COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, February 15, 2010

Shirguddoonka Golaha Wakiilada oo Qoraal u diray Madaxweyne Rayaale

Hargeysa, (NNN)- Shirguddoonka Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa qoraal ka dhan ah Wasiir ka tirsan Golaha Wasiirada u diray Madaxweyne Rayaale.
Guddi-hoosaadka Golaha Wakiilada ee dhaqaalaha iyo Maaliyadda ayaa toddobaadkii tegay ku eedeeyay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Idiris Ibraahim Cabdi uu jebiyay Dastuurka, isla markaana uu ka baxay ballan uu hore dhawr jeer u qaaday in uu fulin doono. 
 
Dhawaaqii hore ee Guddida Dhaqaalaha:
Guddidan oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Baarlamaanka ee Hargeysa, ayaa sheegay inay ilaa siddeed jeer Waraaqo u qoreen Wasiirka Xannaanada Xoolaha, isla markaana uu ka baxay ballamo uu isagu qaar ka mid ah codsaday in waqti loo qabto. “Wasiirka Xannaanada Xoolaha ayaanu u yeedhnay, si aanu wax uga ogaano hawlo ku saabsan Maxjarka Berbera Lacagta laga qaado dadku halkay marto iyo Heshiiska Maxjarka. Sababtoo ah, in heshiiska Al-Jaabiri iyo Xukumadda u dhaxeeya umaddu wax ka ogaato xaq bay u leedahay.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha guddi-hoosaadka Maxamed X. Maxamuud Cumar-Xaashi oo ka mid ahaa mudanayaasha halkaa ka hadlay. “Ilaa siddeed Waraaqood ayaanu u qornay, lamana hayo oo nooma iman, wax isbedelay mooyaane wuxuu warqaddii u dambaysay ku soo qoray 10:00 subaxnimo ayaan imanayaa, wax war ah oo dambena kama hayno.” Ayuu intaa raaciyay Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha Golaha Wakiilada.
Qoraalka Shirguddoonku u diray M/weyne Rayaale:
Inkasta oo aanu Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Idiris Cabdi Ibraahim ka hor xaadirin Golahaas, isla markaana dhawaanahan booasho ku joogo Gobolka Saaxil, haddana Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiilada waqtigan, ahna guddoomiye-xigeenka 2aad ee Golahaas Baashe Maxamed Faarax, ayaa qoraal u diray Madaxweyne Rayaale, kaas oo uu kaga dalbanayo in uu Wasiirkiisa ku amro in uu hor yimaaddo Golahaas.
Qoraalka uu Guddoomiye-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladu u diray Madaxweyne oo ku taariikhaysan 13/2/2010, isla markaana uu nuqul ka mid ah Wargeyska Ogaal helay, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Mudane Madaxweyne, Anigoo tixraacaya dhammaan Qoraallo rasmi ah oo tiradoodu dhamayd siddeed Warqadood oo ka bilaabmaya 31/01/2010 ilaa 10/02/2010 iyo Warqadda Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee tirsigeedu yahay GW/G/19/237/2009.
Anigoo ka duulaya sida ku cad Qodobka Distoorka ee 53aad xubinta 6aad iyo 7aad ee qeexaya awoodda Guddiyada Golahu u leeyihiin u-yeedhista Masuuliyiinta Qaran, iyagoo wax ka waydiinaya gudashada xilkooda iyo qodobka 45aad ee Distoorka xubintiisa 5aad ee si cad u qeexaya Wasiirada iyo Wasiir-ku-xigeennada haddii qoraal guddi ama Gole lagaga codsado kulan shaqo in ay waajib ku tahay ka soo qayb-galka kulanka laga codsaday.
Haddaba, waxa muuqata in uu ka dhego adaygay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Mudane Idiris Ibraahim Cabdi, dhammaan u-yeedhista guddida Dhaaalaha Golaha Wakilada iyo yeedhmadii uu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu ugu yeedhay Wasiirka, taas oo qaadatay muddo ku dhaw saddex bilood.
Sidaa darteed, Mudane Madaxweyne waxaanu kaa dalbanaynaa mar labaad in Wasiirku hor yimaaddo Guddida Dhaqaalaha, si wax looga waydiiyo arrimo la xidhiidha Ganacsiga Xoolaha iyo Takaaliifta Lacageed ee laga qaado Xoolaha.”
Gebo-gebo:
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Rayaale ayaa la filayaa in uu jawaab ka bixiyo Qoraalka Guddoomiye-xigeenka 2aad ee Wakiiladu u gudbiyay.
Xigasho: Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking