COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, February 28, 2010

Axmed-Siilaanyo oo xidhiidh la sameeyay M/weyne kuxigeenka oo Cusbatal ku jira

Hargeysa, (NNN)- Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa sheegay in guddoomiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu xidhiidh khadka telefoonka ah la sameeyay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo hadda ku jira Cusbatal ku yaala dalka Faransiiska.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kooban oo uu wadahadalkaa ka soo saaray Xoghayaha KULMIYE Mr. Kayse Xasan Cige, Madaxweyne kuxigeenku waxa uu guddoomiyaha u xaqiijiyay in hadda xaaladiisa Caafimaad wanaagsan tahay.
 
Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan; “Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu maanta taleefan kula hadlay M/weyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo hadda socdaal caafimaad ku jooga Dalka Faransiiska, wuxuuna ka waraystay xaaladiisa caafimaad.
Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu uga waramay Mudane Axmed Siilaanyo xaaladiisa caafimaad, wuxuuna u xaqiijiyey inuu aad iyo aad u wanaagsan yahay.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu isaga oo ku hadlaaya magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo taageerayaashaba u gudbiyey M/weyne ku xigeenka salaan, waxaana uu ILLAAHAY uga baryey inuu caafimaad sareecanna siiyo.
Mudane Axmed Siilaanyo waxa uu u rajaayey M/weyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin inuu ku soo laabto dalkiisa Hooyo isaga oo caafimaad qaba, si uu u sii wato hawshii uu Qaranka u hayey.”
Xigasho: Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking