COMING SOON......Radio Nasiib

Thursday, April 1, 2010

Hadalka ama sheekada aad la wadaagto dadka kale oo gaabnaadaa, waxa ay kaa dhigtaa qof aan faraxsanayn

Hargeysa, (NNN)- Sheekada iyo wada-hadalka aad la wadaagto dadka kale waxa ay saamayn ku leeyihiin heerka noloshaada, sida ay daahfureen khubaro samaysay daraasad khusaysa doorka xidhiidha qofka ee bulshada uu ku dhex nool yahay.
Khubaradu waxa ay sheegeen in qofka oo muddo yar sheeko la wadaaga qof kale ama hadalkiisuba koobnaado ay taasi ku abuurto in maskaxdiisu isku buuq samayso.
Waxa ay sheegeen in farxaddu ay daris la tahay dadka wada-xaajoodkooda iyo sheekadoodu qotodheer tahay isla markaana micno wax ku ool ah xambaarsan.
Khubaradu waxa ay aaminsan yihiin in deggenaanta xaaladda qofku ay si toos ah xidhiidh ula leedahay qotodheerida wada-xaajoodka iyo sheekada ay dadka la wadaagaan. Khubarada oo cilmi-nafsiga ku takhasusay waxa ay baadhitaan ku sameeyeen haddii dadka wejiga furan iyo kuwa mar kasta cadhaysani ay ku kala duwan yihiin marka la eego noocyada wada-sheekaysiga ay yeeshaan.
Dadka ka qayb-qaatay daraasadda ee natiijada macluumaadka laga helay ayaa muddo afar maalmood ah dhegta loogu xidhay qalab wax duuba. Dadka iyaga oo iska shaqaysanaya, qalabkani waxa uu duubayay codadka ka ag dhaw oo ay ku jiraan hadaladii ay isweydaarsadeen asxaabtooda. Dabadeed, cilmi-baadhayaashu waxa ay dhagaysteen codadkii uu duubay qalabkaasi iyada oo lagu xisaabtayo wakhtiga uu qaatay hadalkiisu. Waxa kale oo khubaradu codadka ka qiimeeyeen shakhsiyadda iyo xaaladda uu qofku ku sugan yahay
Shakhsiyaadka wakhti kooban ay ku qaadatay inay inbadan hadlaan kuna raaxaystay sheekadooda ayaa u muuqday ayaa noqday kuwo noloshoodu wanaagsan tahay. Ka-qayb-layaashii ugu faraxsanaa waxa ay 25% wakhtiga hadalkoodu ka yaraa kuwa kale ee aan faraxsanayn.
Dr. Matthias Mehl oo cilmi-nafsiga ka dhiga Jaamacadda Arizona ayaa isaga oo ka hadlaya natiijadda daraasadooda iyo sida uu cudur-daar ugu samayn karo suurto-galnimada daah-furkooda waxa uu yidhi, “Daahfurkayagu waxa uu tilmaamaya in farxadda noloshu ay tahay mid ku dhisan dhex-galka bulshada iyo wada-sheekaysi qotodheer oo dadka kale lala wadaago.”

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking