COMING SOON......Radio Nasiib

Tuesday, April 27, 2010

BAAQA NABADEED EE BULSHADA RAYIDKA AH EE DOORASHADA MADAXTOOYADA EE SOMALILAND

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,
Waa hubaal in ay Reer Somaliland – dadweyne iyo dawladba – ku guuleysteen qabashada afar doorasho oo u hirgalay si aan wax badan ka tagganayn heerarka caalamiga ah ee doorashooyinka loo qabto tas oo si togan u beddeshay ra’yal-caamka beesha caalamka.
Waxa kale oo hubaal ah in dib-u-dhac badani ku yimid qabanqaabada doorashada Madaxtooyada iyada oo ay waqtigeedii ka baaqatay doorashadii Golayaasha Degaanku isla markaana ay dhow yihiin doorashooyinkii Golayaasha Xeer-dejinta ee Guurtida iyo Wakiilladu.

Muran kama taagna in ay reer Somaliland ku guuleysan doonaan doorashadan Madaxtooyada haddii Eebbe idmo, maa daama lagu soo caano-maalay laguna soo badbaaday danta guud oo laga hor mariyo danta gaar ahaaneed. Naf-hur iyo dedaal fara badan oo la sameeyay ayaa lagu soo gaadhay halkan aynu maanta taagan nahay oo ah meel la mahadiyo, haddii aynu sii dedaalnana wax badan oo kale ayaynu korodhsan karnaa.

Maanta oo aynu isu diyaarinayno doorashadii Madaxtooyada waxaanu shacbiga, dawladda, xisbiyada qaranka iyo cid kale oo kastaba ugu baaqaynaa:

1. In nabad iyo xasillooni lagu codeeyo, natiijada ka soo baxdana nabad iyo deggenaansho lagu guddoonsado,
2. In cid kastaaba si buuxda u taageerto hawl-galka iyo go’aammada Komishanka Doorashooyinka Qaranka gaar ahaan go’aammada saameeya natiijada diiwaan-gelintii cod-bixiyayaasha iyo doorashada Madaxweynaha oo indho gaar ah lagu eegayo,
3. Saddexda xisbi qaran waxa magan looga yahay in ay dadweynaha ku wacyi-geliyaan barnaamajyadooda iyo wax-qabadkooda. Waxaanu ka waaninaynaa saddexda xisbi qaran in ay dal iyo dadba ka ilaaliyaan hadallada naca iyo naxliga xanbaarsan ee colaad sokeeye hurin kara. Waxaanu ku leenahay dal iyo dad deggan ayaad u talin kartaane, meel qasan cidina wax kama noqoto,
4. Shacbiga reer Somaliland waxa magan iyo martiba looga yahay in aanay ku xad-gudbuin shuruucda iyo xeerarka dalka oo aanu qofna qaadan laba kaadh isla markaana aanu codayn mar qudh ah wax ka badan. Shacbiga waxaanu ku gubaabinaynaa in aanay damacooda ku abuurin xasillooni-darro iyo xasarad aan loo baahnayn,
5. Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa marti looga yahay:

• In ay doorashooyinka ku qabanqaabiyaan Xeerarka u dejisan iyo Xeerarka Anshax-marinta (Codes of Conduct) ee xisbiyadu kala saxeexdeen,
• In ay doorashadu noqoto mid ku dhacda si xaq ah, xalaal iyo nabadgelyo ah,
• In ay ku sifoobaan dhex, garsoor, daacadnimo, xalliibnaan (Transparency) iyo la xisaabtan (accountability),

6. Beesha caalamka iyo deeq-bixiyayaasha waxaanu ku bogaadinaynaa kaalinta togan ee ayb kaga jiraan geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, waxaananu ku dhiirri-gelinaynaa in ay sii kordhiyaan wax-qabadkooda si Geeska Afrika looga hirgeliyo nabad waarta oo dhab ah,

Ugu danbayn guul ayaanu dal iyo dadba u rajaynaynaa, waayeelna cid kale ma aha ee waa innaga oo aan is-yeel-yeelin.

Bulshada rayidka ah ee Somaliland oo ay ka wakiil yihiin:

1. Akaademiga Nabadda iyo Horumarka, (APD),
2. Dalladda SONYO,
3. Dalladda Nagaad,
4. FOPAG,
5. Dalladda COSONGO,
6. SORADI,
7. SONSAF,

MARTIQAADKA BAAQA NABADEED EE DOORASHADA EE BULSHADA
RAYIDKA AH EE SOMALILAND

Bulshada rayidka ah ee Somaliland oo ay halkan kaga wakiil yihiin:

1. Akaademiga Nabadda iyo Horumarka, (APD),
2. Dalladda SONYO,
3. Dalladda Nagaad,
4. FOPAG,
5. Dalladda COSONGO,
6. SORADI,
7. SONSAF,

Oo ah Guddida kala talisa Komishanka Qaranka dhinaca wacyi-gelinta cod-bixiyayaasha iyo maareynta xiisadahaba, waxay si qaddarin iyo qiimaba leh kuugu marti-qaadaysaa ka-soo-qayb-galka xaflad lagu baahinayo Baaq nabadeed oo doorashada madaxtooyada ku aaddan, waxaanay ka dhici doontaa Huteelka Maansoor maalinta Axadda ee ay Abriil tahay 25ka, 9.00 saacadood ee subaxnimo.

Ka-soo-qayb-galkaagu waa muhiim, fadlan waqtigana dhowr.
Mahadsanid.

MARTIQAADKA BAAQA NABADEED EE DOORASHADA EE BULSHADA
RAYIDKA AH EE SOMALILAND

Bulshada rayidka ah ee Somaliland oo ay ka wakiil yihiin:

8. Akaademiga Nabadda iyo Horumarka, (APD),
9. Dalladda SONYO,
10. Dalladda Nagaad,
11. FOPAG,
12. Dalladda COSONGO,
13. SORADI,
14. SONSAF,

Oo ah Guddida kala talisa Komishanka Qaranka dhinaca wacyi-gelinta cod-bixiyayaasha iyo maareynta xiisadahaba, waxay si qaddarin iyo qiimaba leh kuugu marti-qaadaysaa ka-soo-qayb-galka xaflad lagu baahinayo Baaq nabadeed oo doorashada madaxtooyada ku aaddan, waxaanay ka dhici doontaa Huteelka Maansoor maalinta Axadda ee ay Abriil tahay 25ka, 9.00 saacadood ee subaxnimo.

Ka-soo-qayb-galkaagu waa muhiim, fadlan waqtigana dhowr.
Mahadsanid.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking