COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, February 13, 2010

Wasiirka Khaarajiga dalka Ingiriiska oo la kulmay Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga UDUB iyo jaaliyadda Somaliland

Birmingham (NNN)- Wasiirka Khaarajiga Ingiriiska Mr. David Milliband ayaa ka hadlay qabsoomidda Doorashooyinka Somaliland.
Wakiilka Somaliland u jooga magaalada London iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga UDUB, ayaa kulan casho ah kala qaybgalay Wasiirka Khaarajiga dalka Ingiriiska Mr. David Miliband.

Kulankaas oo ka dhacay caasimada labaad ee Ingiriiska ee Birmingham, waxa uu Wasiirku kala qaybgalay taageerayaasha xisbiga Shaqaalaha (Labour Party) ee ku dhaqan magaaladaas, waxaana lagu martiqaaday Safiirka Somaliland ee UK, xubno ka tirsan xisbiga UDUB iyo qaar ka mid ah jaaliyadda ku dhaqan dalkaas. “Shirkan waa mid uu xisbiga Labour-ku qabtay, Wasiirka Arrimaha dibadduna yimi. Wuu nagu casuumay, waxaananu ku nimi wefti hawlgalka Somaliland iyo Jaaliyadda Somaliland ee UK ah. Wasiirku wuu ka hadlay arrinta Somaliland, saddex dhinac baanu uga hadlay; dhinac waxa weeye xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya shacbiga Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska; dhinac waxa uu ka hadlay horumarka nabadda iyo in Somaliland nabdoon tahay oo ay tahay dal Dimoqraadi ah, dhinaca kale ee saddexaad ee uu ka hadlayna waxa weeye, hadda ka dib siday u arkaan in Somaliland horumar u samayn karto, Dimoqraadiyadda oo lagu talaabsado iyo doorashooyinka oo la qabto,” sidaa waxa yidhi wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada London Mr. Aadam Muuse Jibriil. “Wuxuu ka hadlay qadiyadda doorashooyinka Somaliland, runtiina wuu ku amaanay Somaliland inay doorashooyin qabsatay iyo degenaanshaheeda oo uu amaan u soo jeediyay. Wuxuu tilmaamay (Wasiirka Khaarajiga UK) in doorashadu dib u dhacday oo uu rejaynayo imika inay si dhakhso ah u qabsoomi doonto,” sidaana waxa yidhi Maxamed Cabdillaahi oo ka mid ah xubnaha jaaliyadda Somaliland ee shirkaa ka qaybgalay.
Xigasho: Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking