gudihiisa iyo Debadiisuba in ay la shaqeeyaan masuuliyiintan una fududeeyaan hawlahooda.
Md, Kaysar Cabdilaahi waa Suxufi caan ka ah dalka gudihiisa iyo debadiisaba, waana masuul kasoo qayb qaatay xorayntii dalka hooyo, imikana ah Xoghayaha Ururka Aqoonyahanka Qurbo jooga ah ee Somaliland Forum, halka uu Md, Cabdinaasir Yuusuf Cismaan uu yahay masuul aad u firfircoon oo xisbiga UCID xilal kala duwan kasoo qabtay."
Dhinaca kale, Warsaxaafadeed kale oo uu soo saaray Gudoomiyaha Laanta Bristol ee dalka Ingiriiska Muj Maxamed Haybe Maxamed, ayaa xilal kala duwan loogu magacaabay masuuliyiin kala duwan.
Warsaxaafadeedkaasina wuxuu u dhignaa sidan;
"Waxaa lala socodsiinayaa GudoomiyahaDalka Uk ee Xisbiga in Maanta uu taariikhdu tahay 8//03/2010la magacaabay Xilalka hoos ku xusan ee laanta Bristol Md Aadan Maxmed Ibraahin in uu noqdo Xoghayaha Gobolka Hargeysa ee xisbiga.



 No
Magaca
Xilka
1
Xasan Maxamed Xoore (Xoog)
Gudoomiyah ku Xigeenka Laanta Bristol
2
Maxamed Yuusuf Abokor (Xiis).
Xoghaya Laanta Bristol
3
Qaali Jihaad Cadhoole
Xoghayha Maaliyad Laanta Bristol
4
Nimco Cabdi Faarax
Ku Xigeenka  Xoghayaha Maaliyad Laanta Bristol
5
Maygaag Oomaar
Afhayeenka Laanta Bristol
6
Xasan Maxamed Cookaar
Gudoomiyah Garabka Dhalinyarada Laanta Bristol
7
Sucaad Maxamuud Cade Gude
Gudoomiyah Garabka Haweenka Laanta Bristol
8
Muj Sabaax Ciyow
Gudoomiye ku xigeenka Garabka Haweenka Laanta Bristol
9
koos C/laahi Beegsi
Xoghayaha Xidhiidhka & Abaabulka Laanta Bristol


Waxaan ilaahay ka rajeynaynaa inuu lagarab galo hawshooda xilalkoodana u fududeeyo"
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking