COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, February 8, 2010

Shirguddoonka Guurtida oo shaaciyay waqtiga ay soo af-jaryaan khilaafkii u dhaxeeyay

Hargeysa, 08 Feb, 2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii u horraysay shaaciyay waqtiga ay rasmiyan heshiis buuxa ka gaadhayaan khilaafkii kala qaybiyay Golahaas.
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud waxa uu arrintan kaga hadlay Fadhigii shalay ee Golaha Guurtida oo uu guddoominayay, waxaanu sheegay in khilaafkii u dhaxeeyay Shirguddoon ahaan ay soo af-jarayaan, isla markaana waxay isla gartaan ay Golaha horkeeni doonaan.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in maadaama dhinacooda khilaafku ka yimi ay tahay in ay xal keenaan. “Wixii dhibaatooyin ah ee dhex yaalay golaha, waxaad mooddaa in Goluhu Anaga (Shirgudoonka) nagu soo riixay, mar haddii aad leedihiin idinkiiba is-hayee xal noo keena, waxaan ka idhaahdaa ma jiraan. Haddii aanu eedaysaneyaal noqonay waa inaanu anagu xalkii keenaa.” Ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan oo ka hadlayay fadhigii shalay ee Golahaas. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Mudadaba Arrintani way jiitameysay kolay shan todobaad way tahay sadex aan joogay iyo laba aan maqnaaba. Waxaan leeyahay wixii aanu xal u aragno waxaanu isla qaadanay inaanu u gondo-degno, taayada (Shirgudoonka) ta golaha ayaa ka weyn. In kasta oo aad iska soo dudeen (leexiseen), haddana Goluhu waa qeybsan yahay, markaa waxaan odhan lahaa ducaysanay oo wax wada cunay, kuna faataxasanay.”
Saleebaan Maxamuud waxa uu ka hadlay muddada ay Shirguddoon ahaan xal ka gaadhayaan khilaafka oo ay soo af-jarayaan. “Xeerka xakamaynta hubka fudud waanagii sabtidii idiin qeybinay sidii caadadu ahaan jirtay xeerka maanta laga bilaabo 48 saacadood ku soo darsa. Anaguna 48 kaasi saacadood arrinta khilaafka waa inaanu ka keenaa wixii xal ah Isniinta iyo Salaasada waynu kala maqnaanaynaa oo Arbacada ayaynu isku imanaynaa. Goluhuna hawshiisa ha wato, Anaguna Shirgudoon ahaan waa inaanu wixii aad na farteen galnaa oo keenaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Intaa ka dib, mudanayaal uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo halkaa hadallo ka jeediyay, ayaa isaga oo dhawaaqaya hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “Waxaanu ku cel-celinay waar khilaaf kale nama hayo oo sadexdiinaasi (Shirguddoonka) haddii aad soo midowdaan, Goluhuna wuu midoobayaa. Ilmaadeerayaaloow haddii aydaan midoobayn, waxaad na tidhaahdaan Saddex kale (Shirguddoon kale) keena, Golahan ayaananu soo dhex fadhiisanaynaa. Khilaafka waxa ka wayn Golaha’e yaanu inaga burburin.”
Source: Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking