COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, February 8, 2010

Tirada dhimashada Tahriibayaal ku soo caaryay xeebta Sanaag oo kordhay

Ceerigaabo (NNN)Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay, ka dib markii Laash ay saarnaayeen kula soo caaryay xeebaha gobolka Sanaag ee Bariga Somaliland.
Sida uu Wargeyska Ogaal u sheegay madaxa laanta Socdaalka ee gobolka Sanaag Saciid Cige Maxamed, dadkaa dhintay waxay ka mid ahaayeen 110 Tahriibayaal ah oo Doon ka raacay xeebaha Puntland, kuwaasoo Laashkii ay wateen markii uu xumaaday kula soo caaryay xeebta tuulada Waqdariya oo 25 Km Galbeed ka xigta degmada Laasqorey.
Waxa uu sheegay inay haatan xaaladoodu liidato ilaa 70 qof oo ka mid ah Tahriibayaashaas oo Itoobiyaan u badan, isla markaana la la’yahay ilaa 30 kale, kuwaasoo ku sii jeeday dalka Yemen. “Waxa la xumaaday Laashkii ay wateen, waxayna ku soo caaryeen xeebta Waqdariya,” ayuu yidhi. “Dadkani waa Itoobiyaan. Xog badan kama hayno, mana ogin inta maalmood ee ay Doonta dulsaarnaayeen, laakiin Tahriibayaashu waxay noo sheegeen inay ku socdeen Yemen, kana yimaadeen Boosaaso,” ayuu raaciyay Siciid Cige oo xalay khadka telefoonka ugu waramay Wargeyska Ogaal.
Waxa uu sheegay in xaalada dadkaa ay haatan Ciidanka Xeebuhu ku hayaan Waqdariya ay la socodsiiyeen hay’addaha gargaarka degdega ah ee gobolkaa ku sugan. “Waxay u baahan yihiin gargaar degdeg ah, waxaana dhici karta in khasaaraha dhimashadu sii kordho. Waxaanu ku wargelinay hay’adda Bisha Cas ee Ceerigaabo oo noo sheegay inay u baxayaan degaankaas,” ayuu yidhi Madaxa laanta Socdaalka gobolka Sanaag. “Waxay ahaayeen 110, ilaa todobaatan waa la hayaa, kuwii dhintay waa la aasay, intii kalena baadi-doonkoodaa lagu jiraa,” ayuu raaciyay. “Inta la hayo, waxa ku jira qof keliya oo Soomaali ah,” ayuu yidhi Mr. Siciid Cige.
Tahriibayaasha ka socdaalada xeebaha Puntland oo Doonyo liita ka raaca Boosaaso, intooda badana u socdaala Yemen iyo Sucuudiga, waxay la kulmaan dhibaatooyin galaafta ama halis geliya naftooda.
Source: Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking