COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, April 14, 2010

Maxkamad Xukunno Dil iyo Xadhig Isugu jira ku ridday eedaysanayaal loo haystay dilka Taliyihii qaybta 12-aad ee Ciidanka Qaranka

Hargeysa, (NNN)- Maxkamadda Gobolka Saaxil, ayaa maanta xukunno dil iyo xadhig isugu jira ku xukuntay lix eedaysane oo loo haystay dilka Taliyihii qaybta 12-aad ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Cismaan Yuusuf Nuur, kaas oo lagu khaarajiyey fal argagixisanimo ah, ka dib markii loo adeegsaday Miinada meesha fog laga hago isaga oo ku sugnaa wakhtigaa Magaalada Laascaanood horraantii bishii 11-aad ee sannadkii 2009.
Maxkamadda Gobolka Saaxil oo muddaba gacanta ku haysay kiiska eedaysanayaashaa, isla markaana dhawaan gebagabaysay dacwadda kiiskaas oo ay muddo ku dhagaysanaysay Xabsiga Degmada Mandheera, ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqday xukun ay ku ridday 5 Nin oo ka mid ah 9 nin oo dilka Taliyihii qaybta 12-aad loo haystay, kuwaas oo ay Maxkamaddu dil ku xukuntay 2 ka mid ah oo kala ah Cabdifataax Muuse Yuusuf oo ahaa Taliyihii Sirdoonka Somaliland ee Gobolka Sool iyo Maxamed Axmed Abgaalaw, sidoo kale waxa ay Maxkamaddu dil ku xukuntay Cabdirashiid Yuusuf Buraale oo maqane ah ama aan gacanta Somaliland weli ku jirin.
Waxa kale oo ay Maxkamadda Gobolka Saaxil xukun xadhig ah ku ridday Cabdirashiid Axmed Warsame, waxa lagu xukumay hal(1) sano oo xadhig ah, halka Maxamed Jaamac Ducaale lagaga xukumay 8 sano oo xadhig ah iyo Cabdiqaadir Cabdi Xasan oo ay Maxkamaddu ku xukuntay 15 sannadood oo xadhig ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil Cismaan Ibraahin Daahir, ayaa intii aanu xukunkaas ku dhawaaqin, waxa uu sheegay in shanta nin ee la xukumay iyo ka lixaad ee maqan si buuxda loogu helay inay ka dambeeyeen, isla markaana ku lug lahaayeen dilka Taliyihii qaybta 12-aad ee Ciidamada Qaranka Somaliland ee aagga Bari Marxuum Cismaan Yuusuf Nuur oo 1-dii bishii 11-aad 2009 lagu dilay Magaalada Laascaanood, ka dib cadaymo iyo markhtaatiyaal Maxkamadda horteeda ka caddeeyey kiiskaas.
Sidaa daraadeed, waxa lagu xukumay ciqaabo dil iyo xadhig isugu jira oo ay mutaysteen ka dib markii dambigaasi Maxkamadda horteeda si buuxda ugaga caddaaday.
Waxa uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamaddu in xukunkan ay Maxkamadddu u cuskatay qodobbada 434, 120, 122 ee Xeerka Ciqaabta guud iyo qaar ka mid ah Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah. Maxkamaddu, waxa ay xorriyaddoodii u soo celisay oo ay isla maanta sii daysay 4 Nin oo ka mid ahaa sagaal eedaysane oo dilka Taliyahaa loo haystay, kuwaas oo u kala dhashay waddamada jaarka la ah Somaliland ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eriteria, ka dib markii wax dambi ah lagu waayay.
Si kastaba ha ahaatee, Kiiskan maanta Maxkamaddu xukunkiisa ku dhawaaqday, ayaa soo jiitamayay tan iyo 1-dii bishii 11-aad ee 2009, isla markaana waxa ku xeernaa dareenno aad u fara badan, hase ahaatee, shakigii laga qabay kiiskaas oo dadka qaar ku eedayn jireen inay Xukuumaddu marin-habaabinayso Maxkamadda Gobolka Saaxil oo dhawaan loo soo wareejiyey qaadista dacwadda eedaysanayaasha la xukumay, qaarna la sii daayay, ka dib markii laga soo wareejiyey Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool oo markii hore dacwaddu ka bilaabantay.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking