COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, February 15, 2010

Puntland oo magaca Siyaad Barre u bixinaya goobo ka mid ah Deegaannadooda

Garowe, 15 Feb, 2010 (Ogaal)- Maamul-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa la sheegay inay go’aansadeen in meelo ka mid ah Deegaannada Maamul-gobolleedkaas loogu magac-darro Madaxweynihii kali-taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre.
Inkasta oo aanay si rasmi ah uga hadal Maamul-gobolleedkaasi arrintan, haddana siday Wargeyska Ogaal u xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-ogaal ahi, Maamul-gobolleedka Puntland 
ayaa go’aamiyay in ay ugu magac-daraan oo ay u bixiyaan Magaca Madaxweynihii kali-taliska ahaa ee soo maray Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Dekedda Boosaaso, Jidka isku xidha magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe oo dhererkiisa lagu qiyaasay 460-km. isla markaana dhismihiisa la dhammaystiray sanadkii 1989-kii oo sanad kaliya ay ka hadhsanayd guud ahaanba burburkii Taliskii Siyaad Barre.
Si rasmi ah looma shaacinin arrintan iyo sababta keentay, haddana warku wuxuu intaa ku daray in goobahan loogu magac-darayo Siyaad Barre ay yihiin goobo meel muhiim ah kaga jira dhaqaalaha Maamul-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking