COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, February 28, 2010

Haweenka Puntland oo codsi u jeediyay Somaliland

Boosaaso, (NNN)- Haweenka gobolka Bari ee maamul-gobolleedka Puntland, ayaa cambaareeyay dadka ku hawlan xadista caruurta.
Siday ku warantay idaacadda SBC oo fadhigeedu yahay Boosaaso, haweenka gobolkaas oo shalay kulan ku yeeshay magaaladaas, waxay eedayn u jeediyeen dad ay sheegeen inay ku hawlan yihiin sidii ay gabdhaha yaryar u xadi lahaayeen.
Guddoomiyaha ururka haweenka ee Boosaaso Maryan Maxmed Xasan (Maryan Guduudo) oo warbaahinta la hadashay waxay sheegtay in kulankoodaa ay ka soosaareen bayaan ay ku cambaaraynayaan dad ay sheegtay inay caadaysteen xadista caruurta.
Waxay sheegtay in muddooyinkii u dambeeyay dhawr caruur ah laga xadday degaamada maamul-gobolleedka Puntland ee waqooyi/bari Soomaaliya. Hase yeeshee, waxay sheegtay in dhaqamada noocaas ahi ku cusub yihiin degaamadaas.
Sidoo kale, waxay sheegtay in kulankoodaa ay kaga wadahadleen sidii looga hortegi lahaa falalka noocan oo kale ah.
Guddoomiyaha haweenka Boosaaso, waxay sheegtay inay codsi u gudbinayaan shacabka iyo dawladda Somaliland, kaasoo ay xustay inuu la xidhiidho gabdho dhalasho ahaan ka soo jeeda Puntland oo lagu haysto magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.
Waxay sheegtay inay dalbanayaan sidii gabdhahaas loogu celin lahaa degaamada ay u dhasheen ee Puntland.
Dalabkani waxa uu ka dambeeyay ka dib markii sida la sheegay gabdho laga soo xaday magaalooyinka Qardho iyo Bayla oo ka tirsan Puntland lala soo galay Somaliland.
Xigasho: Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking