COMING SOON......Radio Nasiib

Wednesday, April 21, 2010

Shalay: Baaqii Darawal, Ballantii Siilaanyo, baanniddii Sandoon & badheedhihii Gabboose

Hargeysa, (NNN)- Hoggaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE iyo garabka isbedel-doonka UDUB, ayaa si wada-jir ah Xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo xisbigiisa ugu eedeeyay Musuq-maasuq iyo wax-qabad-la’aan.
Masuuliyiintan oo shalay ka hadlay munaasibad loo sameeyay Heshiis ay labada dhinac ku kala saxeexdeen Hutel Kaah ee bariga Hargeysa oo ay ku midoobayeen, ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku fashilantay wax-qabadkii looga baahnaa.
Weedhaha KULMIYE:
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka mid ahaa masuuliyiintii halkaa ka hadlay ayaa hadallo soo-dhawayn ah u jeediyay hoggaanka iyo xubnaha Isbedel-doonka UDUB ee shalay ku biiray Xisbigooda. “Munaasibadan waxaanu aanu ku soo dhaweynayno walaalaheena isbedel-doonka garabka UDUB ahaan jiray ee ku soo biiray maanta xisbiga KULMIYE. Waxaanu leenahay aad iyo aad baanu idiin soo dhaweynaynaa qalbi furan iyo laab furan baanu idinku soo dhaweynaynaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Aniguna waxaan idinka ballan qaadayaa oo kalsooni badan ka qabaa maanta, waynu ku guulaysanaynaa doorashadaa waqtigeedii lagu dhawaaqay saacadii ayuun baan lagu dhawaaqin. Laakiin waa la sheegay waqtigii inuu aad iyo aad inoogu soo dhaw yahay, wixii aynu maanta u diyaargarawnaaba waa sidii aynu u hawl gali lahayn, sidii aynu ummadeena iyo shacbigeena inagoo illaahay la kaashnayna, inagoo dadkeena la kaashanayna, inagoo garbaha ishaysana, iswada barbar taagan, sidii aynu isbedelkaa aynu u rumayn lahayn ee aynu u xaqiijin lahayn ee dadkeeniyo dalkeenu maanta ubaahan yahay.” Waxaanu sheegay inay Xisbi ahaan diyaar u yihiin isbedel dhab ah.
Sidoo kale, waxa isna halkaa ka hadlay Guddoomiye-xigeenka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo hadalkiisa ku bilaabay, “Aniga way igu adagtahay Waddo uu ina baray taliskii inkaarta qabay ee Siyaad Barre oo ah in marka meel la yimaaddo la tiriyo oo la yidhaahdo Guddoomiyaha, Guddoomiyaha kale, hebel iyo hebel, meesha inta timi waa wada akhyaar ee waxaan leeyahay waad salaaman tihiin akhyaareey. maanta waxa inoo sharaf ah oo inoo guul ah oo libin KULMIYE iyo Somaliland u soo hoyatay ah, haddii walaalaheenii waxgaradka ahaa siyaasiyiinta ahaa talada dalka ragga ugu waaweyn ka mid ahaa, ay maanta fikradoodii iyo teenii KULMIYE midoobeen waxay inoo farxad weyn inta jecel horumarka Somaliland, qaranimada Somaliland iyo mustaqbalka Somaliland inuu fiicnaado maanta guul weyn iyo farxad weynbay u tahay, waxay dhabar-jab iyo naxdin ku tahay inta aan jeclayn ama aan dan ka lahayn horumarka qaranka iyo guusha Somaliland iyo gawskooda ka talisa ee aan garaad badan lahayn.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Walaalayaal haddaynu maanta eegno ragga inagu soo kordhay ee aynu talada midawnay ee aynu wada hawlgali doono oo hawl weyn iyo xil weyn inala qaban doona kaalin banaan buuxin doona insha alla..Lixdii urur ee tartamay markaynu dawladaha hoose dooranaynay xisbiga UDUB mooyaane in ntii kale hogaankoodii ay isugu yimaadeen xisbiga KULMIYE waxa hore usii wada joogay oo isku fikrad noqday HORMOOD, SAHAN, KULMIYE. Waxa mar labaad kusoo kordhay ASAD maanta waxa kusoo kordhay BIRSOL iyo aasaasayaashii UDUB Maxamed X. Ibraahim Cigaal raggii la aasaasay UDUB dhamaantood raggii ugu dambeeyey ee ugu adkaysiga badnaa inay wax toosiyaan baa maanta socda..Waxaanu ognahay bani’aadam meel wada joogaaba inuu talada isaga horyimaaddo oo talada laga murmo, taas waxaanu aamisanahay in khilaafku bani’aadmiga uu la dhashay iyo rayi’ga kala duwani. Biyaha ayaa ugu wanaagsan oo waxwalba oo nijaasa maydha, biyuhu haddii ay meel fadhiyaan oo ay socon waayaan way qudhmaan, taladuna haddii la rogrogi waayo oo kolba wax laga badali waayo oo kolba waayaha cusub iyo waqtiga taladeeda la qaadi waayo taladuna way qudhuntaa sida maanta Somaliland Madaxtooyadeeda haysata.” Waxaanu sheegay in Xisbigooda ay ka dhex jirto dood iyo af-kaar isweydaarsi, isla markaana loo sinnaanayo talada Xisbigaas.
Guddoomiyaha Ololaha gobollada bariga Somaliland ee KULMIYE Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo isna halkaa ka hadlay, ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “Waxa ugu weyn ee aad KULMIYE ka helaysaan waxa weeye waxaad kasoo guurteen goob mugdi ah oo aan dood iyo rayi’ isdhaafsi jirin, waxaad imanaysaan goob afkaarta iyo isdhagaysiga iyo isku celinta, markaa haddaad marar qaarkood u qaadataan halkan fawdo inay tahay, fawdo maaha ee muddaad mugdiga ku jirteene naga raali ahaada. Xisbiga KULMIYE waxa idin keenay ayaa Qaran-na (Ururkii Qaran) keenay..Xaqiiqdii wuxuu wadanku u baahan yahay isbedel. Inteena meesha fadhidaa waa inta runta og waliba qolada UDUB ka timi (Isbedel-doonka UDUB) ceelkii bay ka yimaadeenoo, waxaynu ka sugaynaa inay inoo sheegaan bal meesha waxa ka jira. Waxa halkan odhanayaa muddo dheer ayaa xisbiga KULMIYE nasteexo ahaan usoo jeedinayey xisbiga UDUB iyo hogaanka talada u haya iyo Madaxweynahaba in xaaladan wax laga badalo in wixii xun la sheego. Laakiin nasiib-darro iyadoo loo isticmaalayo Tv-ga iyo Jaraa’idka iyo dad kaleba, waxa nasteexo laga dhigay in xisbiga KULMIYE uu yahay mid xagxaganaya xukuumadda.” Ayuu yidhi Dr. Gabboose, waxaanu sheegay in ay hubaan in Doorashadu dhacayso, isla markaana ay Barnaamijkoodii siyaasadeed diyaariyeen oo ay soo bandhigayaan toddobaadkan. “Qolo ka timi tuulooyinka ayaanu maalin dhaweyd aragnay, waxay nagu yidhaahdeen dadkiiba nacay Rayaale oo ololahaba uma baahnidin inaad waqti badan iskaga lumisaan, waxaan idhi oo dadkii maxaa beddalay, waxay yidhaahdeen, anagu reer Guuraa baanu nahayoo markii neefkii loogu yimi (Kooto loo xidhay), ayey dadkiina naceen.” Ayuu yidhi Gabboose, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxa ka go’an xisbiga KULMIYE inaanu abaabulin doorasho xamaadsad leh, doorasho kicin karta dadka xamaasaddooda, inaanu shaqsi durin, shaqsi caayin oo aanu waxaa waqti ku lumIn xisbiga KULMIYE waxa halgan u ah anshaxa doorashadiisa barnaamijka uu wato.”
Dr. Gabboose wuxuu halkaa uga duceeyay Madaxweyne-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin. “Waxaan idinka codsanayaa, xanuunka dadku iskuma keeno haddaan kala afkaar duwan nahay, anigu dhakhtar baan ahayoo bukaannada waan u naxaa. Aniga oo xisbiga KULMIYE afkiisa ku hadlaya waxaan u soo ducaynaynaa Madaxweyne ku-xigeenka in illaahay sida ugu dhakhsaha badan xanuunka uga dulqaado oo isagoo caafimaad qaba aanu tartanka ku loolano anagoo walaalo ah, waa nin sokeeye ahe.” ayuu yidhi Dr. Gaboose.
Digniintii Isbeddel-doonka UDUB:
Guddoomiyaha Garabka isbedel-doonka UDUB Axmed Sandoon Xasan oo isna halkaa ka hadlay, ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “Anigoo ku hadlaya magaca isbedel-doonka xisbiga UDUB meel kasta oo uu joogo, waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa xisbiga KULMIYE ee sida wanaagsan noogu soo dhaweeyey , waxaan leeyahay garabka isbedel-doonku meel walb dalka wuu ka joogaa..Cududna waanu idinku kordhinaynaa si wanaagsana waynu u hawlgalaynaa. Waxaanan illaahay ka baryayaa in doorkan sidii odaygii gaabnaa ee Obama (M/weynaha Maraykanka) la tartamyey markay dhawr cod la tiriyey uu iska dhiibay, haddii uu garto inuu iska dhiibo (M/weyne Rayaale). Guddoomiye waxaanu halkan kaaga cadddaynaynaa inaanu si caddaan ah aanu ugu soo biirnay xisbiga KULMIYE anagoo kala joogna dalka daafihiisa oo dhan…Markii aanu quus iska taagnay xisbigii aanu ka nimi (UDUB), waxaan anigu ku qiyaasay Lo’da Hindiya Waddada hawaarsata (fadhiisata) ee hareeraha laga dhaafo. Inaynu hareeraha ka dhaafno dawladdan sidii Lo’dii Hindiya ina hor fadhiisatay ee dhalinyartii ku xiiqday ee toddoba sano la sugayey inay dalkan horumar u samayso ee dariiqa fadhida ee kaba dhaqaaqi wayday, inaynu hareeraha ka dhaafno.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan doonaynaa inaynu sida ugu fudud u sii waddacno xukuumadda iyada ah” Waxaanu Xukuumadda ku eedeeyay in aan shaqo la siin ciddii lagu tuhmo inay ka tirsanayd SNM.
Axmed Sandoon wuxuu ka hadlay wakhtigii uu isu-sharaxay Madaxweynenimada Xisbiga UDUB dhexdiisa. “Iga dhab bay ahayd markii aan UDUB dhexdeeda iska sharaxay oo waxaan islahaa wax waliba way dhacaane, Ina Rayaale ku soo reeb Xisbiga dhexdiisa. Haddiise ay dhici lahayd, waxaan islahaa oo aan ka fikiri jiray sideed Axmed-Siilaanyo ula tartami doontaa. Maantase fikirkaasi iguma jiro ee waxaan u imi in aanu ku dhisno Guddoomiye ilaa Madaxtinimada Somaliland iga soo gaadhayso.” Ayuu yidhi Axmed Sandoon.
Geesta kale, Xuseen Cabdilaahi Iimaan (Darawal) oo ka mi ahaa masuuliyiintii Isbedel-doonka UDUB eek u biiray shalay KULMIYE oo isna halkaa ka hadlay, ayaa mahad-naq uu u jeediyay Mulkiilaha Hudheelka Kaah ka dib, ka warbixiyay sababta keentay inay ku biiraan KULMIYE. “Markii aanu meesha (UDUB) ka biyo diidnay oo imika maraysa laba sano, waxay nala noqotay halkii ninba meel u carari lahaa oo xisbi ku biiri lahaa, inaanu xoog samayno, si aanu arrimahan waddanka ka socda ee dhibaatooyinka ah ee aynu aragno meeshay u jeedaan ragga ku jira, aynu u garab galno oo aynu la hawlgalno. Maanta markay hawshii (Doorashadii) soo dhawaatayna, waqti yaalaa ma jiree waa majarafadii buuxsantay sidii aynu u hinjin lahayn.” Ayuu yidhi Darawal.
Cabdilaahi wuxuu ka hadlay Garabkooda Isbedel-doonka ee shalay ku biiray KULMIYE, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Waxa laga yaabaa dadka badankiisu inay Koofiyadahan (Koofiyado ay ku qornaayeen Isbedel-doonka UDUB) yaryar uun arkaane, markay u yaraadaan Mudanayaasha Baarlamanka siddeed Nin baanu nahay, Deegaanka Hargaysana Shan Mudane ayaanu ku jirnaa, balse Guurtida ayaan ii tirsanayn. Laakiin qaar baaban imika arkaa oo fadhiya.” Marka uu halkaa hadalka marinayo, ayaa Xildhibaan Cabdilaahi Ibraahim (Dhugad) oo ka mid ah Mudanayaasha guddida joogtada ah ee Guurtida oo madasha fadhiyay ku jawaabay oo yidhi, “Waanakan Cabdillaahi-Darawaloow, waanu joognaa.”
Darawal waxa uu ka hadlay xaaladda uu u arko Xisbiga UDUB ee ay hore uga tirsanaayeen. “Golaha dhexe (UDUB) iyo fullinta tiro badan baa naga joogta, waayo meesha (UDUB) waad ogtihiin oo Gole dhexena ma jiro, xisbina ma jiro. Laba nin oo aanu saaxiib nahay oo xaggiina (Dhinaca KULMIYE) ka soo cararay ayaa meesha jooga, cid kale anagu ma hayno. Cali (Cali-Gurey) saaxiib baanu nahay, maalintii uu galay UDUB, England baan joogay, markuu Internet-ka igaga soo baxay waa naxay. Waayo meesha uu tagay baan arkayaa siday ahayd iyo isaga jacayl aan ka qabay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Maalin dhaweyd baanu wada hadalnoo waxaan ku idhi, Caliyaw anna meel baan ka cararay (UDUB), adna meel kale ayaad ku carartay (UDUB) ee bal keena soo hor booda ha la arko. Ballantaasaa noo taala.”
Cabdilaahi-Darawal waxa uu hadallo digniin iyo talo isugu jira u jeediyay Xisbiga uu ku biiray ee KULMIYE. “Runtii waxa weeyaan, inaynu nidhaahno waxeenu bannaankaasay inoo yaalaan. Anigu raggii aan meesha kaga imi ragga waxan aad ka sheekaynaysaanba haya maaha, waa kuwo wax kastaa ka suuroobi karaan. Sidaa darteed, waxa loo baahan yahay sidii kooxdii dagaalkii Uxud uu Nebigu yidhi xaggaa dambe ragga ka jooga ee markii alaabtii la boobay iska soo yaacay ee lagaga yimi dhabarka, waar meeshan wax waliba way iman karaan, nimankani waa niman quus ah anigu fikirkaan ka qaatay, ragguna iskuma jireen rag badan maba oga waxa meesha ka jiree mushaharka ayuun bay iska qaataa. Laakiin rag tirsan oo u haysta inay Somaliland u dhamaatay hadduu Daahir Rayaale tago ayaa jooga oo cidiyaha ku dagaalamaya oo wax walba ka suuroobaan. Markaa waxa la inooga baahan yahay inaynu dagaalka noocaas ah u diyaar garawno.” Ayuu yidhi Darawal, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Qoladiina KULMIYE waxa la idinku dacaayadeeyaa nabadgalyaduun baa la idin hordhigayaa waad baqaysaan oo kuwii jajabinayey baa idin hordhigaya oo odhanaya nabadgalyada ayey u diidayaan dalka, dabadeedna dhulkayba idin kaga dhacaysaa. Waxa idinkaga filan maalintii dhaweyd ee shirka halkan (Hutel Kaah) lagu qabanayey iyagaa (UDUB) Taayirada gubayey saw maydaan ogayn. Haddana waxa laga yaabaa inay isaga (M/weyne Rayaale) odhanayaan, qoladiibaa halkan Taayiro ku gubaya, ileen waa nin xidhane. Waxaynu u baahannahay runtii inaynu xaaladda si yar oo sahlan u qiimayno…Markaa waxa loo baahan yahay inaynu fikirka badino, waayo nimankaa taayirada gubaya, hadhawna adiga kugu sheegaya ee ku odhanaya adigaa gubay oo nabadgalyadii qaribay..Markaa raggii labeenta ahaa ee Sirdoonka ahaa ee sida wanaagsan u shaqayn lahaa suuqay wada joogaan, markaa waa inaad meel walba cid u samaysataa, haddii kale inta la qarxiyaa baa lagu odhan doonaa adigaa qarxiyey.” Darawal waxa uu dhaliil u jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale. “Dastuurkeena nin baa iiga sheekaynayey Mudane ah, wuxuu yidhi waxaan la jabin waxaan ka helay shan qodob oo ah shantii qaranimada ee aan la taaban karayn. Waxa kale oo dhan waa jabiyey. Sharci la raacana waad arkaysaanoo waatan la leeyahay hebel haka iibin waxba, dhaqaalihiina waynu ognahay maanta nin in uun lexejeclo kaga jirto ama danaynaya dalka wuu ogyahay heerkuu dalku marayo. Laakiin nin nacas ah iyo mid kabo qaadana u sheegi mayno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Ta labaad anagu imaatinkaanu idiin nimi (KULMIYE ahaan) niman derajo soo doontay ma nihin, waxaaanu idiin soo doonanay waa wax guud oo sidii maamul hagaagsan dalkani u heli lahaa oo dadkani nolol wanaagsan u heli lahaayeen, mida muhiimka ahi waxa weeyaan dadkeenu wax alla waxay ka yaqaanaan dawladnimo nimankeenaa ilaa lixdankii joogay, horta dawlad ay leeyihiinba may arag mid ay ka baqaan mooyaane, dadkeenu ma yaqaanaan dawladnimada xuquuqda ay leedahay ma yaqaanaan, ta isaga xaq loogu leeyahayna ma yaqaanaan..”
Waxa sidoo kale, halkaa iyana ka hadlay Badhasaabkii hore ee Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Dheere) oo hadalladiisii ay ka mid ahaayeen; “Xisbiga KULMIYE sas buu ka qabay nabad-sugidda, waxaanu leenahay idinku soo biirnay ee arrintaa halkeeda u daaya oo ha ka sasina.”
Gebo-gebo:
Munaasibaddan oo ahayd mid si ballaadhan loo soo agaasimay, isla markaana ka qayb galeen dhinacyada kala duwan ee Bulshadu, ayaa waxa sidoo kale iyana ka hadlay Cabdiraxmaan Maxamed Ducaale, Dr. Axmed Maxamed Jaamac (WHO), Maxamed X. Hadliye oo dhammaantood ka mid ah Garabka UDUB shalay ku biiray KULMIYE iyo sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee KULMIYE Xamarji iyo Prof. Ismaaciil Muumin Aare oo iyana u hadlay KULMIYE, waxaanay dhammaantood ku dheeraadeen muhiimadda munaasibaddaas.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking