COMING SOON......Radio Nasiib

Tuesday, April 6, 2010

Kormeerkii Madaxweynaha Ee Gobollada Awdal Iyo Gebiley, Maxaa Natiijo La Taaban Karo Ka Soo Baxay

−Marka uu Madaxweynuhu kormeer ugu kicitimaayo Gobollada, uguna kuur-gelaayo xaaladda wax-qabad ee maamulka, waa inuu qabo tuhun iyo dareen ah inay jiraan waxyaabo ka qalloocan oo uga baahan toosin iyo sixitaan.
−Kormeerka Madaxweynuhu dhayal maaha oo waa furaha iyo cabirka lagu ogaado baahida heerka wax-qabad iyo qiimaha shaqada maamulku qabto. Sidaas awgeed, waxa muhiim ah inay bulsho weyntu ogaato natiijada iyo midhaha ka soo baxay kormeerkii uu Madaxweynuhu ku tegey Gobollada kor ku sheegan, iyadoo laga filaayey Madaxweynaha inuu go’aan ka soo gaadhi doono arrimaha iyo khilaafaadka ragaadiyey xidhiidhka labada Gobol, iyo sidoo kale dardar-gelinta maamul-wanaagga casriga ah, loogana saari lahaa habaca maamul iyo dib-u-dhaca ku habsadey iyo amar-ku-taagleynta madaxda maamulku ku hayaan bulshada danyarta ah.

−Arrin kale, waxay tahay indhaha fiiqan ee Madaxweynuh marnaba ma qabteen amase ma arkeen seddexda degmo ee isu wada muuqda, isna dul-saaran ee qosol ku jabka ah, sida Dila, Magaalo-cad iyo Togwajaale , siiba iyadoo Magaalo-cad iyo Dila oo isku deegaan ahi aysan laba degmo kala noqon Karin, maadaama sharciga maamulku yahay inay kala fogaadaan degmooyinku ugu yaraan 45 mile.

−Dhinaca kale, Gobolka Gabiiley maxa ka hortaagan in laga saaro qoqobka ay ku jirto oo xadkeeda loogu jiidi waayey xagga waqooyiga, looguna fidin waayey maamulkeeda ilaa iyo dhinaca xeebta, si maamulkeedu u noqdo mid dhamaystiran oo taabbo gal ah.

−Waxa kale oo isweydiin mudan, sababta Madaxweynuhu amar uga soo bixin waayey barwaaqeynta beerista ee wax-soo-saarka banka hodanka ah ee Tog-wajaale oo raashin ugu fillaan lahaa Ciidamada.

−Haddii Kormeerka Madaxweyne, laga soo saari waayo natiijo wax-ku-ool ah, waxa kormeerka noocaas ah lagu sheegi karaa inuu ahaa mid mijo-baxsi iyo tamashleyn ahaa oo keliya, amaba looga dan lahaa indha-sarcaad iyo qol-madow kula shirid kooxo yar oo gaar ah, iyadoo la ogsoon yahay inaysan dhicin dadweyne lala kulmay oo la dhegeystey. Madaxweyne aan arag dadkiisa oon dhegeysan dhibaatooyinka iyo baahiyaha ay qabaan waa waxaan hore loo arag, loona maqlin.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking