COMING SOON......Radio Nasiib

Sunday, February 21, 2010

Munaasibadda Maalintii Dhalinyarada Somaliland oo isu rogtay goob ay Xisbiyadu isku weerareen

Hargeysa, (NNN) - Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland, ayaa madal ay isku haleeleen isku waydaarsaday ereyo siyaasadeed qaawan, kuwaas oo u kala saftay Mucaaradka oo isku dhinac ah iyo Xisbiga UDUB oo dhinac ah.
Axsaabta Mucaaradka ah ee KULMIYE iyo UCID, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo Xisbiga UDUB ku eedeeyay masuuliyadda tahriibta dhalinyarta iyo fadhiidnimo, taas oo ay jawaab ka bixiyeen Xisbiga UDUB.
 
Hoggaanka sare ee Axsaabta Siyaasadda oo shalay ay kulmisay munaasibad loo qabtay xuska 28-guurada ka soo wareegtay maalintii Dhagax-tuurka Hargeysa ee 20 February 1982, ayaa inkasta oo ay qaban-qaabiyayaasha Munaasibaddaas oo ahayd Dallada Dhalinyarada SONYO ay ka afeefteen in aan madasha lagaga hadal wax siyaasiyad ah, haddana ku-simaha Guddoomiyaha, ahna guddoomiye-xigeenka Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf), ayaa Xisbiga UDUB ku eedeeyay masuuliyadda tahriibta Dhalinyarada, isla markaana wuxuu ugu baaqay dhalinyarada in aanay tahriibin oo ay Xisbiga UDUB iska tagayaan. “Waxaynu iswaydiinaynaa dhalinyaradu waa cududda maanta dalkani uu leeyahay, waa halgankii kuwii hore iyo ka maanta taaganba mar walba u darban ee ah xoogga kaliya ee aynu maanta ku faani karno ee ka midho-dhalin kara isbadelkaa aynu doonayno insha alla si dhakhso ah u hirgalaya. Waxaan leeyahay dhalinayarada iyo kuwa tahriibayba UDUB way tagaysaaye, yaan la tahriibin dhalinyarooy.” Ayuu yidhi Md. Waqaf, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaa leeyahay maanta 60% waa dhalinyaro dadweynaheena maantu, dhalinyaradaasi waxaan leeyahay barnaamij ku doorta cidda mustaqbalkiina hagaysa..waxaan leeyahay astaantaa aad ku sifaysan tihiin ha ku badelina quud qaran laga leeyahay oo maalina Qaad, Qabyaalad, Qoqob, iyo kala-qaybin. Wadajir iyo midnimo ayaa dhalinyarooy wax ku badeli kartaan, taasaynu wax ku noqon karnaa. Iska ilaaliya cidda qaladka wadata ee idin kala qaybinaysa ee cududdiina doonaysa inay ku kala qaybiso si ay ugu sii nagaado ama ay uga dhaadhiciso afkaar aan idin anfacayn idinka.” Waxaanu aad ugu dheeraaday muhiimadda maalintan iyo kaalinta dhalinyarada ee dalka.
Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa halkaa lagu soo dhaweeyay, hase ahaatee dadkii ku sugnaa barxadda Beerta Xorriyadda ee xuskaa ka qayb galay, ayaa qaylo, Foodhi iyo sawaxan isla oogsaday, taas oo ay ku cabbirayeen sida ay uga horjeedaan Xoghayaha guud iyo khudbaddiisa. Kuwaas oo marka uu hadalladiisa ku soo daro waxqabadyada Xukuumaddana, ay kaga jawaabayeen ereyo ay nuxur ahaan ula jeedeen beenayn la xidhiidha hadalladiisa. Hase yeeshee, taa bedelkeeda wuxuu ereyo is-difaacid ah kala hortegay eedaymihii Axsaabta Mucaaradka ah, isaga oo sheegay in Xukuumaddu wax qabatay. “Maanta waxaan moodayey inay ahayd maalin la xusuusanayo taariikhdaa caamka ah ee qaran, maan moodayn in laga dhigayo taariikh yooyootan laga sameeyo halkan, taariikh been ah oo aan ognahay inaanay soconaynin halkan lagaga dhawaaqo maan filayn inay noqoto. Maan filayn inay ragga qaarkood ee u tartamaya mansabkan sare ee wadanka inay waxyaalaha qaarkood ee is-xag-xagashada ah, ee afxumada ah ee ay barnaamij ka dhigteen, inay halkan la imanayaan. Waxaan leeyahay anagu ku habsaami mayno fikradaha noocaasoo kale ah iyo kuwa inkiraadda ku fadhiya. Anagu ku habsaami mayno fikradaha colaad-adeegga ah ee durbaanka colaadda abuuraya, dadka dadkan ku dhufo, Xisbigan xisbigan ku dhufo, beesha-beeshan ku dhufo, qolada-qoladan ku dhufo iyo tolaayeey anagu ku hadaaqi mayno xaasha’a lilaahi anaga illaahay sidaa wuu naga saraysiiyey.” Ayuu yidhi Xoghayaha guud ee UDUB. Waxaanu ammaan u jeediyay Xisbigooda. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Maaha in halkan lagu maaweeliyo dadka waxaanu ognahay in dhalinyaradu horyaalkii halganka yihiin, waxaanu ognahay inay dhalinayaradu tahay ubaxii ummada, waxaanu ognahay in loo baahan yahay in la shaqo geeyo, waxaanu ognahay in mustaqbalkooda la wanaajiyo, waxaanu ognahay in wadankeenu qani yahay.”
Xoghayaha guud ee UDUB waxa uu dhalinyarta u jeediyay inay dhibta dalka taal u adkaystaan, isaga oo Golaha Wakiilada ku eedeeyay inay ansixin waayeen ansixinta taariikh ka dhigista xuskan. “Waxa weeyaan taariikh aad mudan in la xuso waana la xusayaa nidaamkeediina waa lagu jiraa, golaha wakiilada oo aan ognahay inay (majority) inta ugu badan ay xisbiyada mucaaradku leeyihiin inay ansixiyaan, oo nidaamiyaanbaa iyagana laga sugayaa wakhtigeeda marka ay gaadho.” Ayuu yidhi. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Siyaasadaha sidaa dhiirinaya ee odhanaya shicib iyo dhalinyarooy halkan waxba idiinma yaalaan, waxba la idiin qaban maayo, waxba la idiin ma soo wado, uma qalano aqoonsi, kuwa siyaasadaha noocaas ah faafinaya weeyaan kuwa dhiiri-gelinaya inay dhalinyaradu badda isku guraan, waana nasiib xumo…Anagu itaalkayaga daacadbaanu ku nahay, laakiin siyaasadaha lala dhukusayo, kuwa dhabbarku muuqdee lala dhuumaalaysanayo, siyaasadaha qandaraaska dibbada lagaga soo qaadanayo in Afkii doofaarka lagu celiyo umaddan Somaliland waxaanu leenahay maya.”
Xoghayaha guud ayaa ku dheeraaday hadalka, taasina waxay keentay in Axmed Muxumed Madar oo ka mid ahaa dhalinyartii UFO ee awgood uu u dhacay dhagax-tuurku sanadkii 1982-kii uu ka xanaaqo arrintaaa, isla markaana wuxuu ka dalbaday daadihiyayaashii Barnaamijka inay hadalka ka joojiyaan Xoghayaha guud ee UDUB, isaga oo ka kacay halkii uu fadhiyay, una holladay dhinacii Minbarka uu khudbadda ka akhrinayay Jaamac Yaasiin. Hase yeeshee, xoghayaha guud ayaa iska sii watay khudbaddiisa.
Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna xogyaha ka dib halkaa ka hadlay, ayaa naqdiyay khudbadda Xoghayaha guud ee UDUB. “Hadalladii maanta (shalay) uu halkan ninkii u dambeeyay ee magaca meelahaa ka soo-dhacay lahaa (Xoghayaha guud) hadalladii nacnac ahayd ee ka yeedhayay waad maqlayseen ee wax ay ku fadhiday aanay jirin ee aan taariikh huwanayn. Maanta dadkii iyo dhalinyaradii waxa lagu guray Xabsi iyo xadhig, waana la ogyahay cidda Xabsiga ku gurtay Dhalinyarada, waa la ogyahay cidda la xumeeyay. Waxaan leeyahay Dhalinyarada Somaliland haddaad tihiin haddii aydaan maanta taariikhda bedelin oo aydaan isbedelka loo baahan yahay keenin oo ay aydaan dalkeena joogin, waana inaynu u baydhno wixii dalka dhisaya iyo wixii mustaqbalka umaddeena iyo dhalinyarada dhisaya. Waxaan leeyahay, arrintaa ka heli maysaan Xisbiga UDUB ee maanta jooga.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha KLMIYE.
Axmed Siilaanyo wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Doorasho dalka ka qabsoonto, isla markaana wuxuu baaq u jeediyay dhalinyarada iyo shacabka. “Waxaan leeyahay dadku maanta waxay diyaar u yihiin Doorasho inaga raagtay iyo dimuqraadiyad la damcay in la baydhiyo oo waqtigeedii ina seegay, taasna yeeli mayno. Doorasho diyaar baanu u haya, dalkeena nabadgelyadiisana inagaa ilaashanayna, wada-jirkiisa inagaa ilaashanayna, maamulka maanta jirana Daaqadda ayaynu ka saaraynaa. Waxaana loo baahan yahay in aad dalkiina iyo nabadgelyadiisa ilaashataan.” Ayuu yidhi Siilaanyo.
Sidoo kale, waxa isna halkaa ka hadlay Wasiirka Ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed, inkasta oo ay Axsaabta Mucaaradka ahi ka dareereen madasha oo aanay dhegaysan hadalka Wasiirka, haddana waxa uu sheegay in Axsaabta siyaasaddu ay ku qaldameen inay goobtaas kaga hadlaan arrimahaas. “Waxaan aad iyo aad uga xumahay oo aan ka xaal-marinayaa dhalinayarada munaasibadii qiimaha badnayd ee maalinta taarikhiiga lahayd sida ay maanta (shalay) Xisbiyadu u isticmaaleen, aad baan uga xaal marinayaa dhalinayarada. Maaha maalintii xisbiyadu halkan ku loolamayeen arrintaa iyada ahi waa arrin aan la qaadan kari weeye, hadda ka dibna waxay noqonaysaa inaan munaasibadaha lagu soo marti qaadin bay noqonaysaa.” Ayuu yidhi Wasiirku. Waxaanu eedda tahriibta dusha u saaray Waalidiinta ubadkooda Guryaha u iibinaya, si ay u tahriibaan.
Waxa iyana halkaa ka hadlay, Xildhibaan Maxamed X. Maxamuud Cumar-Xaashi oo ka mid ahaa dhalinyaradii UFO, Marwo Kaltuun Xaaji Daahir, Boobe Yuusuf Ducaale, Cismaan Awr-liqe iyo marti-sharaf kale, kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday, sawirna ka bixiyay muhiimadda ay leedahay maalinta 20 February, waxaanay qaarkood ku baaqeen in Manhajka lagu daro taariikhdan oo dugsiyada dalka lagu dhigto. Iyaga oo dhalinyarada u jeediyay inay ka joogaan tahriibta.
Xigasho: Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking