COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, April 11, 2010

Hargeysa: Ururka SOLLA oo qabtay kulan lagu dersayo Xeerka Anshaxa Qareenada Somaliland

Hargeysa, (NNN)- Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA, ayaa shalay kulan u furay ilaa 40 Qareen oo ka kala yimi gobollada Somaliland.
Kulankan oo lagu dersayo Xeerka Anshaxa Qareenada Somaliland, waxa uu socon doonaa muddo saddex maalmood ah.
Ugu horayn, madaxa adeega kaalmada mashruuca Sharci ee ururka SOLLA Mr. Jaamac Cali Ismaaciil oo hadal ka jeediyay furitaankii kulankaas, waxa uu faafhaahin ka bixiyay muhiimada ay leedahay in Qareenadu ka wada qaybqaataan Xeerka Anshaxa. “Kulankan ujeedadiisu waa sidii ay Qareenadu ula socon lahaayeen, ugana qaybqaadan lahaayeen Xeerka Anshaxa Qareenada, si aanu u noqon mid dusha uun kaga yimi,” ayuu yidhi Jaamac Cali Ismaaciil.
Guddoomiyaha ururka SOLLA Jaamac Xaashi Cilmi oo isna hadal kooban ka jeediyay kulankaas, waxa uu u mahadceliyay Qareenada ka qaybqaadanaya kulankaa lagu dersayo xeerkaas.
Guddoomiyuhu waxa uu kula dardaarmay in muddada aqoon iswaydaarsigu socdo ay xubnaha ka qaybgalayaa si mugleh u dersaan xeerka Anshaxa Qareenada.
Wasiir kuxigeenka Caddaalada Somaliland Yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo) oo isna hadal dheer ka jeediyay shirkaas, waxa uu soo dhaweeyay aqoon iswaydaarsigaa lagu lafogurayo xeerka Anshaxa Qareenada. “Waa arrin wanaagsan haddaynu Anshaxa Qareenada ka hadlayno,” ayuu yidhi Mr. Talaabo. “Xeerkani waa kii beri idin qaban lahaaye, akhriya oo iska hubiya, laakiin ha is le’ekaysiinina,” ayuu yidhi.
Wasiirku waxa uu faahfaahin ka bixiyay arrimaha Garsoorka Somaliland iyo muhiimada Xeerkani leeyahay.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking