COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, February 27, 2010

Dawladda Soomaaliya oo Somaliland uga digay Weeraro kaga yimaadda Al-Shabaab



Muqdisho (NNN)- Wasiiru-dawlaha Gaashaandhigga ee Dawladda Shariif Sh. Axmed ee Soomaaliya Yuusuf Maxamed Siyaad (Indho-cadde), ayaa Dawladda iyo Shacabka Somaliand uga digay khataraha iyo Weeraro kaga yimaadda Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallama Koonfurta Soomaaliya. Waxaanu baaq u jeediyay Shacabka, Dawladda iyo Axsaabta Somaliland.

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indho-Cadde) oo hore uga mid ahaa masuuliyiintii Maxkamadihii Islaamiga ahaa, isla markaana ku biiray Dawladda Shariifka ee Soomaaliya, ayaa mar uu shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, wuxuu kaga hadlay xaaladaha amni ee Maamul-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya oo uu sheegay in Miinooyin ay dhawaan soo bandhigeen Maamul-gobolleedkaasi ahaayeen kuwa ay Al-Shabaab gacanta ku sameeyaan. Waxaanu Dawladda Somalialnd iyo Maamul-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya u jeediyay inay meel uga soo wada-jeestaan ilaalinta amnigooda. “Waxaan arkayay Puntland Miino kuwa gacanta lagu sameeyo ah oo ay soo bandhigeen oo ay qabteen, runtii waa Calaamada lagu yaqaano nimankan (Al-Shabaab) oo ay isticmaalaan, oo ah la-dagaallan nabadeed. Dawladda Somaliland iyo Maamul-gobolleedka Puntland waxaan ku baraarujinayaa nimankaasi (Al-Shabaab) waa niman farsamo badan, mar qabiil bay u dhex galayaa, mar Culimo ayay u dhex galayaan, mar Siyaasad ahaan ayay u dhex galaan. Marba meesha ay isleeyihiin waad ku gabban kartaan, ayay u dhex galayaan. Markaa waxaan u soo jeedinayaa inay amnigoodameel uga soo wada jeestaan oo ay adkaystaan amnigooda.” Ayuu yidhi Indho-cadde.
Yuusuf Maxamed Siyaad (Indho-cadde) ayaa mar uu ka hadlayay arrimaha Somaliland, wuxuu Somaliland ku ammaanay ka-hortagga falal la doonayay in Qaraxyo lagaga fuliyo Somaliland, balse ay Ciidamada ammaanka oo kaashanaya Shacabku fashiliyeen. Waxaanu ugu baaqay in aan cadowga Somalialnd ka faa’iidaysan Doorashooyinka soo socda ee loo dhug yeesho. “Dadka reer Somaliland, Dawladda Somalialnd iyo Axsaabta Mucaaradka ah ee Somaliland intaba waxaan kula dardaarmayaa inay si dhab ah amnigooda u ilaashadaan oo aan laga faa’iidaysan Doorashooyinkaas, kuna waano qaataan waxa ka socda Koonfurta Soomaaliya ee mar Diin galay, mar Qabiil galay, mar dan shaqsi ah galay, markii dambena meel laga qabo la la’yahay oo aad u jeeddaan halka uu marayo, in aad ku waano-qaadataan ayaan idiin soo jeedinayaa.” Ayuu yidhi Indho-cadde.
Waa markii ugu horraysay ee Masuul sare oo ka tirsan Dawladda Shariif Sh. Axmed digniin iyo baaq la xidhiidha arrimaha amniga oo heerkan gaadhsiisan u soo jeediyo Dawladda, Shacabka iyo Axsaabta Siyaasadda ee Somaliland.
Xigasho: Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking