Hargeysa, (NNN) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Mudane Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa maanta fadhigii Golaha Wakiiladda ka hor akhriyay Miissaniyada sannadkan 2010 ka oo dhan Saddex boqol iyo Saddex iyo Lixdan Bilyan Shilinka Somaliland ah 363 Bilyan (363 kun oo Milyan SL SH) taasoo ah Odoraska Miisaaniyadeed oo ay ku jiraan laba Wakaaladood ee Korontada iyo Biyaha oo Madaxtooyada hoos taga oo aan awal hore ku jiri jirin.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada oo mudanayaasha sharaxaad ka siiyay Miisaaniyada Dalka ayaa sheegay Miisaaniyadan inay culayska saareen Lacagtii Doorashada Madaxtooyada iyo ta Golaha Wakiiladda iyo Dhismaha Ciidamada waxaanu xusay korodh ka badan kii sanadkii hore inuu ku jiro taasoo uu xusay inay tahay Dakhli iyo Kharash, waxaanu xusay Dakhligaasi inuu ka soo baxay dhoofkii Xoolaha iyadoo kharashaad badana ka soo kordheen dhinaca Doorashooyinka iyo qiimaha alaabaha ay Dawladdu iibsato oo kordhay
Xuseen Cali Ducaale isagoo sharaxaad ka bixinaya meelaha uu dakhliga odoroska Miisaaniyadu ka soo baxayo sheegay inay filayaan inay ka soo baxdo:-
Sidoo kale waxa uu wasiirku xusay iyagoo ka shidaal qaadanaya qodobka Dastuurka ee Miisaaniyada ee 34aad faqradiisa 3aad oo ah habsami u ururinta Cashuuraha Dalka iyagoo aan waxba ku kordhin Cashuuraha inay filayaan inay ka soo baxaan illahan Dakhli lacagayow kala ah :-
Kuwaasoo isku noqonaya 310 Bilyan SL SH, waxaanu xusay dakhligaasi kharash ahaan inuu u baxo sidan;-
Kuwaas oo dhammaantood isku noqonaya 310 Bilyan SL SH
Wasiirka wasaaradda Maaliyadu waxa uu ssheegay kharashaadkaasi inay ku baxaan Adeegyada Bulshada gaar ahaan Nabadgelyada, Maamulka iyo Siyaasadda iyo Mahaariicda Guud, waxaanu mudanayaasha ka codasaday inay Miisaaniyada sida ugu dhakhsaha badan u ansixiyaan isagoo xusay inay dadaal muujiyeen sanadkan maadaama Caalamka oo dhami ka qaylinayo Dhaqaale burbur
Isagoo intaa ku daray inay sameeyeen kharash dhimis taasoo uu tusaale u soo qaatay shidaalka oo ahaa waxa ugu dhibaatada badan leh si ay u yareeyaan inay u xaraasheen baabuurtii Land-crieserada ahaa ee ay xukuumadu wadan jirtay, kuna bedeleen kuwo yaryar
Waxyaabaha kale ee uu wasiirku ka hadlay ayaa ahaa inay samaynayaan daraasad ku saabsan qaabka dakhli ururinta oo uu sheegay labaatankii sano ee ay Somaliland jirtay inaan wali la samayn daraasad mug leh oo qiimaysa meelaha ay dhibaatadu ka jirto isagoo sheegay in loo baahan yahay in wax la saaro meelo badan oo ay Cashuuro ka baaqsadaan, isla markaan laga dhimo meelo badan oo ay saaran tahay Cashuur badani
Wasiirka Maaliyadu waxa uu ku faanay mudadii uu xilka hayay inuu sameeyay dadaal badan oo ah dhinaca dakhli ururinta waxaanu sheegay markii uu xilka qabtay dakhliga Dalku inuu ahaa Laba boqol iyo shan iyo Lixdan bilyan imikana uu gaadhsiiyay Saddex boqol iyo saddex iyo Lixdan Bilyan
Ugu danbayntii waxa uu Cawil ka codsaday Xildhibaanada inay Xukuumadda ugu Duceeyaan inay Guulaystaan, isagoo isna ugu duceeyay inay Guulaystaan maadaama ay Miisaaniyada ugu jirto Doorashadoodii iyo tii Madaxtooyaduba
Khudbada Wasiirka kadib waxa uu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu ku wargaliyay mudanayaasha inay toddobaad soo akhristaan Miisaaniyada si wasiirkana Su’aalo looga weydiiyo loona Ansixiyo balse intii uu wasiirku waday hadalkiisa waxa ay qaar xildhibaanada ka mid ahi soo jeedinayeen in loo sii daayo maadaama aanay jirin awood wax ka qaabanaysa Wasiiradda Dawlada oo marka uu Goluhu u yeedho aanay u imanayn balse Guddoomiyaha ayaa xildhibaanada ku qanciyay inay sharci tahay in wasiiradu Golaha hor yimaadaan waxaanu xusay inay iman doonaan.

• Dawladda dhexe ( 310 Bilyan SL SH)
• Dekedda Berbera (820 Bilyan SL SH )
•Wakaaladda Biyaha (17 Bilyan SL SH)
• Wakaaladda Korontada ( 7 Bilyan SL SH)
Sidoo kale waxa uu wasiirku xusay iyagoo ka shidaal qaadanaya qodobka Dastuurka ee Miisaaniyada ee 34aad faqradiisa 3aad oo ah habsami u ururinta Cashuuraha Dalka iyagoo aan waxba ku kordhin Cashuuraha inay filayaan inay ka soo baxaan illahan Dakhli lacagayow kala ah :-
• Kastamada ( 242 bilyan SL SH oo u dhiganta 78 %)
• Cashuuraha Barriga (24 Bilyan SL SH oo u dhiganta 8.05 %
• Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta (372 milyan SL SH oo u dhiganta 0.12 %)
• Wasaaradda Horumarinta reer miyiga (224 Milyan SL SH oo u dhiganta 0.07 %)
• Maxkamadaha (240 milyan SL SH oo u dhiganta 0.08 %)
• Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha (37 milyan SL SH oo u dhiganta 0.01 %)
• Wasaaradda Qorshaynta Qaranka (125 Milyan SL SH oo u dhiganta 0.04 %)
• Dekedda Berbera (2 Bilyan SL SH oo u dhiganta 0.64 %)
• Deeqaha D/hoose (5 Bilyan SL SH oo u dhiganta 1.615 )
• Deeqaha iyo Daymaha (2 Bilyan SL SH 8.38 %)
• Wasaaradda Warfaafinta (18 Milyan SL SH oo u dhiganta 0.01 %)
• Wasaaradda Ganacsiga (2 Bilyan SL SH oo u dhiganta 0.96 %)
• Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cirka ( 3 Bilyan SL SH Una dhiganta 1.04 %)
• Laanta Socdaalka (2 Bilyan SL SH 0.94 %)
Kuwaasoo isku noqonaya 310 Bilyan SL SH, waxaanu xusay dakhligaasi kharash ahaan inuu u baxo sidan;-
• Mushaharooyin (139 Bilyan SL SH oo u dhiganta 44.84 %)
• Raashin (38 Bilyan SL SH oo u dhiganta 12 %)
• Wakiiladda Somaliland ee dibadaha (2 Bilyan SL SH oo u dhiganta 0.91 %)
• Isgaadhsiinta (2 Bilyan SL SH oo u dhiganta 0.74 %)
• Shidaalka (18 Bilyan SL SH oo u dhiganta 5.94 %)
• Stationary (2 Bilyan SL SH oo u dhiganta 0.80 %)
• ———- (9 Bilyan SL SH oo u dhiganta 2.99 %)
• Adeegyada (97 Bilyan SL SH oo u dhiganta 31.53 %)
Kuwaas oo dhammaantood isku noqonaya 310 Bilyan SL SH
Wasiirka wasaaradda Maaliyadu waxa uu ssheegay kharashaadkaasi inay ku baxaan Adeegyada Bulshada gaar ahaan Nabadgelyada, Maamulka iyo Siyaasadda iyo Mahaariicda Guud, waxaanu mudanayaasha ka codasaday inay Miisaaniyada sida ugu dhakhsaha badan u ansixiyaan isagoo xusay inay dadaal muujiyeen sanadkan maadaama Caalamka oo dhami ka qaylinayo Dhaqaale burbur
Isagoo intaa ku daray inay sameeyeen kharash dhimis taasoo uu tusaale u soo qaatay shidaalka oo ahaa waxa ugu dhibaatada badan leh si ay u yareeyaan inay u xaraasheen baabuurtii Land-crieserada ahaa ee ay xukuumadu wadan jirtay, kuna bedeleen kuwo yaryar
Waxyaabaha kale ee uu wasiirku ka hadlay ayaa ahaa inay samaynayaan daraasad ku saabsan qaabka dakhli ururinta oo uu sheegay labaatankii sano ee ay Somaliland jirtay inaan wali la samayn daraasad mug leh oo qiimaysa meelaha ay dhibaatadu ka jirto isagoo sheegay in loo baahan yahay in wax la saaro meelo badan oo ay Cashuuro ka baaqsadaan, isla markaan laga dhimo meelo badan oo ay saaran tahay Cashuur badani
Wasiirka Maaliyadu waxa uu ku faanay mudadii uu xilka hayay inuu sameeyay dadaal badan oo ah dhinaca dakhli ururinta waxaanu sheegay markii uu xilka qabtay dakhliga Dalku inuu ahaa Laba boqol iyo shan iyo Lixdan bilyan imikana uu gaadhsiiyay Saddex boqol iyo saddex iyo Lixdan Bilyan
Ugu danbayntii waxa uu Cawil ka codsaday Xildhibaanada inay Xukuumadda ugu Duceeyaan inay Guulaystaan, isagoo isna ugu duceeyay inay Guulaystaan maadaama ay Miisaaniyada ugu jirto Doorashadoodii iyo tii Madaxtooyaduba
Khudbada Wasiirka kadib waxa uu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu ku wargaliyay mudanayaasha inay toddobaad soo akhristaan Miisaaniyada si wasiirkana Su’aalo looga weydiiyo loona Ansixiyo balse intii uu wasiirku waday hadalkiisa waxa ay qaar xildhibaanada ka mid ahi soo jeedinayeen in loo sii daayo maadaama aanay jirin awood wax ka qaabanaysa Wasiiradda Dawlada oo marka uu Goluhu u yeedho aanay u imanayn balse Guddoomiyaha ayaa xildhibaanada ku qanciyay inay sharci tahay in wasiiradu Golaha hor yimaadaan waxaanu xusay inay iman doonaan.
0 comments:
Post a Comment