COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, April 28, 2010

DALJIRE: Xeerka Anshaxa Mafrishka

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo.
Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
Dubbe: Faataxa. Waar bal u faatheeya macallinkeenii weynaa ee geeriyooday marxuum Maxamed Gaaxnuug (xaji Kidifaaar)Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo. Faataxa Mujaahid Xasan Ciise Hooyadii. Faataxa gabadhii Ina Sheekh timoweyne dhalay ee daadku ku qaaday Uubaale, faataxa saddexdii nine e Dooxa Caloola ee Dacarbudhuq daadku ku qaaday.Faataxa dadkeenii ku geeriyooday maqaadiirtii Ilaahay roobka u soo raaciyay. Kuwa dhaawacmay iyo kuwa ku guryo beelayba ilaahay caafimaad iyo cawilnaq aynu uga barino. Ilaahay Madaxweyne ku-xigeenka caafimaadka haw siyaadiyo isaga wixii muslimiin ah ee cillad cudur haysaba. Aaaaamiin.

Doolaal: Waaryee waa maalintuu is wanaajin jiraye. Aaamiiin.
Dubbe: Waar illayn waa dadkaygii oo dhiig iyo dheecaan baanu wadaagnaa oo waan ka naxayaa reer Somaliland oo dhane ma maqashay wuxuu Ina Rayaale yidhi markii loo sheegay guryaha dabayshu dumisay?
Doolaal: Mabuu joogine muxuu yidhi ee aad sheegaysaa.
Dubbe:nin la socday oo in la magacdhebo diiday waxoogaa dano ah oo kaga xidhan dartood ayaa iiga warramay. Wuxuu yidhi.”markii naloo sheegay aqalada dabayshu dumisay anagoo meel hudheelka ka mid ah fadhina,halkaanu wax kale iyo inuu naxo ka eegaynay ama uu yidhaahdo inna celiya masiibaa dhacday eh; ayuumbuu intuu xaaskiisii ku jeestey yidhi. “guryahan dumay baan ku xasuustaye, gurigeenna France ku yaalay iyo Qaahira keebaa maqsino badan bay ahayd? Teeda kale beerta ubaxa ma xagani hore ayuumbuu ku lahaa mise way ku wala wareegsanayd bay ahayd?Weli nin Madaxweyne ah oo masiibada dadkiisii ku habsatay ku xusuusta beerta ubaxa ah ee gurigiisa ku taal iyo inta maqsin uu yahay ma la arkay? Ku darso oo lacagta guriga laga dhisay ee ubaxa laga beerayna dadkan saboolka ah ee masiibadu ku dhacday ayaa laga dhacay. EEEEEEEbow. Adigaa weyn. Waar miyaan lays xisabi doonin.
Doolaal: Waar Ilaahay ka yaab malaa waxaa muu odhane.
Dubbe:Waar ninkan malaa weli war baa kugu dhiman nin yahaw. Ma ninkan u haysta inuu ina leeyahay oo aynu u wada shaqayno ee illaabay amase allaaway, waa halkii reer bariga eh,inuu inaka inoo shaqeeyo oo lacagteenii daldasho. Ma maqlaysay wuxuu yidhi markuu dhoofayay?
Doolaal: Muxuu yidhi?
Dubbe: Waa ninka ku leh. “waan dhoofayaa markaan soo noqdo ayaan idiin sheege waxaan doonay.” Waar lacagtayadii aanu ka bakhtiyaynay baad kolba meel ugu dhoofaysaa adigoon waxba noo soo qabanayn oo markaasaad leedahay weliba idiin sheegi maayo halkaan ku so socdo. Qoodhiin iyo dhedigiin Soomaalilaandeey ma ninkaasaa haddana cod idin weydiisan doona bishan soo socota ee dhow oo qaar intay laba addin is daba dhigaan u soo codayn doonaan? Mise waa “Garbo-diiri nin daguugan ma weydo.” Ayaan daranaa dadkaygu.
Doolaal: Madaxweynuhu saw inuu hawsha qaranka sir ka dhigo maaha. Cadaw badan baynu leenahay. Nacab baa meel walba jooga...
Dubbe: waaryaa waaryaa. Waar salla calee. Waar hayla soo gelin nacnacda. Keebaa sir qaran qarinaya? Muu iska badheedho oo yidhaahdo waxoogaa aan Djibouti ku qarsanayay ayaa laygaga fadhiistay oo aan ka daba tegeyaa dabadeed shirkaddii faransiiska ahayd bal waxii Alla naga siiyo ayaanu ka soo qaadan doonaa. Hadduu sidaa u hadlo waa xaal rag baanu odhan lahayne.
Doolaal: Ninkaad leedahay hawl qaran kuma jiro sida loo soo dhoweeyay ma arkaysay?
Dubbe: Soo dhoweynna ma arkayne inuu salaam miskiin dadka isku duubayay ayuumbaan arkayay. Maxaa u diiday inuu sidii Madaxweyne wax u salaamo isagoo qotoma. Ma subxaanyo geed kortaybaa? Dadkuunbuu isku marayaa. Waar naga daayo ma haddaa tidhaahdeen qashinkana iskama qaadi kartaan?
Doolaal: Booto weynidaa maxaa min Madaxweyne illaa qashin gur isga kaa tallaabiyay? Waa maxay qashinka aad sheegaysaa?
Dubbe: Horta Wasiirrada maalinba mid baan is idhaahdaa kanaa ugu liitaa laakiin weli Cabdillahi Cirro mid ka liita ma arag. Waa ninkii yidhi. “dad baa halgankii SNM ku faana. Anaga waxa naga soo maray iyo qaybtaanu ka qaadanay miyay ogyihiin.” Mayee noo sheeg baa la yidhi. Wuxuu yidhi. “berigii taliyihii NSSta ee Hargeysa Axmed Sh. Aadan SNM dishay ayaa aniga iyo gabadh aanu Xamar wada joognay naloo hanjabay oo la yidhi waad ku jirteen shirqoolka. Niman Marreexaan ah ayaa nalooga taag waayay. Waa nala xidhi gaadhay” “Hayeeeeee. Oo dabadeedna maxaa dhacay?” Baa la yidhi. “Dee niman kaloo Mareexaan ah baa ku yidhi “waar ninkani waxba kuma jiro shirqoolna, SNMna shaqo kuma laha ee waa inaka ee iska daaya.”
kkkkkkk. waaar qosol dee. Waa maxay qofku.
Doolaal: Maxaan ku qoslaa dee. Sheekada dhamee horta. Siduu markaa halgankii uga qayb qaatay? Wuxuu lahaa na weydiiya waxa naga gaadhay halgankii meeye dee?
Dubbe: Bal adba! Weliba buug baan ka qorayaa buu yidhi.
Doolaal: Muxuu sameeyay iminka ee aad ku keentay?
Dubbe: dorraad buu dad iskood isu abaabulay oo qashin xaafadoodii ka quraya soo xidhxidhay gawaadhidii ay qashinka iskaga gurayeen. Weligaa waxaasoo kale miyaad aragtay. Maalin dhoweyd arrintu waxay taagnayd waan ciyaari iyo ciyaari maysid. Hadda waxay maraysaa qashinka waan iska qaadi iyo iska qaadi maysid. Bal Somalilanday arrintaa ka taliya.
Doolaal: Waxaasi wax jira maaha malaha.
Dubbe: Wallaahi way jirtaa. Markaasuu weliba intuu tegey kulan cilmiyeed Booliska lagu taba barayo khudbad ka jeediyay oo yidhi. “Booliska waxaan leeyahay xuquuda muwaadinka ilaaliya.” Siduu askarigu u ilaalinayaa marna waxaad faraysaa kii qashinka iska qaadaya soo xidh marna xuquuda muwaadinka ilaali. Iyamaad waalan tahay? Bal Soomalinadeey caqligaa eega.
Doolaal: Waar naga tag anagaaba ku rumaysan gaadhnaye.
Dubbe: Iska daa waxaasoo halkan saxeex.
Doolaal: Maxaad leedahay saxeex?
Dubbe: Waa xeerka Anshaxa doorashada ee Mafriska.
Dubbe: Waar waxba garan mayside meesha saxaafaddu marto lagama hadho. Caqligii oo dhan baa maray meeshay maraan. Eeg sideedaba suxufigu nacas ma noqdo. Suxufi aydin is diidaan waad arki laakii suxufi nacas ah arki maysid. Saxeex. Haynga saxaafadda. Maalinta lagu dhawaaqo doorashada arrimaheenu siyaasadda iyo barnaamijyada ayuumbay ku koobnaanayaan illaa inta ay dhacayso. Danqaabooyinka kale waynu iska deynaynaa. Weliba inagu sida Ina Xaaji Daahir waxaynaan fulin karayn iska saxeexi mayno. Wasiiradii Madaxweynuhu xukumayay baanu aragnay farsamao xumaantoodii mise waa mid meel kale laga xukumo.
Doolaal: Sawdigii lahaa saxaafadda haynaga reebin. Isaga iyo saxaafaddii way heshiiyeen.
Dubbe: Waa rune inaga xeerkeenu wuxuu dhaqan gelayaa maalinta doorasho lagu dhawaaqo. Ta kale waxaan anigu idhi ma saxaafaddaa tidhi maxaa loogu qabsanayaa?

Waa inoo qoraalka xiga. Haddii Eebbe idmo.
A. Geeljire

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking