COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, February 13, 2010

Khasaaraha Baabuur ay saarnaayeen Masuuliyiin UCID ah oo ku rogmaday Borama

Borama (NNN)- Gaadhi ay saarnaayeen masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa shalay ku rogmaday Dooxa Qoor-gaabeed ee duleedka Magaalada Borama ee xarunta Gobolka Awdal.
Masuuliyiintan uu Gaadhigu la qallibmay shalay Duhurkii oo sida la sheegay hawlo kormeer ah ku marayay Xafiisyadooda Degmada Borama, ayay ka mid ahaayeen Afhayeenka Xisbiga UCID Xasan Xuseen Codyare, xidhiidhiyaha Gobollada Awdal iyo Salal ee Xisbigaas ee dhinaca Doorashooyinka iyo Maxamuud Xuseen Codyare.
Afhayeenka Xisbigaas oo u waramay qaar ka mid ah Suxufiyiin goobta gaadhigu ku dhacay gaadhay, ayaa ka sheegay in shilkaas aanay cidi wax ku noqon ee ay dhammaantood ka badbaadeen dadkii saarnaa, balse isaga dhaawac gaadhay. “Waxay ahayd 11:30-kii duhurnimo, waxaanu maraynay dalcadda Gorayo-cawl marka uu Gaadhigu nala dhacay. Ilaahay wuu naga badbaadiyay, saraakiishii saarnaa Gaadhigana dhammaantood way wada caafimaad qabaan, marka laga reebo Aniga oo ka dhaawacmay Gacanta.” Ayuu yidhi Xasan Xuseen Codyare oo u waramay Wargeyska Ogaal. Waxaanu sheegay in ay kormeer ku marayeen Xafiisyadooda, maadaama lagu talo-galsan yahay Doorashooyin dalka ka dhaca.
Mar aanu waydiinay sida uu dhaawacu u gaadhay iyo waxa uu qabo, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Waxa dhaawacu iga soo gaadhay Gacanta bidix, gaar ahaan inta u dhaxaysa Suxulka ilaa Faraha. Dhaawaca I soo gaadhayna wuxuu isugu jiraa, cad-go’, barar iyo jeexjeexyo.”
Xidhiidhiyaha Gobollada Awdal iyo Salal ee dhinaca Doorashooyinka u qaabilsan UCID Axmed Muumin Seed oo Gaadhiga rogmaday waday, ayaa sheegay in Baabuurku qallibmay markii Biriigga Gaadhigu shaqayn waayay.
Masuuliyiintani waxay mahad-naq u jeediyeen masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Borama iyo garabka dhalinyarta ee Xisbigaas oo u gurmaday ka dib markii uu Shilku dhacay.
Xigasho: Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking