COMING SOON......Radio Nasiib

Thursday, April 1, 2010

U HIILI DIINTAADA ISLAAMKA!

Ducooyinka ilaahay lagu baryo waxaa ka mid ah; Ilaahayow quluubtayada ku sug diinta Islaamka, ilaaha quluubta ged-geddiyow u geddi quluubtayada Diinta Islaamka....Faataxa’.
Haddii aynu intaas ku soo dhaafno qaddarkaas ducada ah, oo aynu si toos ah u guda-galno nuxurka ay faaladani gudbinayso, waxa ay ka hadlaysaa arrin khatar iyo nusqaan ku ah diinteena suubaan ee Islaamka, taas oo ah dagaal badheedh ah oo lagu soo qaaday caqiidada iyo qiyamka-diineed ee Ummada ku abtirsan magaca Soomaalida gaar ahaa reer Somaliland. Waa arrin dulucduudu tahay in dadka laga dhigo kuwo kiristaanimo ku sifooba, isla markaana la doonayo in laga saaro diinta Islaamka. Waa mashruuc gaalaysiin ah oo la damacsanyahay in khalkhal lagu geliyo fahamka diineed ee bulshada.

Waxaana ujeedada guud tahay in la wasakheeyo karaamada iyo hab-nololeedka diineed ee Ummada reer Somaliland, oo lagu yaqaano 100% inay yihiin dad Islaam ah, marka laga yimaado midhadh Diita Islaamka ka fallaagoobay oo aan la garanayn isla markaana gabbasho ugu nool meelo aan la aqoonsanayn.

Marka aan ku soo dhawaado yoolka Faaladan uu hal-ku-dhigeedu yahay ‘U HIILI DIINTAADA ISLAAMKA!,’ waxa ay ka dhalatay qoraal lagu faafiyey mareegta lagu magacaabo www.Somalilandinfo.com, kaas oo cinwaankiisu ahaa “Maxaad Ka Ogsoontahay Masiixiyiinta Somaliland,” oo uu qoray qof dhalinyaro ah oo lagu macagaabo Jaamac Kayse Xuseen, kaas oo qariyey meesha uu ku noolyahay.

Hadii aynu arrintan laba u kala qaadno, waa mida koobe Wensite-ka arrinta daabacay waxa uu gebi ahaan meel kaga dhacay karaamadii, sharaftii iyo qiyamkii diineed ee Ummada reer Somaliland, maadaama oo uu yahay Webksite ku ab-tirsada maga Somaliland. Waxa uu muddaystay in la baabiiyo, sababta oo ah waxa uu ka hor yimi Diinta islaam, isla makaana waxa uu noqday meel lagu faafiyo Diinta Kiristaanka, waxa kale oo uu ka hor yimi dastuurka Somaliland oo dhigaya ‘inay gebi ahaan-ba mabnuuc tahay in waddanka Somaliland lagu faafiyo wax ka baxsan Diinta Islaamka.”

Sidaa sarteed, waxaa la gudboon masuuliyiinta wedsite-kaas inay raali-gelin bixiyaan qaddafkaas ay u gaysteen Diinta Islaamka, isla mar ahaantaana waa inay caddeeyaan in aanay arrintaas shaqo ku lahayn. Haddii kale waxaa loo aqoonsan doonaa meel lagu faafiyo Diinta Kiristaan, tallaabo adag-na waa laga qaadi doonaa.

Waa mida labaade, Ninka dhalinyarada ah ee qoraalkaas sameeyey, horta waxaa cad inaanu diinta Islaamka haysan, oo uu Kiristaan yahay. Waxaa muuqata inuu dhaawac xun u gaystay Diintii qimaaha badnayd ee Islaamka ee lagu yaqaanay Ummada Somalida ah. Waxaan Ilaahay u baryayaa inuu xaqa ku soo dabbaalo, oo uu ka soo qabto Caddaabtaas uu ku sii socdo, inkasta oo diinta Islaamku caddaysay in qofka ka baxay Islaamnimada inuu murtadad yahay oo la dilayo.

Sidaa awgeed, isaga xukunkiisu waxa weeye meel kasta oo lagu arko in kurta laga jaro, oo laga takhaluso, si looga badbaadiyo inaanu Ummada sadhayn, maadaama oo uu qoraalkiisa ku sheegay baaq uu dadka ugu soo jeediyno inay la soo xidhiidhaan haddii ay Kiristaanimada doonayaan.

Gunitii iyo gabagabadii, waxaan faaladan ku soo af-meerayaa, fariintan ah ‘Qof kastaw waxaad ugaataa inaad dhimanayso, oo aad tahay mayd soconaya, waxaad kaloo ogaataa in ilaahay kuu abuuray inaad caabudo uun, si aad uga badbaado Cabaabtiisa oo aad Janno u mutaysato. Waxa kale oo aad maanka ku haysaa in Adduunyadu tahay meel laga tegayo oo aan lagu waarayn, hasayeeshee Aakhiro tahay meesha lagu waariyo, oo haddii waajibkii ilaahay gudatayna aad Jannada gelayso haddii aad seegtana meel aanad ka soo noqnayn oo Cadaab ah.”


QALINKII C/SHAKUUR XAAJI MUXUMED MUUSE [HEERSARE]
Cabdiheersare01@hotmail.com
A Member of SIPSA GROUP [Somaliland Independent Political and Socio-economic Analyzers]
Hargeisa/Somaliland


WAA KAN QORAALKII UU QORAY MURTADKU EE KA BOGTA:-

“Maxaad Ka Ogsoontahay Masiixiyiinta Somaliland? Qalinkii Jaamac Kayse Xuseen, jimcaale01@hotmail.com

Akhristow rumayso, ama ha rumaysanin, Maanta waxaa jira dad aad u tiro badan, oo u dhashay wadanka Somaliland haystana diinta Masiixiyada, maaha dad uga tegay diintoodii hore, sida aad aaminsantahay lacag ama u jeedooyin kale.
waa dad ay ka dhab tahay rumaysadkoodu, kadib markii ay arkeen xaqiiqada. sida ay aaminsanyihiin dadka soomalida ahi guud ahaan, waxa ay u qabaan in diinta Masiixiyadu ay tahay diin loo galo, lacag iyo ujeedooyin kale oo aan lagaranayn meesha ay kala yimaadeen.
Hadaba, koritaanka nambarka dadka somaliland u dhashay ee Masiixiyiinta ahi, maalinba maalinta ka danbaysa waa uu sii korayaa. Rabbiguna Isaga ayaa shaqadiisa wata, oo mar walba garab taagan, dadkaas laga tirada badanyahy, ee ku taagan jidka Ilaah ee saxda ah. waxa looga dhigaa dadka, in diinta Masiixiyadu ay tahay mid waxba kama jiraan ah,
laakin waxaa la arki doonaa sannadaha soo socda in ay saamayn wayn, ku yeelan doonto wadanka, sida aan rajaynayno, oo cid waliba ay heli doonto xuquuqdooda oo dhamays tiran. waa hubaal ku qanac ama ha ku qancin. hadi aad jeceshahay, waad noo soo gudbin kartaa fikirkaaga aad ka qabto Masiixiyiinta Somaliland.”

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking