COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, February 13, 2010

Xubno ka tirsn Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo shil Baabuur ku dhaawacmay

Burco(NNN)- Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa ku dhaawacmay shil baabuur oo ka dhacay duleedka magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Sida uu xalay Wargeyska Ogaal u xaqiijiyay Cabdifataax Ibraahim Sh. Xassan oo ka mid ah todobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland, waxa shilkaas ku dhaawacmay Guddoomiye kuxigeenka Komishanka 
 
Cali-Khadar Xassan Cusmaan (Cali-Kubad), Raabi Shariif Maxamed oo ka mid ah xubnaha Guddiga iyo Hinda Maxamed Jaamac oo ah madaxa shaqaalaha hay’adda Komishanka Doorashooyinka Qaranka. “Waxay ahayd ilaa 9:00 habeenimo (xalay), waxayna sii gelayeen Burco, waxaana la rogmaday gaadhiga ay wateen,” ayuu yidhi Cabdifataax Ibraahim Sheekh.
Mar la waydiiyay inta uu le’eg yahay dhaawaca xubnahaa soo gaadhay, waxa uu ku jawaabay; “Inanta Lugta ayay wax ka soo gaadheen, labada xubnood ee Komishankana jug baa soo gaadhay. Markaa wax ku soo bixi doona mooyee, hadda way fiican yihiin, imikana (10:00 habeenimo ee xalay) Cusbatalka ayaanu ka soo saaray.”
Dhinaca kale, Agaasimaha Cusbatalka Burco Iid Maxamed Cali ayaa weriyaha Wargeyska Ogaal uga soo warama gobolka Togdheer u sheegay, in dhaawaca soo gaadhay xubnahaa Komishanka ka tirsani yahay mid fudud.
Shilkaasi waxa uu ka dambeeyay ka dib markii xubnaha Komishanku shalay kormeer ugu baxeen gobollada dalka, si ay u dardar geliyaan hawsha doorashada Madaxtooyada Somaliland oo dhawr jeer dib-u-dhac ku yimi.
Xigasho: Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking