COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, April 26, 2010

Somaliland: Magacyada dhimashada, dhaawaca iyo wararkii u dambeeyay ee xaddiga khasaaraha Roobab ka da’ay dalka

Hargeysa, (NNN)- Inta la ogyahay 9 qof ayaa ku geeriyooday, 12 kalena way ku dhaawacmeen roob xoogan oo shalay ka da’ay qaybo ka mid ah caasimadda Hargeysa.
Roobkaas oo gelinkii dambe muddo saacad ka badan si xidhiidh ah u socday, waxa uu burburiyay ilaa dhawr boqol oo guri oo ku yaala degmooyinka Maxamuud Haybe, Maxamed Mooge iyo Axmed-Dhagax oo dhammaantood ku yaala Koonfurta caasimadda Hargeysa.
Roobka oo dabaylo xoogan watay, waxa uu bilawday 2:45, waxaanu si xidhiidh ah u socday ilaa 4:30 galabnimo.
Dadka ku dhintay oo saddex ka mid ahi caruur yihiin, waxa inta badan ku dumay guryaha ay ku jireen, iyadoo mid ka mid ah Jiingad dabayshu goysay goorta ka jartay, halka mid kalena oo ahayd haweenay ahayd, lana odhan jiray Saynab Xasan Muumin oo 12 caruur ah dhashay ay Koronto dabayluhu jareen ku qabsatay xaafadda Calaamadaha ee magaalada Hargeysa.
Suxufiyiin ka tirsan Wargeyska Ogaal u kuurgalay khasaarahaa roobka ka dhashay, waxay indhahooda ku arkeen ilaa dhawr boqol oo guri khasaare culus ka soo gaadheen, kuwaasoo Dhagxaan ka samaysnaa, kuwaasoo uu intooda badan Jiingadaha kala tegay, qaarkoodna dhulka dhigay. Sidoo kale, waxa jiay tiro dhawr ah oo Jiingado ka samaysnaa oo guud ahaan roobku baabiiyay.
Lix qof oo ka mid ah dadkaa ku dhintay khasaarahaa roobku geystay, waxaa ka mid ahaa; Khaalid Cabdiweli Sheekh Axmed oo da’diisa shan jir lagu sheegay, kaasoo uu ku dumay gurigoodii oo Jiingad ka samaysnaa, kuna yaalay wadada October ee degmada Axmed-Dhagax, wiil yar oo magaciisa Gaambiye lagu soo gaabiyay oo gurigooda oo Siinay ku yaalay ku dumay xilli waalidkii sida la sheegay ka maqnaayeen iyo wiil 11 ahaa oo aan magaciisa la sheegin oo maydkiisa fiidkii xalay la dhigay Cusbatalka guud ee Hargeysa iyo Muna Bashiir Maxamuud oo ka mid ahayd 3 qof oo dhaawac ahaan loo dhigay Cusbatalka Edna, balse xalay ku geeriyootay halkaa. Iyadoo ay weli dhaawac ahaan u yaalaan Cusbatalka Edna Canab Cumar Cilmi iyo Ridwaan Siciid Beddel.
Sidoo kale, waxa la sheegay inay jirto dhimashada gabadh dhawr sannadood jirtay oo uu ku dumay gurigooda oo ku yaala xaafadda Libaaxyada ee degmada Maxamuud Haybe.
Siday hawlwadeenada Caafimaadku Wargeyska Ogaal u xaqiijiyeen, saddex ayaa ku geeriyooday, saddex kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii gaadhi Surf ah oo ay wateen uu daad ku qaaday meel lagu magacaabo Isha-gobkale oo dhawr Km Koonfur ka xigta Madaarka caasimadda Hargeysa.
Waxa la sheegay in saddexda ku dhintay oo darawalkii gaadhigu ka mid ahaa uu daadku qaaday, xilli dambena maydkooda la soo helay, halka saddexda dhaawacmay la dhigay Cusbatalka Edna ee magaalada Hargeysa, kuwaasoo magacyadoodu kala ahaayeen; Maxamed Daahir Cabdi oo 19 jir ah, Mahad Mustafe Jaamac oo 16 ah iyo Hoodo Maxamed Guulleed oo 40 jir ah.
Sida la sheegay, dadkaa gaadhiga ay wateen daadku qaaday, waxay ka yimaadeen degmada Sallaxley oo 63 Km dhinaca Koonfureed ka xigta magaalada Hargeysa.
Siday goobjoogayaal xaqiijiyeen, hal qof oo haweenay ah ayaa ku dhaawacantay ka dib markii Danab ku dhacay gurigooda oo ku yaala xaafadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.
Weriyeyaashu waxay la kulmeen dad mashaqadaa ku dhaawacmay oo la dhigay Cusbatalka gaarka ah ee MANHAL, intooda badana ku dhaawacmay guryahooda oo ku dumay iyo Koronto dabayshu goysay oo qabsatay, kuwaasoo saddex ka mid ahi ku waxyeeloobeen xaafadda Jungalka ee degmada Maxamuud Haybe. “Cid dawladda nooga soo gurmata maanu arag, hadday tahay dawlad Hoose, Xukuumadda dhexe iyo Booliska midna,” sidaa waxa tidhi haweenay gurigooda ay dabayshu dhammaan Jiingadii saarnayd ka qaaday.
Dadka khasaaruhu gaadhay, waxay ku mashquulsanaayeen ururinta Jiingada ay dabayshu guryahooda ka tuurtay, waxayna dawladda ku canaanteen in aanay wax gurmad ah u fidinin.
Rasmi ahaan lama hayo inta uu leeg yahay khasaaraha ka dhashay roobkaas oo ah mid culus, isla markaana watay dabaylo, daad iyo qabow fara badan. Hase yeeshee, inta la ogyahay waxa uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee sannadkii u dambeeyay ka da’a caasimadda iyo guud ahaan Somaliland.
Dhinaca kale, hal qof ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday, mid kalena ku dhaawacmay ka dib markii Danab ku dhacay degaanka Kalabaydh oo u dhaw magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Waxa la sheegay in dhacdadaas uu ku geeriyooday marxuum Cabdinaasir Xasan Cabdi, kuna dhaawacmay Cabdiweli Kayton.
Sidoo kale, waxa la sheegay in roobab xoogan oo shalay ka da’ay degaamo ka tirsan Koonfurta gobolka Togdheer ay khasaare geysteen.
Sida uu Weriyaha Wargeyska Ogaal ee gobolka Togdheer u sheegay Taliye kuxigeenka degmada Oodweyne Mr. Jaamac Baadi Xasan, roobabkaasi waxay xoolo ku laayeen degaamada Raydab-khaatumo iyo Daba-gorayaale oo ka tirsan Oodweyne.
Courtesy: OGAAL

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking