COMING SOON......Radio Nasiib

Monday, February 22, 2010

Kooxda Al Shabaab oo laba qof ku dishay xarun lagu daanayey ciyaar Champion-ka tirsan oo dhex martay AC Milan iyo Manchester United

Hargeisa, (NNN) - Kooxda Mitidiinta ah ee Al Shabaab ayaa qudha weerar ay ku qaadeen xarun laga daawado ciyaaraha ku dilay laba qof wakhti la daawanayey ciyaar ka tirsanayd tartanka Horyaalka Yurub oo dhex maraysay kooxaha Milan iyo Manchester United Habeennimadii Salaasadii la soo dhaafay.
Sida warka uu sheegayo, kooxda Al Shabaab ee ka soo horjeedda xumuumadda Federaalka Ku-meel gaadhaka ah ee Somalia ayaa weerartahay xarun ciyaaraha lagu daawado oo ku taala degmada Madina ee magaalada Muqdisho iyadoo la daawanayo ciyaar dhex maraysay labadaas koxood.
Ciyaartan ka tirsan tartanka Horyaallada Yurub ayaa ka socotay xaruntan markii la soo weeraray waxaana lagu dilay laba qof oo ka mid ahaa dadkii daawanayey halka qaar kalena lagu dhaawacay.
Xarunta ciyaaraha lagu daawanayey oo ay mid si qarsoodi ah u shaqaynayey oo ay iska yaraayeen dadka ka war hayey iyaga oo dadka iska leh iyo taageerayaasha ciyaaraha daawadaa ay ka baqayaan inay kooxdan mintidiinta ahi soo weeraraan kuwaas oo hore u mamnuucay daawashada ciyaaraha iyo aflaamta kale.
Ninka iska leh xarunta ciyaaraha lagu daawado oo magaciisa la yidhaahdo Cabdirashiid Geeddi Dhicisow ayaa xaqiijiyey in la soo weeraray isla markaana la galaaftay nolosha laba qof oo ka mid ahaa kuwii ciyaaraha daawanayey. Baqasho awgeed oo laga qabo weerarro kale oo ka yimaadda kooxdan, Cabdirashiid waxa uu walaac ka muujiyey inaanu dib u furi doonin xaruntiisa ciyaarhaa maxaa yeelay waxa uu hore uga badbaaday afar weerar oo noocan oo kale ah isaga oo ku sugan xaruntiisan oo uu ganacsi ahaan u furtay.
Mid ka mid ah dadka ciyaaraha xiiseeya isla markaana wakhtiga weerarka lagu qaaday daawanayey ayaa sheegay inay xaruntahi ahayd meesha kaliya ee ciyaaraha laga daawado magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking