COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, April 10, 2010

Faysal Cali Waraabe oo xukuumadda ku eedeeyey inay musuq-maasuqday Raashinka WFP

Hargeysa, Ogaal)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay in ay musuq-maasuqday Raashin Hay’adda WFP ugu talo-gashay dad abaaro saameeyeen oo ku dhaqan ilaa 10 tuulo oo hoos yimaadda Degmada Sabo-wanaag ee Gobolka Maroodi-Jeex.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu sheegay in ay dhibaatooyin ba’ani soo food-saareen ilaa 10 Tuulo oo uu shalay kormeer ku soo maray oo ka tirsan Deegaannada Sabo-wanaag ee Gobolka Maroodi-jeex. “Waxaanu aanu maanta (shalay) soo marnay Aniga oo ay ila socdaan Wefti ballaadhan oo uu ka mid yihiin, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Aadan Maxamed Waqaf, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-Jeex ee UCID, Guddoomiye-xigeenka Abaabulka Hargeysa iyo Agaasimaha Xarunta dhexe. Toban tuulo oo hoos yimaadda Degmada Saba-wanaag oo ay ka mid yihiin, Balli Axmed, Cali Aadan, Qoton, ina Hidise, Balli Mataan, Qori-jablay, Balli-Siciid iyo qaar kale oo badan. Dhulkaas oo maritaankiisa ay iigu dambaysay 2008-kii iyo 2009-kii, wakhtigaas oo ay abaar xumi ka jirtay oo tuulooyinka aanay cidi ku noolayn, ayaan hadda soo eegayey maadaama uu Roobkii dambe helay ee bishii koowaad ee sanadka da’ay.” Ayuu yidhi Faysal oo socdaalkaas uga waramay Wargeyska Ogaal. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Markaa, tobankaa tuulo ee aan maray roobku wuu helay xooluhuna aadbay u fiicnaayeen, tuulo kasta waxaa ku soo kordhay ilaa 140 qoys oo abaartii saddex sano haysay ay xoolihii ka dhamaysay.”
Faysal Cali waxa uu sheegay in aanay dhulkaas ku arag calaamad muujinaysa dawladnimo. “Dhulkaa wax allaale wax calaamad Dawlad ah oo ka jirtaa ma jirto, qaar baa waxay ii sheegeen iskaddaa wax kale’e, in Booliis ay ugu dambaysay wakhtigii Dawladii Faqashta kii ugu xigay ee ay arkaanna uu yahay Nin askariya oo aniga ila socday.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Dhulkaa waxa ka dhacday in Dhirtii si xun loo gubayo oo loo gumaadayo, iyadoo geedkii galoolka ahaa uu taagan yahay dhawr joonyadood oo dhuxul ah oo dadkii ay nolol ka dayeen. Waxaa jirtay tuulada Qoton in xoolihii ilaa bariga Burco daganaa ay meeshaa u soo caws iyo biyo doonteen, hase yeeshee waxa jirta in dhulka la wada ootay oo kayn walba oo qoyanba la ootay, oo xoolihiiba meel ay ka daaqaan aanay jirin, intii aan la oodanna waa la gubayaa. Markaa xoolihii meel ay istagaan bay la’yihiin.”
Guddoomiyaha UCID waxa uu sheegay in qaar ka mid ah Tuulooyinka ay shalay soo mareen ay haystaan caqabado adeeg-la’aaneed, gaar ahaan adeegga Caafimaadka. “Waxaanu tagnay oo kale Tuulo la yidhaahdo Balli-Siciid, waxa ka samaysan dugsi boodhin ah (dugsiyada loo hoydo) oo ay samaysteen shacbigu oo ilaa 40 Arday ahi ku jirto, hase yeeshee waxa jirta halkaa carruur xanuusanaysa, mana jirto xarun kaliya oo caafimaad oo halkaa ka jirta. Hase yeeshee, xarun caafimaad waxa ugu dhaw Saba-wanaag, xaruntaasna Dhakhtar caafimaad ma joogo, kalkaaliye-na ma joogo, dawana ma taalo.” Ayuu yidhi Faysal, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxay noo sheegeen dadkaasi in dumar badan oo Madheertii ay ka soo bixi wayday ay isku dhinteen, qaar uu dhiiggu ku kacay oo imika ay sakaraad yihiin, yacnihii darxumo caafimaad baa halkaa ka muuqata, carruurtii oo wada qufacaysa, shuban-biyoodkii oo ay ka baqayaan markuu roobku da’o. Markaa anagu waxaanu ugu ballan qaadnay haddaanu talada dalka qabano in dhirtaa la joojiyo oo geed dambe la goynayn, kayn la iska ooto oo dambena aanay jirayn.”
Mar uu ka hadlayay waxyaabaha kale ee uu sheegay in uu ku soo arkay Deegaamada uu tegay, ayaa wuxuu Faysal yidhi, “Waxa kale oo ay ka cawdeen xoolihii oo gacanta u galay laba qof oo la baqsayo. Waxaanu la kulanay qoys haysta 100 oo neef oo Adhi ah oo haddana waxay cunaan aan haysan, markaanu waydiinayna waxay yidhaahdeen, Xoolihii wax naga iibsada ayaanu waynay. Markaa halkaa baahi Dawladeed baa ka muuqata, dar-xumaa ka muuqata. Markaa waa wax laga calool xumaado.”
Mar aanu waydiinay waxyaabaha ay dadku u sheegeen in ay sabab u yihiin dhibaatooyinka haysta ee dad-sameega ah, ayaa wuxuu yidhi, “Waxay noo sheegeen sidii ay dagaalka u galeen (Dagaalkii dib-u-xoraynta) inaanay arag wax daryeel Dawladeed ah, xoolahay ku noolaayeenna waa tii inta badan la inaga joojiyey, haddana xoolihii kooto ayey galeen. Abaar haysay saddex sandood oo ay ku leeyihiin saddexdaa sanadood wax Dawlad ah oo noo yimi o dadkaa soo caydhoobay ee magaalooyinka ku soo biiray wax allaale wax la siiyaa ma jiro.”
Guddoomiye Faysal waxa uu Xukuumadda M/weyne Rayaale ku eedeeyay inay musuq-maasuqday Raashin WFP ugu talo-gashay dadka degan deegaamada ay soo mareen. “Waxaan hubaa anigu in Raashin badan ay bixisay WFP-du, kaas oo lagu qaatay in la siiyo dadkaa ay xooluhu ka dhamaadeen, laakiin Hargaysa lagu iibsado oo ay isku xidhmeen dad deegaanka ka soo jeeda iyo Dawladu.”
Mar waydiinay cidda uu leeyahay way iibsatay iyo cidda uu saarayo eedda musuq-maasuqa Raashinkaas uu sheegay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Marka horeba waxa la siiyaa dad Dawlada ku xidhan, dadkaasaana suuqa ka iibsada, laakiin dadkaa soo caydhoobay wax gaadhaa ma jiraan, tuulo kasta ilaa 140 qoys oo caydhoobay baa degan. Eedda waxaan saarayaa Dawladda aan shaqaynayn ee musuqmaasuqa ku hafatay ee qof waliba meeshii uu haystay uu goostay. Meesha qudha ee aanu boolis ku aragnay waxay ahayd Sabawanaag, kuwaa laftooda oo iska darxumaysan oo raadyaw lahayn ay kula soo hadlaa xaruntooda oo ay warbixin kusoo gaadhsiiyaan.”
Su’aal nuxurkeedu ahayd in waxyaabaha uu sheegay ay yihiin cabashooyin ay kala kulmeen dadkii ay la kulmeen, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Haa, waxay noo sheegeen in aanay haysan Gaadhi, Sabawanaag waxay xukuntaa ilaa dhawr iyo soddon tuulo, wax adeegana ma haystaan. Telefoonadu ma shaqaynayaan adigoo Geed la fuula mooyaane. Waa dhul go’doon ah, waana dhulka ugu soo dhaw Hargaysa. Waxaanay ku tusaysaa Dawladu ilaa Berbera mooyaane, inaanay meel kale ka shaqayn oo calaamad Dawladeed aanay jirin.”
Gebogebadii, waxa uu Guddoomiyaha UCID baaq u jeediyay Xukuumadda iyo Shacabkaba. “Waxaan xukuumadda ujeedinayaa meelahaa baylah baa ka jirta, meelba meeshay ka sii fog tahay way ka sii xun tahay, waanigii bariga tagay Burco, waanigii Oodweyne tagay, waanigii tagay Mijo-caseeye. Markaa, dalku waa baylah, wax Dawlada oo ka shaqaynayaa ma jirto. Waxaan ku boorinayana dadka in ay qaataan kaadhka cusub oo ay ka faa’iidaystaan doorashada.” Ayuu hadalkiisa ku gebogebeeyay Guddoomiyaha UCID.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking