COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, April 11, 2010

QARAN MURUGOONAYA: Shil diyaaradeed oo sababay geerida Hoggaamiyeyaal Waddan

Warsaw,(NNN)- Madaxweynihii dalka Poland Mr. Lech Kaczynski, xaaskiisii iyo ilaa sagaashan qof oo kale oo masuuliyiin sare ka mid ahaayeen, ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Ruushka.
Sida lagu faafiyay barta Internet-ka ee jariiradda Dailymail, waxa uu shilkani dhacay ka dib markii diyaaradu isku dayday inay cagadhigato Madaarka Smolensk ee waqooyiga Ruushka.
Shilkaas ay ku dhinteen Madaxweyne Lech Kaczynski iyo xaaskiisii Maria, waxa kale oo u jira saraakiil sarsare oo ka tirsanaa dalka dawladda Poland, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Taliyihii guud ee ciidamada, madaxii baanka qaranka iyo xubno kale oo muhiim ahaa.
Sida Daily Mail sheegay, waxay dad goobjoogayaal ahi masuuliyadda dhacdadaas u xambaariyeen duuliyihii diyaaradda oo siday sheegeen saddex ilaa afar jeer isku dayay inuu cago-dhigto, iyadoo ay jireen dhado iyo ceeryaamo xoogani.



Raysal-wasaaraha Ruushka, Vlamadir Putin oo dul-jooga Maydka Madaxweynaha
Diyaaradda burburtay oo la odhan jiray Tupolev Tu-154, waxa sida la sheegay saarnaa 132 qof, laakiin waxa jira warar kala duwan oo ka soo baxaya tirada khasaaraha ka dhashay shilkaas culus.
Telefishanka Sky News ee dalka Maraykanku, waxa uu ku waramay in 96 qof ku dhinteen dhacdadaas. Hase yeeshee, saraakiil ka tirsan dawladda Poland waxay sheegeen in markii diyaaraddu burburtay ay saarnaayeen 88 qof.
Muuqaallada Dadkii ku dhintay Shilka Diyaaradeed oo ay ku jiraan M/weynaha iyo xaaskiisa 

Raysal-wasaaraha qaranka murugaysan ee Poland Mr. Donald Tusk, waxa uu ku baaqay in kulan degdeg ah ay isugu yimaadaan golaha Wasiiradu, isla markaana kala badh la dejiyo calanka dalkaas, gaar ahaan xarunta Madaxtooyada, si ay dadku koox koox ugu soo ururaan, una dul dhigaan ubaxyo iyo shamaxyo iftiimaya.



















Guddoomiyihii Bangiga Qaranka                                      Iyo Taliyihii Ciidamada Qalabka Sida
Mr. Tusk waxa uu sheegay inuu amar ku bixiyay in 10:00 GMT, kuna beegan ilaa 01:00 duhurnimo ee Axadda maanta laba daqiiqo loo aamuso dhacdadaas.
Sida uu sheegay aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlin, Raysal-wasaare Vladimir Putin, ayaa magacaabay guddi baadhitaan ku sameeya dhacdada burburka ku yimi diyaaraddaa dadka badan galaafatay. “Qofna kama uu badbaadin shilkan masiibada ah,” sidaana waxa yidhi Badhasaabka gobolka Smolensk ee dalka Ruushka ee ay diyaaraddu ku burburtay Mr. Sergei Anufriev oo u waramay Telefishanka Rossiya-24.
Dadkaa shilka ku dhintay, waxay u socdeen inay ka qaybgalaan xus loo samaynayay dad Polish ah oo Ruushku xasuuqay intii uu socday dagaalkii koowaad iyo kii labaad ee dunidu.
Inta badan hoggaamiyeyaasha dunida, ayaa dhambaalo tacsi ah u diray shacabka Poland, waxayna muujiyeen siday uga xun yihiin mashaqada ka dhalatay shilkaa diyaaradeed.
Madaxweynaha geeriyooday ee Kaczynski oo 60 jir ahaa, waxa uu xukunka qabtay December 2005, ka dib markii uu codbixintii doorashada madaxtinimada kaga guulaystay Raysal-wasaaraha xilligan ee Donald Tusk.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking