COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, April 14, 2010

Ururka Ciyaaraha ee Waayo-arag oo dhaliilay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha

Hargeysa,(NNN)- Ururka waaya-aragga Ciyaaraha ee Waayo-arag, ayaa dhaliilay Wasiirka Dhalinyarta iyo Ciyaaraha, isla markaana waxay dusha u saareen rabshaddii dorraad ka dhacday Garoonka Ciyaaraha ee Hargeisa Staduim.
Hoggaanka Ururkaas oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa Wasiirka Dhalinyarta iyo Ciyaaraha ku eedeeyay in aanu aqoon u lahay xilka loo igmaday, isla markaana waxay xuseen in dhawr jeer cabasho ka muujiyeen, balse aan wax tallaabo ah laga qaadin. “Madaxweyne, in badan baa Joornaallada lagu soo qoray in Wasiirku uu yahay Suus ku dhex jira Somaliland oo laga cawday oo dhalinyaradu ka cabatay ninkaas (Wasiirka Ciyaaraha).” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Ururkaas Axmed Maxamed Sawaaxili, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Hase ahaatee, waxba lagama qabanin. Maahmaah baa tidhaahda; Haamo madhani way sanqadh badan yihiin, waxay uga jeedaan ninka jaahilka ee aan waxba aqoon, Wasiirkan Maxamuud Siciid waa Wasiir jaahil ah, markaa waa inuu sanqadha badiyaa. Waxaan tacsi u dirayaa Wasiirkii iskaaya baray Wasiirkan ee yidhi maxaad wax ula qaban waydeen, isla markaana isu-kaaya geeyay.”
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in Wasaaraddaasi aanay si sax ah u gudan waajibaadkii la saaray, isla markaana ay taasi keentay inay ka rejo go’aan dhalinyaradu wax-qabadka Wasaaraddaas.
Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay qaar ka mid ah masuuliyiinta Ururkaas.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking