COMING SOON......Radio Nasiib

Thursday, April 22, 2010

Raaligelintu waxa ay siyaasidaa cimriga iyo caafimaad qabka haweenayda

Hargeysa, (NNN)- Kelmadda raali-gelinta ah ee ‘waan ka xumahay’ waxa ay u muuqataa inay adagtay inuu qofku ku hadaaqo, balse khubaro cilmi-nafsiga ayaa sheegay inay ka mid tahay kelmada ugu saamaynta badan caafimaadka qofka gaar ahaan haweenka.
Cilmi-baadhayaashu waxa ay daah-fureen in dumarka hela raalli-gelin uga timaadda qof ay si qalbi ah ka tahay ay ka yaraystaan warwar iyo waxyeellada ku timaadda wadnaha marka loo eego dumarka kale ee aan helin.
Sida lagu sheegay cilmi-baadhista, tani maaha mid shaqaysa marka la eego dhanka ragga. In badan ayey ku qaatadda in garaaca wadnahoodu ka soo kabto marka raali-gelin la siiyo, waanay ka xumaadaan marka uu jiro ogolaanshaha dambi laga galay.
Cilmi-baadhista oo ay sameeyeen khubaro Maraykan ah oo adeegsanaya natiijada baadhitaan ay ka qayb-qaateen 29 rag iyo 59 dumar ah kuwaas heerka cadaadiska dhiiggooda la cabbiray intii ay tijaabadu socotay. Ragga iyo dumarka tijaabada ka qayb-qaatay waxa shakhsi-shakhsi loo weydiistay inay qabtaan hawl-qabad xisaab ah taas oo lagu wargeliyey inay ku dhammastiraan muddo shan daqiiqo ah laakiin waxa laga dhex galay laba daqiiqo dabadeed iyada oo lagu wargelinayo inay dhakhso ku dhammeeyaan.
Haddana, waxa hawshoodii laga dhex galay mar labaad ka hor intii aanay dhammaanin muddada shanta daqiiqo ah iyada oo loo sheegayo inay kordhiyaan xawaaraha. Ugu dambaynta, markii ay dhammaystireen hawl-qabadkii ayaa si cad loogu sheegay inaanay si wanaagsan u qaban hawshii. Laba daqiiqo ka dib, kala badh raggi iyo haweenkii waxa siiyey raalli-gelin.
Cilmi-baadhayaasha waxa u soo baxday, celcelis ahaan, in dumarkii ka qayb-galay uu hoos u dhacay heer cadaadiska dhiiggooda 20% markii ay raalligelinta heleen, halka raggii ay ku qaadatay wax ka badan 20% in cadaadiska dhiiggoodu caadi noqday ka dib markii la raaligeliyey.
Mid ka mid ah cilmi-baadhayaasha ayaa yidhi, “Natiijooyinku waxay tusinayaan inay jiraan faa’idooyin caafimaad oo laga helo is-cafinta iyo raali-gelinta.”
Nasiib News

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking