COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, February 15, 2010

Budhcad-badeed lagu xukumay 15 sanno oo Xadhiga ah

Berbera, (NNN)- Maxkamadda gobolka Saaxil, ayaa xukun muddo dheer ah ku riday koox la sheegay inay ka tirsan yihiin Budhcad-baddeeda Soomaalida.
Sida uu sheegay guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Saaxil Cusmaan Ibraahim Daahir, kooxdan oo 11 nin ka kooban waxay Maxkamaddu ku xukuntay min 15 sannadood oo xadhig ah.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in kooxdan oo badhtamihii bishii December ee sannadkii aynu ka soo gudubnay ay Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ka soo qabteen meel u dhow degmada Lughaya ee gobolka Awdal, ay dacwadoodu muddo todobaad ah ka socotay Maxkamadda gobolka Saaxil ee magaalada Berbera.
Waxa uu sheegay inay xukunkaas soo saareen ka dib markii ay ku qanceen caddaymihii Maxkamadda la hor keenay, iyadoo qareen difaacayay kooxdaa Budhcad-baddeeda ah. “Maxkamadda gobolka Saaxil waxay 11-kaa nin midkiiba ku xukuntay 15 sannadood oo xadhig ah, iyadoo raacaysa qodobada Xeerka habka ciqaabta guud,” ayuu yidhi Cismaan Ibraahim Daahir.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking