COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, April 3, 2010

KULMIYE oo dhoolatuskii ugu weynaa ku soo dhaweeyey taageerayaal Galbeedka Burco ah

Hargeysa,(NNN)- Hoggaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa ka hadlay tallaabo ay Xukuumaddu shalay isku dayday inay Xisbigaas kaga hor-istaagto Kulan ballaadhan oo ay ku qaabileen taageerayaal ay ka mid ahaayeen Ardayda Jaamacadaha Hargeysa kaga jirta Beesha galbeedka Burco iyo bariga Hargeysa.
Munaasibad ballaadhan oo ay ka qayb-galeen Hoggaanka iyo masuuliyiinta sare ee KULMIYE, Mudanayaal ka kala tirsan labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada, Madax-dhaqameed, Ganacsato, Aqoonyahan, Dhalinyar, Haween iyo marti-sharaf kale oo badan, isla markaana KULMIYE u qabtay Dhalinyarta Jaamacadaha kaga jira Beesha Habar-yoonis.
Jewigii madasha:
Goobta Shirkani ka dhacay oo ah Hutel Kaah ee duleedka bari ee magaalada Hargeysa, ayaa shalay abbaaro 2:30 duhurnimo la geeyay Ciidamo Boolis ah oo hubaysan. Kuwaas oo u muuqday inay daba socdeen amar uu dorraad Taliyaha guud ee Ciidamada Boolisku ku socodsiiyay Mulkiilaha Hudheelkaas oo uu ku farayay in aan wax Shir Xisbiyeed ah lagu qaban Hudheelkaas. Markii ay Ciidamadaas oo watay Gaadhi kuwa Booliska ahi in muddo ah ku sugnaayeen goobta, ayaa abbaaro 2:46 daqiiqo waxa goobta gaadhay xubno ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha ololaha doorashada ee gobollada bariga Dr. Maxamed Cabdi Gabboose.
Inkasta oo waqtigaa aanay jirin cid ka mid ah taageerayaasha KULMIYE oo goobta joogay, haddana waxa ilaa 3:30 halkaa la geeyay afar Gaadhi oo kale oo ah nooca Booliska, kuwaas oo ay ka buuxeen Ciidamo hubaysani. Isla markaana ay horkacayeen qaar ka mid ah hoggaanka Ciidamada nabadgelyada.
Masuuliyiinta ammaanka ee goobta joogay oo u muuqday kuwo fulinaya amarkii Taliyaha, ayaa si gaar-gaar ah kulan doceedyo nuxurkoodu u ekaa in la baajiyo kulankaas la yeeshay qaar ka mid ah Madax-dhaqameedkii halkaa ku sugnaa iyo Mulkiilaha Huteelka Kaah. Kulamadaas oo ku gebogeboobay in aan la baajinayn kulankaas ee uu qabsoomayo. Taas oo keentay in Ciidamada Boolisku inkasta oo ay in muddo ah gaadh ka hayeen meesha, haddana ay halkaa ka tagaan.
Ficilkii Dhalinyarada:
Ka hor intii aanay Masuuliyiinta iyo Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE gaadhin goobta Shirka, ayaa Dhalinyaro abaabulnayd waxay Taayiro ku gubeen Jidka dhinaca bari uga baxa magaalada Hargeysa ee taga Hutelka kulanku ka dhacayay ee Kaah, gaar ahaan Xaafadda New Hargeisa. Kuwaas oo muujinayay inay ka horjeedaan KULMIYE. Waxase markii dambe goobta Taayirada ay ku gubeen gaadhay Ciidamada Booliska oo halkaa ka qaaday wixii ay dhigeen. Hase ahaatee, Xisbiga KULMIYE ayaa Xukuumadda ku eedeeyay inay soo abaabushay Dhalinyaradaas.
Weedhihii Masuuliyiinta:
Guddoomiyaha Ololaha KULMIYE ee gobollada bariga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ku hadlayay afka Guddida qaban-qaabada Shirkaas, ayaa hadalladii uu halkaa ka jeediyay waxa ka mid ahaa, “Guddoomiye (Siilaanyo), kolkii loo gudbay axsaabta iyo nidaamka dimuqraadiyadeed waxaad muujisay dulqaad odayeed, waxaad muujisay adiga iyo Xisbiga Kulmiye, dhammaan ragga halyeyada ah ee ku jiraaba iyadoo intaasoo gef oo maanta (shalay) ay ugu dambaysay ay idin horyimaadeen, ayaa haddana dulqaad idinka oo dadkiina u lexejeclo leh kaga soo gudubteen.”
Mar uu Dr. Gabboose ka hadlayay dhacdada Ciidamada lagu dul-geeyay xarunta Shirka, ayaa wuxuu yidhi, “Guddoomiye, waxaad inaad maanta (shalay) indhahaaga ku aragtay, Dawladda ayaa mucaaradku Dhagaxyada iyo Taayirka la gubayo hordhigi jiray, maanta (shalay) adaa (Siilaanyo) Dawlad ah, Dawladdii baa ku hordhigtay Taayiradii iyo Dhagaxii. Gudoomiye, ardayda halkan taagani iyo shacbiga intaa tiro le’eg ee taagani, waxay u qabteen kulankan tuhun ayaa iman karayey inay maqan yihiin, inay ka maqan yihiin Xisbigan. Waxa weeye, ta koowaad inay muujiyaan inay joogaan oo ay ku garab joogaan, kuna dhisayaan.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Arday baa wuxuu igu yidhi, waxaanu ballan qaadaynaa arday kasta oo Jaamacadda ku jira oo Hargaysa jooga, inaanu gurigiisa ugu tagno oo shirweyn oo laga yaabay aanu kuwada qabsano Jaamacadda oo lagugu taageerayo. Guddoomiye, jaamacadaha Hargaysa oo jaamacado farabadan ahi dhamaantood waxay maanta u kaceen isbadal. Waad arkaysaa qaylada iyo buuqa iyo huteelkaa dhibaatadii naga qabsatay. Waxaan dadweynaha maanta (shalay) jooga u soo jeedinayaa, Mulkiilaha Hutelkan (Kaah) isagoo loo qoray waraaq la leeyahay laguma shiri karo, hortooda ka yidhi Hutelkaygu waa xor. Sababtu wax kale maahee, ingiriiskuu ka yimi oo xuquuqda muwaadinkuu garanayaa. Guddoomiye, waan hubaaye Madaxweyne waad noqonaysaaye maalintaad qabsatid, ha ilaabin Cismaan Kaahin (Mulkiilaha Hutel-ka).”
Gabboose mar uu ka hadlayay in Ciidamada Booliska waydiiyay sababta ay u tageen goobta, ayaa wuxuu yidhi, “Guddoomiye, halkan horteena waxaan ku aragnay askar farabadan, waan u baxay oo waxaan idhi, maxaa maanta daran oo aad u soo baxdeen, ma waxaa la idin yidhi soo xidhxidha? Mayee, waxay yidhaahdeen iyagoo baqaya, mayee, Madaxweynahaanu kuwii rabshi lahaa ka ilaalinaynaa. Markaa waa inaad ku talo gashaa ciidanku inuu ciidankaagii yahay, shacbigu inuu shacbigaagii yahay, ummadu inay ummadaadii tahay, dhaqankii wanaagsanaa ee Kulmiye lagu yaqaanay ee dulqaadka ahaana inaan wadno ilaa sanduuqa laga gaadhayo.”
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa u mahad-naqay dadkii kulankaa goob-joogga ka ahaa. “Walaalayaal dadweynaha aadka u faraha badan ee halkan isugu yimi ee dhalinyaro leh, ee waayeel leh, ee haween leh, ee sida aadka u la-yaabka leh halkan iigu soo dhaweeyey, waxaan jecelahay inaan mahadnaq balaadhan oo qiimo iyo qaayo leh anigoo ku hadlaya magaca Xisbiga, hogaankiisa, taageerayaashiisa gudo iyo dibadba jooga idiin soo jeediyo. Soo dhaweyntiina qiimaha leh aad iyo aad baan idiinku mahad celinayaa.”
Waxaa kale oo aan jecelahay inaan si qiimo leh oo sharaf leh ugu mahadnaqo, Mulkiilaha Hutelka oo aan ogahay dagaalka iyo dhibaatada la soo mariyey, in la iska hortaagay Huteelkaa aynu arkayno ee uu shaqo u furtay ee uu ummada ugu adeegayo ee uu dhididkiisa ku soo shaqaystay, isaga iyo qayrkiiba isagoo magaalada kale la mid ah. Iyadoo la wada ogyahay in kulligood lagu wada qabto xafladaha, qaar siyaasadeed ha noqdeen, ama qaar bulsho ha noqdeene.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxa inta loo yimi la yidhi xafladdaa maanta Beeshu (Habar-yoonis) soo abaabushay ee dhalinyaradu soo abaabushay ee Xisbiga Kulmiye Guddoomiyihiisa loogu qabanayo ma qaban kartid, oo aanu waraaqdeedii aragnay. Wax la-yaab leh weeyaan, markii ay ii timi Waraaqdaa uu Taliyaha Booliisku soo qoray oo runtii anigu mar walba aan jecelahay Booliiska caam ahaan, waa dad loo dirtay shaqo Qaran, waa kuwaa imikaba ina ilaalinaya oo hawl nabadgelyo ayey hayaan, hawl qaran bay hayaan. Waynu ogayn markii Mudaharaadka la samaynayey, markasta oo hawl la qabanayo in badan oo iyaga ka mid ahi way nala shaqeeyaan, way jiri doonaan, way joogi doonaan, Dawladeena ta ka dambaysa mid walba way shaqayn doonaan, waxa loo diray iyaga nabadgalyada iyo wada-jirka inay ilaashadaan iyo caddaaladda.”
Mar uu Siilaanyo ka hadlayay Warqadda uu Taliyaha Ciidamadu u diray Mulkiilaha Hudheelka Shirku ka dhacay, ayaa wuxuu yidhi, “Runtii, waxa ayaan-darro ah oo aanan Taliyaha Booliska ka garawsan karin haddii dawladi amarto iyo haddii cid kale amarta toona, inuu ku gefo xuquuqda Axsaabtu leedahay iyo xuquuqda baayacmushtarka iyo muwaadiniintu ay leeyihiin ee ah, inay shiri karaan, Huteladooda kiraysan karaan, Axsaabtu meeshay doonto ku shiri karto. Iyadoo aan olole la gaadhin, ayaa Xisbiga UDUB aad ogtihiin oo habeen walba aad ka daawataan TV-yada, isagoo gobollada soo wareegaya, isagoo meel walba qabanaya. Maantana waxaa la yidhi Xisbiga Kulmiye kuma shiri karo Hutel, bal caqligaa iyo maskaxdaasi xaggay ka timi? Anaa idiin sheegayee waxay ka timi, sidaad maantaba arkaysaan ummadda intaa le’eg ee halkan isugu timi, Beenta Qaranka wax la yidhaahdo, sidii aad idinku lahaydeen iyo Luuqaddii aad ku hadlayseen ee aad lahaydeen Libaax dhabtii buu ku fadhiyaa oo aad maanta haddaad tihiin beesha Habar-Yoonis aad muujiseen…” waxaanu sheegay in Barnaamij-Siyaasadeedkooda ay soo bandhigi doonaan toddobaadkan.
Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu dhaliil u jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, waxaanu sheegay in dadka qaarkood aanu tirsan. “Anigu maanta haddaan Siilaanyo ahay, Murashax ahay, dadka cidiba cidbay tirsataa baan idhi, anigu inta badan inta Madaxtooyada gaadha ma tirsado, si kastaba ha ku gaadhee. Waxaan tirsadaa dadkay hogaaminayaan dumarka iyo dhalinyaradu, waayo iyagu waa kuwa halkaa taga maaha. Markaa walaal waxaan idiin ballan qaadaynaa barnaamijkayaga ku jirta oo aan idiin caddaynaynaa in isbadalka aad sheegteen ee uu dalkeena iyo dadkeenuba u baahan yahay, haddaanu Xisbiga Kulmiye nahay, inaanu la nimaadno. Waxaanu idinka ballan qaadnay hawlahaa laga waayey Dawladii todobada sano iyo badhka joogtay ee doorasho qaban kari wayday, ee xilkii ka soo bixi kari wayday, ee ballan-qaadyada u qaadaysay gobollada oo dhan, hadday waddooyin tahay, hadday ceelal tahay, hadday biyo tahay, hadday wax qabasho kale tahay. Burco lacagtiibaa laga bedali kari waayey, sidaad sheegayseen wixii ay ballan qaaday mid qudha kamay fulin, haddana maanta maxay la shir imanaysaa oo ay odhanaysaa (Xukuumaddu) waanu fulinay oo waanu qabanay.” Ayuu yidhi Siilaanyo, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Haddaynu nabadgalyada ilaashanay, nabadgalyadu illaahay ka sakaw, waynu ognahay shacbiga reer Somaliland baa meel ay joogaanba ilaalinayey, dhawrayey, qabanayey, gacanta ku hayey, ciidamadeenu waa kuwa nabadgalyada ilaasha, ciidamadeenu waa kuwa dalka daafaca, dalka dadkii xoreystaybaa ilaashanaya. Nabadgalyada maamulka Dawladdu malaha.”
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ka hadlay su’aasha inta u badan la waydiiyo. “Maalin walba su’aal baa la I weydiiya markaan dibbadaha wareegayo, waxay yidhaahdaan haddii lagu boobo maxaad yeelaysaa? Afkayga waxa laga rabaa inaan idhaahdo waan dagaalamayaa. Anigu waxaan ballan qaaday, dagaal waa kaynu soo galnay, waa kii geesiyaasheenu ku dhinteen, waa kii ummad badani ku halgantay. Dalkeena dagaal ku badali mayno, waxaynu ku badalaynaa oo uu ku soo baxayaa waa cod. Waxaan ku soo baxayaa waa codkiina, waxaan ku soo baxayaa taageeradiina. Inagaa isu hayna maanta, inagoo arkayna waxa ka dhacay gobollada aynu ku nool nahay iyo mandaqada, inagoo arkayna budhcad-badeedda, inagoo arkayna sida dhibaato meel walba shacabkii iyo deegaamaddii uwada haysato, inagu maanta dalkeena dagaal ka horseedi mayno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Anigu xabbad iyo dagaal dalka u horseedi maayo, waxaan u horseedayaa cod, waxaan u horseedayaa caddaalad, waxaan u horseedayaa dhalinyarada oo waxbarasho hesha, shaqo hesha, ka qaybgasha siyaasadda. Dhalinyarada iyo Dumarka horaanu u ballan-qaadnay inaanu da’dooda muddada Dastuurka ku taala ka yarayno, in Dastuurka wax laga badalo in Axsaabta la furo oo dadku dimuqraadiyadda iyo Doorashada ka wada qaybgalaan, ayuu Xisbiyagu ballan qaaday oo uu fursad u helo oo dalku siyaasiyan wax koraya noqdo, oo Qaran ahaan wax koraya noqdo, horumar ahaan u koro, siyaasiyan u koro, cilmi ahaan u koro, caqli ahaan u koro. Waxaanu ballan qaadnay in dhalinyaradu wakhtiga ay kaga qaybgalayaan ama da’da ay kaga qaybgalayaan oo imika Dastuurka ku taala 35-jir in hoos looga soo dhigo oo 25-tan laga dhigo..Waanu fullinaynaa.”
Gebo-gebadii, waxa uu guddoomiyaha KULMIYE hadalkiisa ku soo gunaanaday oo uu yidhi, “Waxaanu ballan qaadaynaa in Dhalinyarta caalamkaa illaaahay lagala hadlo oo deeqo waxbarasho oo dibbada ah oo ay Soomaalidu xaq u leedahay oo wixii ay Soomaaliweyn la isku odhan jiray uu xaq u lahaa maanta Dawladdu inooma soo dhiciso Deeq Waxbarasho oo dibbada ah...Qaybtii iyo xaqii ay Somaliland ku lahayd deeqahaa waxbarasho ee dibbadaha inaanu ku dagaal tagno oo dhalinayarada ugu hiilino oo deeqo waxbarasho u raadino.”
Waxa kale oo masuuliyiintii halkaa ka hadlay ka mid ahaa, Dr. Cabdi Aw-Daahir oo Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku dhaliilay wax-qabad-la’aan, isla markaana dhalinyarta ugu baaqay inaanay u codayn. “Haddii aynu maanta UDUB doorano, macnaheedu waxa weeye waxaynu dooranay in aan la dhisin Jidka Oodweyne, haddii aynu doorano UDUB, waxaynu dooranay in aan hormar la samayn, haddii aynu UDUB doorano, waxaynu dooranay in la iibiyo oo la xaraasho Daaraha, Dhulka iyo Hantida. Haddii aynu UDUB doorano, waxaynu dooranay adeeg la’aan, Caafimaad-la’aan, wax-baqad la’aan iyo horumar-la’aan.” Ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw-Daahir.
Dadkii kale ee halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa, Xusni Maxamed oo ka mid ah Garabka Haweenka KULMIYE, Maxamed Xasan Dirir (Hanad) iyo Mustafe Maxamed Ibraahim oo iyaguna ka mid ahaa dhalinyartii abaabulka Shirkan oo si faahfaahsan uga hadlay himilooyinkooda dhalinyar ahaaneed, isla markaana dhaliilay Siyaasadda Madaxweyne Rayaale ee Dhalinyarada. Halka uu Maxamed Xasan Dirir halkaa kaga dhawaaqay in uu dhalinyaro ahaan shaqsiyan u taagan yahay in uu siyaasadda ku biiro.
Gebo-gebo:
Gunaanadkii, Guddoomiyaha Dhalinyarta Jaamacadda Hargeysa ayaa halkaa Shahaado-Sharaf ku guddoonsiiyay Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking