COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, April 11, 2010

Maxaa ka jira in Madaxtooyadu joojisay xaflad Xisbiga UCID u qaban lahaa Faadumo Siciid?

Hargeysa, (NNN)- Munaasibad soo-dhawayn ah oo la filayay in Xisbiga UCID maanta u qabto Marwo Faadumo Siciid oo hore uga tirsanayd Saraakiisha Hay’adda UNDP ee Somaliland, isla markaana ah Marwada Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibraahim Cabdi, ayaa baaqatay, ka dib markii sida la sheegay uu dhinaca Xukuumadda caddaadis kaga yimi.
Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID iyo Marwo Faadumo Siciid, ayaa la sheegay in dhawaanahanba uu u socday wada-hadal la xidhiidha sidii ay siyaasiyan uga mid noqon lahayd taageerayaasha Xisbigaas, taas oo keentay in Xisbiga UCID uu qorsheeyo in maanta oo Axad ah u qabto Munaasibad soo-dhawayn ah, hase ahaatee, baaqatay.
Inkasta oo aanay dhinacyada ay arrintani khusaysaa si rasmi ah uga hadal, haddana sida ay Wargeyska Ogaal u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, munaasibaddan ayaa baaqatay ka dib markii ay Xukuumadda oo martay jid salka ku haya madax-dhaqameedyo ay cadaadis ku saareen Marwada inay hakiso munaasibadda loo qaban lahaa. Warku wuxuu intaa ku daray in waxyaabaha kale ee lagu qanciyay Faadumo ay ka mid tahay in aanay shaacin taageeradeeda Xisbigaas.
Inkasta oo aanu la xidhiidhnay Marwo Faadumo, si aanu arrintan wax uga waydiino, haddana noomay suurtogelin in aanu helno. Hase yeeshee, Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Siciid Caddaani Mooge oo aanu isna wax ka waydiinay arrintan, ayaa ku jawaabay oo yidhi, “Adeer, run baan kuu sheegayaaye waxba kalama socdo arrintaas.”
Wax kale oo Warku intaa ku daray in inkasta oo aanay Marwo Faadumo ka laaban mabda’eeda siyaasadeed, haddana la hakiyay munaasibaddaas.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking