COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, February 15, 2010

Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo shaaciyay sababta uu u hortegi waayay Guddida dhaqaalaha ee G.Wakiilada

Berbera, (NNN)- Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Idiris Ibraahim Cabdi, ayaa jawaab ka bixiyay sababta uu u diiday inuu hortago guddi-hoosaadka dhaqaalaha ee golaha Wakiillada.
Guddiga Dhaqaalaha iyo maaliyadda ee golaha Wakiillada oo todobaadkii hore warbaahinta la hadlay, waxay sheegeen in Wasiirka Xanaanada Xooluhu diiday inuu guddigooda hor yimaado, si ay wax uga waydiiyaan Maxjarka Berbera, heshiiska Xukuumadda iyo ganacsadaha Carbeed ee Al-Jaabiri iyo qodobo kale, waxayna ku eedeeyeen inuu lacago aan sharci ahayn ka qaado Xoolaha Berbera ka dhoofa, isla markaana uu dano gaar ah iyo ganacsi ku hawlan yahay.
Hase yeeshee, Wasiir Idiris Ibraahim oo haatan socdaal ku jooga magaalo-dekeddeeda Berbera, waxa uu sheegay in heshiiska Al-Jaabiri iyo Xukuumaddu yahay mid qarsoodi ah oo aan loo baahnayn in wax laga sheego, isla markaana uu burayo haddii goleyaasha qaranku ka wadahadlaan, Saxaafadduna wax ka qorto. "Waxaan doonayaa inaan jawaab ka bixiyo hadalkii guddida dhaqaalaha, anigu uma jeedo golaha sharafta leh oo dhan; uma jeedo guddida dhaqaalaha oo dhan, rag aanu saaxbiibo nahay oo sharaf leh ayaa ku jira, laakiin waxaan u jeedaa xubno ka mid ah oo aad moodaysay in Geel laga dhacay siday u hadlayeen, siday gacmaha u taagtaagayeen, kelmedo aan laysku caayinba afka soo marinayay - wax aan nin masuul ah afkiisa ka soo bixin raggii ku hadlayay waad maqlayseen,” ayuu yidhi Wasiirka oo habeenimadii 13-kii bishan aynu ku jiro ka hadlayay munaasibad loo sameeyay koob loo dhigay kooxaha ciyaaraha Berbera, looguna magacdaray Maxjarka magaaladaas, siday faafisay shabakadda wararka Internet-ka ee Berberanews. “Waxaa yaab leh raggaasi sidii loo doortay in aanay Berbera iman, iyadoo qaarkood halkan laga doortay, aanay odhan bal Maxjarku siduu u shaqeeyo aan soo eegno, dabadeedna aynu wax ka sheegno. Waxay aad ugu celceliyeen ‘waraaqo badan baanu Wasiirka u qornay oo wuu na diiday,’ caawa (habeenimadii 13 bishan) ayaan halkan ka cadaynayaa oo maan diidin, Distoorka qaranka ee igu waajibinayana ma diidayo, laakiin xubnaha guddida dhaqaalaha waxa ka khaldan hawlaha ay u xil saaranyihiin. Aniga waxay i waydiinayaan qaddiyad maxali ah (local) maaha, maaha miisaaniyaddii Somaliland, aniga waxay iigu yeedhayaan waxa weeye; heshiisyo aanu la galay dawladdo caalami ah. Markii heshiiskaas lala gelayay shirkadaha maynu haysan damaanad, dawlad la ictiraafsanyahayna maynu ahayn, bangiyo caalamka ah oo ina damiintana waa la waayay. Haddaba, sidee lagu keenay ninkan (Al-jaabiri) wadanka?,” ayuu raaciyay.
Dr. Idiris Ibraahim Cabdi waxa uu sheegay in sidoo kale heshiiska Xukuumadda Rayaale la gashay ganacsadaha ajaanibka ah ee Al-Jaabiri uu ku burayo haddii goleyaasha qaranku ka wadahadlaan waxyaabo heshiiskaa ka mid ah. “Markii aan waraaq u qoray guddida dhaqaalaha ee an ku idhi 'saaxiibayaal hawl degdeg ah ayaan leeyahay oo muddo intaas ah ayaan u baahanahay' ee ay i siiyeen oo ay iga aqbaleen, tii labaad anigu maan arag sideeda warqadood ee uu sheegay guddoomiyaha guddida dhaqaaluhu, mana aha wax jira.
Waan uga jawaabay tii labaad oo waxaan ku idhi 'maalinta Salaasada ayaan u imanayaa, anigoo markaa runtii aad uga walaac qaba inaan u tago, waayo wixii lagu wadahadlayo ee laba gole ku wadahadlayaan ee heshiiskii burayo haddii waxyaabaha qaar la sheego, markaan u tagona ay berito (maalinta kulanka xiga) qorayso saxaafaddu wixii aanu ku wadahadalnay, taasina waa mid ka hor imanaysa heshiisyadii qarankuna galay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan is idhi wixii aad qarin karto qari intii awoodaada ah. Waxa dhacday maalintaa Salaasada ahayd ee aan la ballansanaa laba cisho ka hor inay u yeedheen qolo Dhakhaatiir ah oo suuqa iska jooga oo baagga-muudo ah oo aan hawshii shaqo ku lahayn, kana waraysteen hawlaha Maxjarka, subaxiiba warqaddii aan u qoray ee aan ku cadaynayay Salaasada 10-ka inaan u imanayo oo aan ka codsaday shirkaa Saxaafaddu inay ka maqnaato, anigoo u sheegay inay waraysigayaga ku jirto waxyaabo badan oo qarsoodi ah,” ayuu yidhi.
Wasiirku waxa uu intaa ku daray in warqad uu balantooda ku cayimay ay guddiga Dhaqaaluhu u gudbiyeen warbaahinta qaarkood, sidaa darteedna uu Shirguddoonka golaha Telefoon uga sheegay in aanu fulin doonin ballankii ay ku kulmi lahaayeen guddiga. “Dabadeedna, waxan is idhi 'waar ma nimanka warqadii aad u dirtay liigitaan ku sammeeyey ee u diray Joornaal, ayaa waxyaabo waaweyn iyo heshiisyo aad la gashay shirkado ayaad hor dhigi, taas ayuu runtii baquhu noqday. Dabadeedna, markaan aray siday wax yihiin Shirguddoonka ninka Baashe la yidhaahdo (guddoomiye kuxigeenka 2aad) ayaan la hadlay, waxaan ku idhi, ‘ma imanayo shirkii Salaasadda, sababta aan u iman waayayna waxa weeye, dee warqadii yarayd ee ballanta Salaasadda ayaaba ku qoran joornaalka," ayuu yidhi Idiris Ibraahim Cabdi.
Xigasho: Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking