COMING SOON......Radio Nasiib

Friday, April 16, 2010

“M/weynuhu inta uu ii yeedhay buu igu yidhi ii codee, aniguna waan ka diiday. Sababtoo ah..”

Xildhaab Duur
Hargeysa, (NNN)- Xoghayaha guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Xil. Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa ku eedeeyay in ay jebiyeen shuruucda dalka, isla markaana wuxuu ka warbixiyay Xeerka Miisaaniyadda ee la filayo in cod loo qaado iyo sababta keentay in uu Mucaaradka u ololeeyo isaga oo UDUB ka soo baxay.
Xil. Duur oo Waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyey Wargeyska Ogaal ayaa sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ku eedeeyay in uu horjoogo odoroska Miisaaniyadda oo ay sharciyan ahayd in Golaha la hor keeno afar bilood ka hor.
Xildhibaanku wuxuu xusay in Gole ahaan ay qayb ka yihiin dib-u-dhacyo meelaha qaar dalka kaga yimi shantii sanno ee la soo dhaafay.
Waraysigaas wuxuu u dhacay sidan;
S: Marka hore, waxaad nooga warantaa ka Guddi dhaqaale ahaan halka hawluhu idiin marayaan, oo ay ugu horeyso arrinta Xeerka Miisaaniyada?
J: Guddiga dhaqaaluhu hawlo badan waday, waxa u dambeeyey oo hadda aanu gacanta ku haynay Xeerkii Miisaaniyada Qaranka..Guddiga dhaqaaluhu waxaad ogtihiin inay qabatay aqoon isweydaarsi, si taladii Golaha loo fuliyo oo ay ka soo qayb gasho Wasaarada Maaliyadu, laakiin kamay soo qaybgalin nasiib-darro, waxase kasoo qaybgalay dad badan oo aqoonyahana ilaa konton qofbaa lagu casuumay oo aqoonta dhaqaale leh, dadkaasi wixii talooyin ah ee ay ka bixiyeen Xeerka Miisaaniyada waa lagu daray, dabadeedna Golaha ayaa la dhigay Goluhu wuu ka doodday. Markaa hadda wuxuu ku jiraa Xeerkii Miisaaniyadu Guddi gaara baa loo saaray oo ka kooban shan xubnood oo aan anigu ku jiro oo aan ka mid ahay laba xubnood Guddiga kaga jira oo saddex xubnood oo kale oo aan Guddiga dhaqaalaha ku jirin.
Shantaa xubnood waxaa loo saaray si ay usoo ururiyaan dooddii mudanayaasha oo dabadeedna Golaha dib ugu soo celiyaan muddo todoba cisho ayuu u qabtay Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu. Runtii todobadii cisho way dhaaftay, laakiin hadda waanu dhamaynay waxaanu rajaynaynaa in Sabtida soo socota Golaha loo qaybiyo, dabadeedna loo codeeyo. Markaa Xeerka Miisaaniyada Qaranka oo ah xeer ka dhashay oo uu abuuray Goluhu, Wasaaradda Maaliyaduna aanay waxba ku darsan inay wax ku darsatana ay diiday, waxa uu hadda gabagabadiisii marayaa in Golaha cod looga doono si loo ansixiyo, waana Xeer Maaliyadeed oo wuxuu toos ugu gudbi doonaa Madaxweynaha, Guurtida ma maraayo.
S: Sababta ay Wasaaradda Maaliyaddu uga baaqatay kulankii Xeerka Miisaaniyadda lagaga hadlayay, ma idiin sheegtay?
J: Horta may sababayn oo Wasaarada Maaliyadu sababta ay uga qayb-qaadan wayday, Distoorka Qaranka qodobka 55-aad waxa ku cad in Miisaaniyada ansixinteeda iyo fullinteeda uu xeer qeexi doono, markaa waa qabyo Distooriya oo u baahan in la dhamaystiro in Xeerka Miisaaniyada la sameeyo. May sababayn Xukuumaddu inay xeerkaa ka qayb-qaadato wax sababa u heli mayso, laakiin sababta jirta ee iska cadi waxa weeye Xukuumaddu uma diyaar aha Xeerar Maaliyadeed oo dhaqan gala oo kaantaroola lunsiga iyo musuqa baahsan ee jira. Anaga waxa nooga meel yaal waajib qaranbaa na saaran, waxaanu nahay Golihii Wakiillada ee dalka, waajibka na saarani waxa weeye inaanu shuruucdii dalka lagaga dhaqmi lahaa samayno, inaanu qabyo-tirno Distoorkii oo aanu ka saarno xeerbaa qeexi doona, xeerkii qeexi lahaa waa inaanu caddaynaa waa waajib na saaran oo shaqadayadii ah, markaa anagu shaqadayadii waanu qabanaynaa u dayn mayno inaanay Xukuumaddu xeerarka jira aanay ku dhaqmin, laakiin waxa cad oo marag ma-doon ah inaan shuruucda hadday tahay Distoorka iyo hadday tahay xeerarka jiraba inaanay Xukuumadda maanta jirtaa aanay ixtiraamin oo aanay shuruucdii ku dhaqmin waa arrin cad, laakiin uga daali mayno inaanu anagu waajibkayagii qabsano anaga waajibka na saarani waxa weeye inaanu xeerarkii qaranka lagu dhaqi lahaa abuurno, inaan xeerarkii way samayn waayeen la odhan, laakiin waajibka na saarani maaha inaanu Xukuumadda ku qasabno inay Xeerarka iyo Distoorka ku dhaqanto, markaa taayada ayuun baanu guddanaynaa.
S: Wasiirka Maaliyaddu mar uu Shirguddoonka Wakiilada la kulmay wuxuu sheegay in toddobaad gudihii Miisaaniyadda ku horgeynayo Golaha, arrintaasi ma dhicin ee ma idiin sababeeyeen waxa dib u dhigay?
J: Iima muuqdo wax raad ah in ilaa hadda Golaha Wakiilada la horkeeno waxa ka horeyso in Golaha Wasiiradu soo ansixiyaan, waxa lagu jiraa bishii afraad afar biloodbaa tagay sanadkii, waxa ayaan-darro ah in sanadkii saddex meelood sanadka meeli tagtay oo Qaranka maanta jiraana aanu Miisaaniyad lahayn. Waxa ayaan-darro kale ah in ay Xukuumaddu aanay u diyaar ahayn in Xeerkii Miisaaniyada Qaranka uu dhaqan galo oo ay iyadu caqabad ku hayso oo ay dagaal kula jirto. Markaa daliilkii wuxuu ka cad yahay halkan, dalkii Miisaaniyad malaha bishii afraadna waa lagu jiraa, dalkii malaha Xeer lagu dhaqo Miisaaniyadii, Xeerkiina waxa ku socda dhibaatooyinkaad aragteen, laakiin anaga dedaalbaa xagayaga ka muuqda in Xeer Miisaaniyadeed la helo, markaa way isku xidhan yihiin. Sababta Xukuumaddu Miisaaniyadu ula habsaantay ee bishii afraad lagu ee aan Miisaaniyadiba jirin ayaa ah sababta in Xeer la sameeyana aanay Xukuumaddu ugu diyaar ahayn.
Wasaarada Maaliyaddu waxay hore u sheegtay inay idiin yeedhayso Gole iyo guddi dhaqaale ahaan markay samaynayso odoroska Miisaaniyadda, arrintaa maxaa helay, idinkuse ma u tagteen Wasaaradda oo ma kala hadasheen, maxaase idiinka meel yaal?
J: Walaal, waxaad moodaa anaga xagayaga ayuu wanaagu ku jiraa markaan run u hadlo, anagu markaanu Xeerkan Miisaaniyada aqoon isweydaarsiga u qabanaynay waanu soo casuunay kaadhkii martiqaadka xataa gacantayada ugu qaadnay aniga iyo Guddoomiyaha Guddiga dhaqaalaha si ay soo dhaweyn u noqoto oo ay nagala qaybgalaan abuurida Xeerka Miisaaniyada Qaranka. Xukuumaddu ama Wasaarada Maaliyadu waxay ballan qaadday markii Miisaaniyadii koowaad dooddeedii lagu jiray inay Guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiilladu ay kala qaybgasho marka odoroska Miisaaniyadda ay Wasaaraduhu ku jiraan ee la abuuraayo Miisaaniyada, taasi may suurto galin inay suurto gashana iska dhaaf ma ogala Xukuumaddu. Waxyaabihii dhibta na dhex dhigay aniga shaqsiyan iyo Xukuumadda waxa ka qayb weyn ka ahaa oo aanu ku kala tagnay odoroska Miisaaniyada, inaanu ka qaybgalno xaqbaanu u leenahay iyo uma lihidin oo Madaxweynaha laftigiisu wuxuu garawsan yahay inay tahay shaqadii Wasaaradda Maaliyadda oo lagu faragaliyey, markaa anagu diyaar baanu u nahay inaanu ka qaybgalno Miisaaniyad marka la samaynayo, Miisaaniyadduna waxa weeye qorshihii dhaqaale ee dalka, waana qorshihii dhaqaale ee Dawladu dalka ku maamuli lahayd. Markaa Xukuumadda hadda jirtaa maba aaminsana waxay u aragtaa arrimaha dhaqaaluhu inaanay arrimo qaranka khuseeya ahayn, oo ay khuseeyaan Wasaarada iyo Madaxweynaha oo kaliya. Dhibta jirtaa waxa weeye Xukuumadda maanta jirtaa tiirarka qaranku ka kooban yahay iyo wada shaqayntiisaba ma taqaano, markaa anagu diyaar baanu u nahay inaanu ka qaybgalno, laakiin iyagu ma ogola inaanu ka qaybgalno albaabka iyo hawsha qolkay ku hayaanba inaanu soo galno.
S: Imika ka Guddi ahaan ma hubtaan ama ma ka haysaan xukuumadda waqti rasmiya ama ballan xagooda ka yimi oo ah waqtigaasaanu keenaynaa Miisaaniyadda ah?
J: Maya, anagu wax ballan-qaada kama hayno, qoraalna kama hayno wax naloo soo gudbiyey oo ogeysinana ma jirto, ma ogin waqtiga iyadoo bishii afraad lagu jiro sidaan hore usoo xusay waqti Miisaaniyadii Qaranka sanadkan 2010-ka la keeni doono ma hubno, ma garanayno, noomana muuqato waqti la keeanayo.
S: Ma jiraan baad aaminsan tahay caqabado Wasaarada iska hor taagi kara samaynta odoroska Miisaaniyadda?
J: Haba yaraatee wax caqabad ku keeni kara in odoroska Miisaaniyadeed la sameeyaa ma jiraan, waayo qorshaha in Miisaaniyad la sameeyaa waa mala-awaal ee maaha wax xaqiiq ku salaysan. Miisaaniyadda waxa la sameeyaa sanadka soo socda intaa la galin waayo.. Markaa inaad samaysato ku talogalkaaga oo qoraal ah wax haba yaraatee caqabada oo hortaagani ma jiraan, waayo haddii dakhligaagu yar yahay Miisaaniyadda sanadkaa ku soo gashay sanadka dambe waxaad ku talogalayasaa dakhli yar waayo xeradaadii waxa ku soo dhacay wax yar.
S: Guddi ahaan hore waxaad u sheegteen in Wasiirka Xannaanada Xooluhu idin diiday in uu idin hor yimaaddo, M/weynuhu ma ka soo jawaabay qoraal arrintaa la xidhiidhay oo Shirguddoonku u qoray, maxaase idiinka qorshaysan?
J: Haba yaraatee xukuumaddu kamay soo jawaabin Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Guddiga dhaqaalaha iyo Shir-guddoonkuba waxay u qoreen Waraaqo badan oo loogu yeedhaayo, masuuliyada loogu yeedhayeyna waxay ahayd in laga waraysto xilka uu gacanta ku hayaa halkuu maraayo waa awood Distooriya in Baarlamaanka iyo Guddiyadiisu si ay Wasiirka Xi-lguddashadiisa wax uga waydiiyaan inay u yeedhaan, waana shaqadii Baarlamaanka. Anagu waanu u yeedhanay wuu diiday oo muu iman. Madaxweynaha qoraaladii oo dhan ogeysiinbaa la siiyey wax jawaab ah oo uu ka bicxiyey ma jiro. Hadda anagu waxaanu ka sugaynaa Shir-guddoonka Wakiillada inay laba talaabo miduun qaadaan; 1- inay Golaha ku soo celiyaan iyo inaanu Wasiirkaasi ogolayn inuu Golaha horyimaado oo ay Golaha caddayn keenaan oo dabadedna dacwad loo furo iyo 2- inay u yeedhaan Wasiirkii oo u yimaado Guddigii u yeedhay oo uu qoraalkii Guddiga soo ajiibo. Labadaasaanu Shir-guddoonka ka sugaynaa anagu talayadii waxaanu u gudbinay Shir-guddoonka labadaa jawaabood oo deg deg ah ayaanu miduun sugaynaa.
S: Ka Gole ahaan in badan waxaad ka hadasheen inaad tihiin hay’ada kaliya ee sharciyan dhisan ee aanu waqtigeedii dhammaan, hadda muddo kooban baa idiin hadhay. Maxaa la sheegi karaa ee aad dalka u qabateen?
J: Wallaahi, masuuliyada Gole weynaha anigu ma lihi, laakiin xubin Baarlamaan ah oo kale ayaan u hadli karaa, waayo dee masuuliyada Golaha, Goluhu Af-hayeenbuu leeyahay wax badan baa la qabtaayoo ummadu markii ay na soo dooranayasay wax badan bay filaysa. Waxay filaysay waxa ka mid ummaddu Dawladnimo ayey taqaanaa, laakiin tiirarka Dawladeed siday u kala shaqeeyaan ma kala taqaano, marka mudanaha wixii laga filaayey ee shacabku ka filaayey waan garan karaa. Waa masuuliyad ka balaadhan waxqabad dhab ah ayey ka filaayeen, markaa anigu fullin ma ihi oo fullinta ayaa leh waxqabadka haddii wado la hagaajinaayo, haddii caafimad la hagaajinaayo, haddii iskuul la hagaajinaayo waa shaqadii xukuumadda waa maxay masuuliayada Baarlamaan saarani waxay u baahan tahay in shacab weyneheen laga dhaadhiciyo. Anigu waxaan ku egahay ka mudane ahaan shaqadii iyo waajibaadkii mudanenimo ayaan ku egaayoo waan maxay shaqadaydu? Waxa weeye, 1-Inaan shuruucdii sameeyo shuruuc qarankan hagi karta oo musuq la dagaalami karta ummada kala xadayn karta ummad bilaa sharci ahi waa ummad fawdo. 2-Inaan xukuumaddii dabar u noqdo oo xukuumaddii aanay noqon mid tagrifal ku jirta oo siday doonto u talaabsanaysa waxaan qabaa labadaa talaabo ee aan lahaab inaan gutay. Laakiin dhibta jirtaa waxa weeye, dabarkii aan xukuumada ku xidhay way goosatay, dabarkii Baarlamaanimo xukuumadaa goosatay, xadayntii aan qaban lahaa xukuumada may fullin. Eedda inay xukuumaddu dabarka goosatay Golahayaga laftigiisu wuxuu ku leeyahay qayb, waayo haddii Goluhu ka midaysan yahay inuu xukuumadda dabro xukuumadda waa la joojin kari lahaa, laakiin eeddaa talaabadii labaad ee shaqadaydu ku burtay Golahayaga laftigiisu dhaliil bdan buu ku leeyahay.
S: Xildhibaan, dadbaa kusoo doortay adiga oo deegaan baad ka soo baxday, doorashooyinka markaad galaysayna ballan-qaadyo ayaad samaysay, maxaad is-odhan kartaa Dadkii cadceedda kuu taagnaa waad u qabatay?
J: Ballan-qaadyadu way kala duwaanayeen markii mudanayaashu is sharaxayeen, waxa jira qaar wadooyin ballan qaaday oo sidaan aan kuu sheegay aanay shaqadooda ahayn, runtii anigu haddaan ballan-qaadyadaydii dib ugu noqdo may ahayn, siyaasada oo aan hore ugu jiray awgeed waxa baarlamaan yahay ayaan aqaanay. Markaa maan ballan-qaadin wixii badnaayee waqtigii ololaha doorashadu socday idaacadaha ka baxayey..Markii maxaad qabanaysaa la igu yidhi, waxaan idhi Baarlamanku maaha goob waxqabad ee fullinta xukuumaddaa leh sidan caawaba leeyahay. Markaa umaan ballan qaadin shacabkayga been, laakiin waxaan idhi waxaan qayb ka noqon doonaa inaan dalka iyo dadka shuruuc wanaagsan shareecada islaamka qaabilsan aan ku hawlgalo, inaan wanaagooda ka taliyo doorkaygii ka xubin ahaan maad gabin ban isleeyahy
S: Waxaad ka mid tahay Xildhibaanada markii ay tartamayeen xidhnaa muuqaalka Xisbiga UDUB maanta waxa in badan laga dhex arkaa xafladaha adigoo KULMIYE u ololaynaya, hore umaad shaacin arrintaa. Ma qiraysaa in aad ka baxday dedaalkii ay kuu sameeyeen dadkii kuu hawl-galay ee codka ku siiyay?
J: Labaynu ka kala dhigaynaaye, doorashada ma qofkaa la doortay, mise Xisbigaa la doortay? Anigu waxaan qabaa in aniga la idoortay ee aan xisbiga la dooran, laakiin waxa xaqiiqa ah inaan anigu ku soo baxay gogosha muuqaalka uu xisbiga UDUB leeyahay. Markaa ma anigaa UDUB-nimadii ka baxay oo gees maray mise UDUB-nimadiibaa la af-duuboo cidbaa ku tagrifashay oo xisbinimadii ka tagtay. Waxaan qabaa UDUB-nimadii ayaa la boobay, xisbigii UDUB ee aan ka tirsanaa Gole dhexe maanta malaha, Gole fullineedna malaha. Wuxuu leeyahay musharax iyo ku-xigeen iyo xoghaye, xilka masuuliyadeed ee xisbiguna wuxuu ahaa inaanu wada tashi yeelano. Ssida aan u aaminsanaa xisbigu waxa weeye siyaasadu waa wax la isu geegeeyo, markaa ninka Madaxweynaha ahi malaha awood uu kaligii qaadanayo oo ay dadku ku khasban yihiin siduu u doonayo in loo raaco. Markaanu isku xisbi nahay Madaxweynaha dalka ee Rayaale waa inuu siyaasad cad oo uu dadka ku hago oo xisbinimo oo uu ku shaqeeyo uu leeyahay, siyaasadaasina mid xisbigu ka tashado waa inay noqotaa anniguna isla siyaasadaa waa inaan baarlamaanka dhexdiisa ka fulliyaa, markaasaa xisbi la yahay. Somaliland iyo maamulkii UDUB ee uu ugu mudnaa Madaxweynuhu waxay noqotay sidaan anigu doonayo yeel, dabadeed aniguna waan diiday. Sidaan anigu doonayo yeel ayuu yidhi Madaxweynihii, waxaanu igu yidhi ii codee barito iyadoo dareenkaygu ka duwan yahay waxa loo codaynayo inaan diido oo dareenkaygu I tusaayo. Maalintii isugu kaaya dambaysay (M/weynaha) waxaanu isku qabsanay Miisaaniyaddii 2007-da, aragtidii loo codaynayey anoo Guddiga dhaqaalaha ah ayaa soo qoray, dabadeedna intuu ii yeedhay buu igu yidhi bari ii code, maxay taasi keenaysaa? Waxay keenaysay inaan anigu waxaan soo qoray ka codeeyo, dabadeedna waan diiday. Taasi hadday xisbinimada tahay waan ka tagay. Markaa waxaan caddaynayaa caawa (xalay) xisbigii (UDUB) kamaan tagin, meel qudha kumaan caddayn, caawana caddayn maayo, laakiin talada xisbiga mar dambe ina Rayaale ku dooran maayo hadduu ina Rayaale maanta xisbiga ka tago oo uu baneeyo kursiga waxaan ahay qof UDUB ah, laakiin intuu taagan yahay oo aan taageeri doonaa oo aan codkayga siin doona waan wax aduunyada ka dhaca, umma arko in ina Rayaale xilka ummadeed dib loogu sii aamino, waxaan u arkaa in kuwa kale fursad la siiyo. Haddii laakiin UDUB waa dad balaadhane isbadal ka yimaado waxaan huwan doonaa xisbigayga.
S: Markaa ma u dhigi karnaa ma odhan karnaa waxaad ka mid tahay darka isbadal-doonka ah ee Xisbiga UDUB?
J: Maanta taariikhda jirtaaba waxa weeye dadkii UDUB dayaca ka muuqda waxay ku kaliftay inuu maalinba mid ka dhaco maantoo u dambaysay qaar baad qorteen, dadka maanta UDUB la joogaa isbadalka Somaliland ka dhacaya waxa sabab u noqon doona dadkii markii hore UDUB taageeray bal soo eeg maanta dadka xisbiayada mucaaradka ugu firfircoon waa dadkii sanadkii hore ina Rayaale doortay, markaa xisbigii lama nicin laakiin Rayaale xukuumaddiisa ayaa laga quustay. UDUB jamaahiir badan oo ay leedahay ayaa imika u diyaar ah inay xisbiyada mucaaradka wax la qaybsadaan, maanta haddii illaahay qadarana, muddadaa doorashada ee la cayimay dalka isbabdal baa ka dhacaya.
S: Xildhibaan, waxaad sheegtay in Rayaale yahay cidda laga tagayo ee aanu Xisbiga ahayn, Madaxweyne Rayaale-na waa Guddoomiyaha Xisbiga, sidaad sheegtayna Xisbigu gaar buu u jiraa. Markaa markaad leedahay UDUB kamaan bixin, Mucaaradka ayaanan u ololaynayaa, siday isu qabaynaysaa labadaasi?
J: Waxay isu qabanaysaa, haddii xisbinimada markii UDUB shiraysay dadka talo la waydiiyey oo la yidhi maanta inaga meel maraayana ninka tagaa gar-daran, haddii in durbaan u tunta ina Rayaale intuu la baxsado raggii albaabkii uu ka xidhay, dee UDUB rag badan oo hal-door ahaa oo aan la tirin karin, aaway Cabdilaahi Dirawal, mudanayaashii toban aan ku jiro ayaa albaabka laga xidhay. Sideebay u suurto gal tahay anigoo xubin baarlamaanka oo xisbiga UDUB ah oo Guddiga fullinta ku jira in albaab xisbigu ku shaqeeyo la iga xidho, ma dhacdo adduunyada. Laakiin, dadku wuu kala fakir duwanadaada. Waa in xisbinimadu ogolaataa dadku kala fikir duwanaado, dabadeedna hadhaw waxa loo bato la qaato. Markaa ina Rayaale isagaa xisbigii iyo magacii la cararay isagoo isticmaalay awoodii xukuumadda, markaa dadkan mucaaradka u ololaynaaya waa lagu qasbay, maanta waxa waajib ah oo inta la joogtana ugu baaqayaa, inay maanta mucaaradka xoojiyaan ee aanay ahayn, in laguba dayo inuu Ina Rayaale jaanis dambe uu dalka ku maamulo.
S: Markaad leedahay hore waan ugu biiriyey codkayga KULMIYE, taa maxaa loo qaadan karaa?
J: Waan taageeray, siyaasiyan baan taageeray, in la dhisaabaan taageeray, markaa mucaaradnimadaydu caawa (xalay) ma cusba afar sano oo hore waxaan lahaa talada xisbiga UDUB laguma aamini karo, markaa ciddaan is idhi way badali kartaa ayaan ku biiriyey culayskaygii siyaadeed.
S: Xildhibaan, afar sano ka hor baad mucaarad ahayd, imikana waxaad sheegaysaa in aanad wali shaacinin in aad ka baxday UDUB. Waxa la isweydiin karaa maxaa weli ku haya Xisbiga ee uu dhinacna u raaci la’yahay?
J: Waxa jira shuruuc qaranka u taala oo aan ixtiraamayo oo xeer lambar 14 sharci jiidh ma ihi sida xukuumadda, xeerarka dalka ayaa waxay qorayaan mudanuhu xisbiga laga soo doortay kama bixi karo, laakiin siyaasadiisa waa u xor, markaa si cad uguma dhawaaqi karo UDUB-baan ka baxay xisbigii iyo qofkiina waa ii kala laba, markaa shuruucda dalka u taala ayaan ixtiraamayaa.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking