COMING SOON......Radio Nasiib

Thursday, April 1, 2010

Furaha raaxada Guurka: Caruusaddu waa inay Caruuska ka da’ yaraato 5 shanno

Hargeysa, (NNN) - Khubaro samaysay cilmi-baadhis dhanka jinsiga ah ayaa sheegay inay heleen wadiiqo lagaga bixi karo mushkilaha ka yimaada guurka. Hadii lamaanaha ay doonayaan inay ku nolaadaan farxad iyo cimri dheer markaa waa in caruusadu shan sannadood ka yaraataa caruuskeeda, isla markaana ay ahaato mid leh maskax iyo faham wanaagsan.
Baadhayaal la socda Iskuulka Dhaqaalaha ee Geneva ayaa sgheegay in raacitaanka wadiiqadani ay kordhin karto fursadaha lagu heli karo guur farxad iyo cimri dherer leh. lamaane ku soo baxaya wadiiqadan ayaa la sheegay inay yihiin boqorka iyo boqorada Edinburgh.
isagoo jira xilligan 83, ayaa la sheegay in boqoradu 4 sannadood iyo 10 bilood ka yar tahay boqorka, iyagoo ka soo wada jeeda isla qoys boqortooyo, isagoo Philip yahay xubin ka tirsan boqotooyada Greek iyo Danish-ka.
Dadka baadhitaanka laga qaaday oo dhan 1,074 lamaane da’dooduna u dhexeysaa 19 ilaa 75 ayaa la sheegay in gabadhu ay boqolkiiba 27% ka maskax badan tahay ninkeeda, isla markaana haysato shahaado aanu isagu haysan.
Nguyen Vi Cao, oo hogaaminayey baadhitaankan ayaa sheegay,'hadii dadku ku socdaan tilmaamahan ay ku dooranayaan lamaanahooda, waxay kordhin kasraa fursadaha farxadooda, iyo cimri dhererka guurkoda boqolkiiba 20%. Waxa sidoo kale lagu sheegay baadhitaankan in lamaanayaashu wakhtiga ay ugu nolosha macaan yihiin tahay marka ay ka soo wareegto arooskooda laba sannadood, kow iyo toban bilood iyo sideed cisho. Baadhayaashan ayaa weydiiyey lamaanayaasha wakhtiga ugu nolosha macaanaa guurkooda, iyagoo 4,000 ka mid ahi sheegeen wakhtigaa.
Carol Richardson,  oo baadhitaankan sameeyey ayaa yidhi, 'baadhitaankayaga waxaanu ku ogaanay in xilliga ugu fiican nolosha lamaanayaasha Ingiriisku xilligaa ku jirto. sida wada lugaynta, wada qaadashada kaftanka fiidkii iyo wadaagida wada shaqeynta guriga ama xalida weelka. laakiin ma jirto sabab aad u heli weydo hadaan raacdo tilmaamahayaga guur farxad iyo cimri dherer leh.
baadhitaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in lagu ogaaday in dumarku ka helaan hadyadaha ubaxyada, macmacaanka iyo amaantaba laba iyo badhka sannadood ee ugu horeeya. raga ka caawiya hawsha guriga iyo karintaba inaan la gaadhin sanadguuradooda sadexaad ee guurkooda.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking