COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, April 7, 2010

Xuska maalinta SNM iyo weedhihii Siyaasiinta

Hargeysa,(NNN)- Xuska sanad-guuradii 29aad ee ka soo wareegtay Aasaaskii Ururkii SNM, isla markaana ay ka qayb-galeen masuuliyiin kala duwan, ayaa shalay lagu qabtay Beerta Xorriyadda ee magaalada Hargeysa.
Munaasibaddan oo ay soo qaban-qaabiyeen Jimciyadda Mujaahidiinta ee Sooyaal, waxa ka qayb galay hoggaanka saddexda Xisbi Siyaasadeed ee dalka ee KULMIYE, UCID iyo UDUB, Wasiiro, masuuliyiintii SNM, Mujaahidiin iyo dadweyne kale oo tiro badan.
Ugu horeyn waxa halkaa ka hadlay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Muj. Yuusuf Ciise (Talaabo), waxaanu sheegay in maalintii SNM la aasaasay iyo maanta marka la isbarbar dhigo ay maanta Somaliland ka cadaw badan tahay. “Maalintii SNM la aasaasay iyo maanta, maantaynu cadaw badan nahay halgankiina isma taagin, cadaawihiina ma dhamaan ee mid ka sii badan baa la yeeshay, wax-qabadna waynu samaynay, waxqabadkiina wuu socdaa cadaawad siyaasiya oo tii hore ka adagina way socotaa. Shalay waxaynu tooganaynay yool muuqda iyo cadaw la arkaayo, maanta waxa ina haysata mid kii hore ka badan, laakiin aan la wada dareensanayn. Waxa kale oo bilaabmay hammad iyo hunguri ay qof walba dantiisii daaqad iska tustay, waxa kale oo iyaduna jirta inaynu aragtiyo kala duwan qaadanay. Waxa kale oo bilaabmay tartan kursi iyo Xisbiyo, iyadoo la doonayo in qabyaalad laga guuro oo qoomiyad loo guuro, taasina waxay inaga qaadday qiiradii waddaniga ahayd.” Ayuu yidhi Tallaabo.
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa aasaasayaashii Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Somaliyeed ee SNM oo isna ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadlay, ayaa ku dheeraaday aasaaskii Ururka SNM iyo waxyaabihii ku dhaliyey inay sameeyaan, waxaana hadalkiisii ku bilaabay oo uu yidhi, “Maalintaa aanu ku dhawaaqaynay iyo maanta xaaladdu aad bay u kala duwan tahay, maanta dalkeenii baynu joognaa waa illaahay mahaddii inaynu halkaa ka sii kordhino ayaa inala gudboon. April 6, 1981-kii SNM markaanu ku dhawaaqnay waxa ka horaysay afar sanadood oo diyaar-garaw ahaa oo ka bilaabmaysay June 1978-kii, afartaa sanadood waxay ahaayeen qabanqaabadii iyo gogol-xaadhkii ku dhawaaqidda Ururka.
Waanu ku dhawaaqi lahayn xiligaas, laakiin waxaanu sugnay qolo Soomaaliya joogtay oo uu ka mid ahaa Ismaaciil Jimcaale nin la odhan jiray oo yidhi waanu idinku soo biiraynaa.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxa ina kalifay in la sameeyo kacdoonkaa SNM waxay ahayd dhibaatooyinkii inaga qabsaday Soomaaliya israaceedii, waxaynu u baahanahay inaynu taariikhda dib ugu noqono oo wakhtigii 60-kii dib u jaleecno si ay dadka yar-yar ee muddadaa ka dambeeyey si ay u ogaadaan…” Waxaanu Maxamed Xaashi si qoto-dheer uga warbixiyay midowgii dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya iyo halgankii xornimada. Waxa kale oo uu ku dheeraaday tacaddiyadii Xukuumaddii Siyaad Barre kula kacday shacabka Somaliland.

Maxamed Xaashi wuxuu naqdiyay habka dadka loo xidho. “Madaxda booliska in yar baan odhan lahaa, waxan leeyahay marka qof lasoo xidho ee la yidhaahdo maxaa lagu haystaa, jawaabtu waxay noqotaa taliyaha waydiiya, taliyaha marka loo tagana wuxuu yidhaahdaa xaga sare ayey nagaga timid, ninkaasi dambibuu leeyahay arrintii way ka baxday ee hebelbaa soo xidha yidhi ayeynu maraynaa waa arrin aad iyo aad u fool xun” ayuu yidhi.
Sidoo kale, waxa isna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe. “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa akhyaarta soo qabanqaabisay sanad guuradan 29-aad ee xarakadii SNM aasaaskeedii. Walaalayaal anigu mar dhaweyd (Beerta Xorriyadda) ayaan imi, waxaan is-idhi ma iska noqotaa, waxaan moodayba inaan soo khaldamay oo meesha UDUB soo qabanqaabisay. Waxaan ka shakiyey dad yaraanteeda, markaa waa inagu fool xumo maalintii SNM jabhadii dalka xoreysay ee Somali oo dhan xoreysay in maanta sedan loo xuso waa wax fool xun.” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay Eng. Faysal, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan jeclahay in maalinta caynkaas ah aan loo iman in makarafoonka laga hadlo oo kaliya balse dhalinyarada abaabushay ee Sooyaal gacan lagu siiyo si waafi ay u noqoto oo ay noqoto maalin qiimo leh.”

Mar uu Faysal ka hadlayay SNM iyo aasaaskeedii, ayaa wuxuu yidhi, “Waxaan halkan ka cadaynayaa SNM yaan loo fahmin inay tahay xarakad beel khaas ahi iska lahayd, SNM sida magaceeda ka muuqda, waxay ahayd xarakad Soomaaliyeed oo cid kastaa ku jirtay ilaa Raaskaambooni ilaa Saylac. Markaad SNM maqashid yaanay maskaxdaada ku soo dhicin beelo khaas ah ee waxay ahayd jabhad Soomaaliyeed, dhinaca kale markaad maqasho Faqash yaan beelo loo qaadan, beelo maaha Faqashtu, wuxuu ahaa maamul Soomaaliyeed oo qabiil waliba ku jiray.”
Faysal waxa kale oo uu ka hadlay khilaafaadyo SNM waajahay bilowgii dalka la soo galay ee ay awoodda dalka qabsadeen. “SNM waynu ognahay dhibaatadii ay dadka ka dul qaaday, maanta waxa isweydiin leh SNM xagay ka baxday? Markay jabhadi samayanto khilaafbaa ka dhexdhaca, khilaafkaa isreebreeb ayaa ka dhaca aakhirkana kooxbaa xoogaysata kooxaha kale reebta isla markaana dalka qabsata, SNM kooxaheedii iyo khilaafkeedii guddaha ayey la soo gashay, taasi waxay keentay inay SNM xukunka qabsato laba sanadood oo la yidhi dalka hogaamiya waxay qaateen maamulkii oo dhan, taasina waxay keentay in haddana dhexdoodii khilaaf ka dhex dhaco, waxaanay ahayd SNM laba garab, garabka hubka sida iyo garabka siyaasiga ah, garabka ay SNM xagiisa ka liicday waxa odhan karaa garabkii siyaasiyiinta.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Maanta hoggaankii siyaasiyiinta ee SNM in yar baa inagala joogta intii kale Xamar meelo kale ayey joogtaa markaa waxa la odhan karaa in siyaasiyiintu aanay ku midaysnayn in dadku gaar uu u taagnaado ayaa halkaa ka muuqata, taasi waxay keentay in hogaanka SNM ay samaysan kari waayeen fadhigeedii golaha dhexe, waxay keentay taasi in khilaafku balaadho oo dagaal sokeeye dhaco SNM-na dawladeedii oo dhutinaysa in shirkii Boorama la fadhiisto, SNM markaasay meesha ka baxday oo ay xukunkii wareejiyeen waxay ku wareejiyeen Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo guurtidii, taasi ma xuma oo labadii sanadood way ka dhamaatay.”
Guddoomiyaha UCID wuxuu dhaliilay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale. “Waxaad ogaydeen in 1995-kii dagaal sokeeye dhacay, dagaalkaasi wuxuu noqday kii Somaliland dhabarka ka jabiyey, Qofku hadduu Dhabarka ka jabo ma kabmo. Maanta halkaynu ka fadhinaa waa dagaalkii 1995-kii, taasi waxay keentay maanta in dadkeena haddaad runta sheegaysaan inta inagaga dhimatay 8-daa sano ee waliba maamulkani joogay darxumo iyo silic iyo intii halgankii inagaga dhimatay way isleeg yihiin haddaanay intani badnayn.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxa weeyaan taariikhda lagama seexdo haddaynu taariikhda sheegi wayno mustaqbalkeenuna mugdi buu galayaa. Maanta waxaynu ognahay in halyeyadeenii 50% ay waalan yihiin, waxaana heshay darxumo, maanatana waxaad ogtihiin in jabhado horleh oo Somaliland ku soo duulayaa la abaabulayo. Waxaad ogtihiin doraad oo u dambaysay wixii ka socday Buuhoodle, xalay oo u dambaysay wixii Tv-yada ka socday waynu arkaynay in la inoo soo dhaaranayey, maxaa la inoogu soo dhaaranayaa? Waxa la ina ogyahay inaanay waxba inoo dhisnayn maanta hay’ad inoo dhisani ma jirto. Ciidamadeenii in derajo la siiyo oo ay kala sareeyaan oo xidigo yeeshaan ayay ahayd. Ilaa iyo maanta nin darajo lihi ma jiro, jeneraalka ciidanka xukuma markuu yidhaahdo jeneraal baan ahay, maxaa lagu garanayaa? Meeye xidigihii…Waxaan idinku bushaaraynayaa walaalayaal doorashadaa maanta himiladii SNM ayeynu sii wadaynaa dhinicii siyaasada dawlad baynu dhisanaynaa wanaagsan oo loo wada dhan yahay oo daryeesha Masaakiinta, Mujaahidiinta iyo dadka laxaadka la’, waxaynu samaysan doonaa ciidankii SNM ee ilaa raaskaambooni laga biqi jiray mid la mid ah ayeynu samaysan doonaa, oo darajo iyo haybad leh.”

Mar uu ka hadlayay waxqabadka Xukuumadda, ayaa Faysal wuxuu yidhi, “Carruurteena yaryar ee xabagta cabaysa ayaanu ururin doonaa walaalayaal. Waxaad arkaysaa iyadoo Dawladu leedahay noo soo gurmada carruurtii xabagta ayaanu ururinaynaaye, ma boqol carruur ah oo yar yar ayaa Dawlad dhan loogu gurmadaa illaahay baan idinku dhaariyee, tamar daraanteeda biriishkii Hargaysa ayaa jabay Jabuuti ayeynu u shaxaad tagnay, ma waxaasaa Dawladnimo illaahay baan idin ku dhaariyee waa Dawladeenu la tartami lahayn.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Dhalinyarada halaga daayo qabyaalada isma qabato jaamacad baan ku jiraa iyo anagoo reer hebel ah ayaa Xisbi hebel ku biirnay, Dawladana waxaan leeyahay qabyaalada ha joojiso dalkani qabyaalad uma baahna qaran buu u baahan yahay, shaqo ayuu u baahan yahay. Walaalayaal doorashadaa maanta waxaa inagu waajib ah oo aynu xoogga isugu gaynaynaa in nidaamkan jooga la badalo, ciddii doontaa ha hesho labada Xisbi, laakiin waxa inoo talo inaynu maydkaa iska qaadno oo aynu gacmaha isqabsanaa, haddii kale Shariifkaa halkaa inoogu iman doona”
Waxa isaguna halkaa ka hadlay Xoghayaha Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo isna saluug ka muujiyay habka loo xusay maalintan, taas oo hadalkiisu u muuqday in uu u gaar yeelayo xuskan Mujaahidiintii SNM. “Sida xaqiiqda ah waan yar qawadsanahay sida shacabweynaha Somaliland taariikhdaa muhiimka ah ee qaaliga ah ee qiimaha culus inoogu fadhida, sida ay uga soo qaybgaleen, taasi waxay ka dhigan tahay oo muuqan kartaa waxa weeye in raggii dhaxalka talada ama siyaasada ama ciidanka u ahaa Ururkii SNM inay kaalintii ku habboonayd inay hoos uga dhaceen. Waxa weeyaan, ama siyaasi ha ahaado ama ciidamadii hubka siday ee dalka xoreeyey ee dhabta ahaa ha ahaadaane, waxaan leeyahay taariikhdan sidan si dhaanta taariikhaha dambe ee soo socda ha loo quweeyo oo hala qiimeeyo.”

Mar uu Xoghayaha guud ka jawaabayay hadalka Guddoomiyaha UCID, ayaa wuxuu yidhi, “Halkan waxaan ka maqlaayey calaacal ragga kaalintoodii gabay ee libintii ragga qoriga sitaa sameeyeen libin siyaasiya ku badali kari waayey oo maanta halkan ka calaacalaya. Runta in la isku sheego weeye, siyaasiyiintii Somaliland madaxda ka ahayd ee SNM ayaa libintii qoriga caaradiisa siyaasiyan u badali kari waayey. Anigu waxaan leeyahay taas dambigeeda Xisbiga Udub malaha taa inaynu ogaano weeyaan, qof waliba dhaliishiisa inta uu ka leeyahay inuu ka qaato ayaa wanaagsan. Xilkasnimo ayaa loo baahan yahay in laga been sheego dhaqdhaqaaqii xoreynta Somaliland maaha sida uu ahaa si ka duwan in loo gudbiyo maaha. “ Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Dalkan waa la xoreeyey ciddii xoreysana SNM ayey ahay,d raggii qorigii qoriga caaradiisa ku xoreeyey ayaa libinta koowaad leh, kii siyaasiga ahaa ee hogaaminayey iyo kii ka horeeyey iyo kii ka dambeeyeyba kaalintoodii siyaasi ahaan inay libin ku badalaan way ka baaqsadeen. Waxa halkan laga sheegay in SNM xilkii ay wareejisay, maxay SNM xilkii siyaasadeed u wareejisay? Saw maaha ciddii markaa joogtay oo gabtay kaalintoodii, ma iyagaa maanta ku faani kara”
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii halkaa ka hadlay, ayaa jawaab ka bixiyay hadalka Xoghayaha guud ee UDUB. “Maanta waa maalin taariikh leh, waxaynu u xusaynaa inaynu ogaano dadkii inoo shahiiday, dadkii inoo dhintay, xoriyada aynu maanta dugsanayno iyo waxa aynu ku faanayno ee aynu halkan ka hadal hayno.
Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed halkan waxaan ka maqlayey dhaliilo badan oo loo soo jeedinayo. Waxan idiin sheegayaa Ururkii SNM muu ahayn wakhtigii lala dagaalamayey nidaamkii Siyaad Barre ee kaligii taliyaha ahaa dhaqdhaqaaqa qudha ee jira muu ahayn. Waxa jiray Ururo ka horeeyey, waxa jiray qaar ka dambeeyey, waxa jiray qaar la wakhti ahaa dhaliilka lagu sheegayo waxaan idiin sheegayaa wakhtigii ugu dambeeyey Ururka kaliya ee soo hadhay ee sabab u noqday ridintaankii Siyaad Barre wuxuu ahaa SNM inta kale oo dhami way ku guuldaraysteen.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “SNM halgankeedu kumuu koobnayn Somaliland xoreynteeda sidii Faysal sheegay, wuxuu wakhtigaa la joogay u dagaalamayey xoreynta dhulkii Soomaaliya la odhan jiray, SNM waxay sabab u noqotay dhicitaankii nidaamkii Siyaad Barre, dadka dhaliilaha u soo jeedinaya ee nidaamkeedii iyo qaabkeedii ka waramaya iyagoon ka war qabin. Iyadoo aan la soo galin dalka shirkii ugu dambeeyey ee Baligubadle ee Guurtidu isugu timid iyagaa ku tashaday iyagoo wada jooga in SNM ay dalka hayso talo iyo go’aan bay ahayd shacbiweynaha Somaliland xukunka ku wareejiso, taasina ceeb kuma ahayn. Midda kale, SNM markay dalka qabatay kumay ekaan talaabadii u horeysay waxay ahayd dadka Somaliland oo dhan wada daga isu wada keento oo ka hawlgaliso ururadeedii, golayaasheedii, oo intuba waxaynu maanta ku faanayno ay tahay oo ay tahay astaamaha Somaliland dhadhanka u yeelay ee aynu kaga duwanahay gobollada kale oo dhan, ee xasiloonida iyo daganaanshaha ina siinaya waa midhihii SNM.”
Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu ku dheeraaday oo uu ka warbixiyay hannaankii is-cafinta shacabka Somaliland. “Midbaanaan ku talagalin haddaanu ku khaldanahay iyo haddii kaleba markii la yidhi hala isa saamaxo oo dadk xukunka halaga wada dhaxaysiiyo oo xukun aanu wareejino, laguma xisaabtamin oo lama ashkhaastii dambiga inaga gashay ma ka reebnaa mise kama reebno lama odhan saamaxaadiibaa laga wada raacay.” Ayuu yidhi Siilaanyo, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Maanta waxaynu haynaa dad iyo dal dhisan, maanta xasilooni iyo daganaanshaha aynu haysano waa midhihii SNM. Haddii maanta wax inaga yar khaldan yihiin haddii siyaasadii inaga yar xumaatay yeynaan u aanaynin SNMbaa wareejisay SNMbaa isqabsatay SNM isma qabsan xilkeedii ummaday ku wareejisay, waxaa maanta ina gabay ciddii xilka aynu u dhiibanay, waxaa ina gabay Dawlada maanta todoba sano iyo badh maraysa ee ubadkeenii baddaha isku gurayo oo magaalooyinkeenii biyo lahayn oo wakhtigaa maanta la joogo aan wali miisaaniyadii qaranka la samayn”
Waxa kale oo masuuliyiintii halkaa ka hadlay iyana ka mid ahaa, Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo isna ka mid ahaa Aqoonyahankii dhidibada u taagay SNM iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimadda maalintani u leedahay dalka iyo dadkaba.
Dhinaca kale, waxaan munaasibaddaas ka qayb-gelin guddoomiyaha Ururka SNM Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo aan laga war qabin sababta keentay baaqashadiisaas.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking