COMING SOON......Radio Nasiib

Thursday, February 25, 2010

KULMIYE iyo UCID oo si kala fog uga hadlay tallaabo Komishanka Doorashadu ku hawlan yahay

Hargeysa (NNN)- Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland ee KULMIYE iyo UCID, ayaa si kala fog uga hadlay in kaadhadh cusub lagu galo codbixinta doorashada raagtay ee Madaxtooyada.
Siday shalay faafisay laanta afka Soomaaliga ee VOA, Komishanka doorashooyinku waxay haatan ku hawlan yihiin inay soo daabacaan kaadhadh cusub oo aan ahayn kuwii Diiwaangelinta, si xal loogu helo khaladaadkii hadheeyay isdiiwaangelintii horaantii sannadkii aynu ka soo gudubnay la soo gebogabeeyay.

Siday idaacaddu sheegtay kharashka ku baxaya daabacaada kaadhadhkan cusub ee lagu bedelayo kuwii diiwaangelinta, waxa 80% balanqaaday daneeyayaasha caalamiga ah ee gacanta ka geysta geedi-socodka Dimoqraadiyadda Somaliland, halka 20%-ka kalena ay dawladdu bixin doonto, iyadoo arrintani ka dambaysay ka dib markii heshiis arrintaa ku saabsan uu guddoomiyaha Komishanku laba todobaad ka hor u tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Hase yeeshee, xisbiga Mucaaradka ee KULMIYE, waxa uu nasiib-daro ku tilmaamay in dhinacyada ay khusaysaa warbaahinta ka maqlaan arrintaas, halka xisbiga UCID-na uu sheegay inay taageersan yihiin talaabada Komishanka.
Jawaabta KULMIYE:
Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Mr. Kayse Xasan Cige oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay siday u arkaan in kaadhadh cusub lagu galo doorashada dhawrka jeer dib-u-dhacu ku yimi ee Madaxtooyada, waxa uu sheegay aanay Komishanku la socodsiinin. “Arrintan oo aan maanta (shalay) maqlayay waa arrin soo korodhay,” ayuu yidhi. “Arrintan marka heshiiska laga hadlayo waa laga hadlaa oo waa la soo qaadaa, laakiin arrin laga wadahadlay oo xisbiyadu intay soo wada fadhiisteen ay ka doodeen oo meel la isla dhigay maaha. Midda labaad, annagu dhinacyada ay khusaysay baanu nahay, marka wax la soo jeedinayo ama wixii hindise ah in aanu wax ku yeelanana waa muhiim….Haba yaraatee, wax kaadhadh daabacaadood ku saabsan oo nala ogaysiiyay oo aanu ka war qabnaa ma jirto,” ayuu raaciyay. “Arrimuhu way kala horeeyaane, marka hore waa in aanu wax ka ogaano, fikirkayagana aanu ka dhiibano wixii ka iman kara….Waxaad moodaa inay laba arrimood ku laaban yihiin arrintan; midda koowaad, waxa jira wax waqtiga oo is guraya oo waynu ogayn oo waxa laga cararayay waqtiga ayuu ahaa, Xukuumadda maanta joogtaana waxay ku fadhidaa waa heshiiskaa lixda qodob, balse Xukuumad doorasho ku fadhida maaha. Markaa maadaama ay saddex jeer/afar jeer dib u dhacday, in doorashada waqtiga ugu horeeya la fuliyaa waa lagama maarmaan. Laakiin, arrintani waxay keenaysaa marka la yidhaahdo hala sameeyo kaadhadh cusub waxay keenaysaa in waqtigu dheeraado,” ayuu yidhi Mr. Kayse Xasan Cige.
Waxa uu sheegay inay adagtahay in la qaybiyo kaadhadh cusub, lana ogaysiiyo dadka reer guuraaga ah ee reer Somaliland ee u hayaamay deegaamada fogfog. “Komishanka ceeb bay ku tahay in iyado aanay xisbiyada soo horfhafiisan oo aanay haa iyo maya mid ka odhan, in xisbiyadu ay arrintaa warbaahinta ka maqlaan. Annagu waxaanu aaminsanahay in dhinacyada ay khusaysaa ay miiska wada yimaadaan, lana eego maxaa ka iman kara?,” ayuu yidhi Xoghayuhu. Wuxuuna intaa ku daray, in arrintan oo ku cusub awgeed, aanay xisbi ahaan iyo guud ahaan axsaabtu kulan ka yeelan, maadaama aanay Komishanku la socodsiinin.
Jawaabta UCID:
Inkastoo xisbiga KULMIYE ka diday talaabada la sheegay in Komishanka Doorashooyinku ku hawlan yihiin, haddana xisbiga UCID wuu soo dhaweeyay. “Arrinkaasi waa mid farsamo ku yimi, Komishankuna iyagaa u xilsaaran,” sidaana waxa yidhi Afhayeenka xisbiga UCID Xasan Xusseen Codyare oo xalay u waramay Wargeyska Ogaal. “Waa arrin ay xaq u leeyihiin, horena way noola socodsiiyeen, wixii farsamo ah iyagaa u xilsaaran, waananu taageersanahay arrintaas,” ayuu raaciyay. “Way noo sheegeen (Komishanku), waana arrin farsamo,” ayuu yidhi Afhayeenka oo la sii waydiiyay in Komishanku ku wargeliyeen talaabada la sheegay inay qorshaynayaan.
Waxa uu sheegay in Komishanka iyo Axsaabtu xidhiidh leeyihiin, isla markaana ay talada wada leeyihiin oo aanay kala war la’ayn. “Arrinkaasi waa mid kala soocaya wixii khaldamay (diiwaangelinta) iyo wixii sax noqday, waayo kaadhkii hore haddii lala wada yimaado, labadii qof maxaa lagu kala saarayaa?....Waanu soo dhawaynaynaa wax kasta oo maanta suurtogelinaya doorasho xor oo xalaal ah qabsoomideeda,” ayuu raaciyay Mr. Codyare.
Waxa uu sheegay in aanay waqti culus ku keena hawsha doorashada qaadan doonin qaybinta kaadhadhka cusub, isla markaana la siin doono uun sidii sida saxda ah isu diiwaangelisay.
Xigasho: Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking