COMING SOON......Radio Nasiib

Saturday, February 13, 2010

Maayarka Burco & UNIVERSAL TV oo Lacag Deeq ah guddoonsiiyay qoys danyar ah

Burco (NNN)- Maayarka Magaalada Burco Maxamuud Axmed Xasan, ayaa dorraad Lacag guddoonsiiyay Hooyo danyar ah oo Laba Wiil oo Maskaxda ka xanuunsanaya ku haysata magaaladaas.
Lacagtan oo ay soo direen qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalalka Yurub iyo Australia, laguna soo hagaajiyay madaxa Telefishanka UNIVERSAL ee Somaliland Khadar Maxamed Cakulle oo goob-joog ka ahaa madasha guddoonsiinta, ayaa qaddarkeedu dhamaa 2,770 (Laba Kun, toddoba boqol iyo toddobaatan Dollar).
Lacagtan oo la guddoonsiiyay Hooyo Xiis Daahir Qaasaali oo laba Wiil oo dhinaca Maskaxda ka xanuunsanaya haysata, ayaa munaasibaddii guddoonsiinta oo ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Deegaanka Burco, waxa ka hadlay Duqa magaalada Burco Maxamud Axmed Xasan. “Arintani waa tusaale wacan oo ka mid ah wanaagga Warbahinta, waana markii saddexaad ee deeq noocan oo kale ah Khadar Cakulle soo gaadhsiiyo qoyskan. Anaguna waxa aanu halkan ka ballan qadaynaa in aanu siino dhulkii looga dhisi lahaa Hoy ay leeyihin reerkani. Waayo, waad aragtaan guriga ay ku jiraan in aanu roob iyo bacad toona celinaynin.” Ayuu yidhi Maayarku, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Walalaha Qurbo-jooggana waxaanu leenahay halkaa ka sii wada. Anagu waanu fulinaynaa fariinta aad na soo farteen ee idinkana waxa laydiinka baahan yahay in aad dhismaha guriga ka qayb qaadataan, waanad ku mahadsan tihin talabadan aad idinka iyo qolada Universal samayseen.” Waxaanu mahad-celin u jeediyay Telefishanka UNIVERSAL.
Dhinaca kale, waxa isna halkaa ka hadlay Madaxa Telefishanka UNIVERSAL Khadar Maxamed Cakulle oo isna halkaa ka hadlay, waxa hadalladiisii ka mid ahaa, “Qaar ka mid ah dadka Jaaliyadda Somaliland iyo Soomaaliya ayaa deeqdan iska soo ururiyay, kuna soo hagaajiyay TV Universal oo isagu bulshada hore ugu bandhigay duruufta qoyskan haysata, gaar ahaan qaybta arimaha dadka tabaalaysan. Waxaana ay lacagtani ka kala timi dalka Ustralia oo ay wakiil ka ahayeen lacagta naga soo gaadhay hablaha Cadar Xasan Xayd iyo Xaliimo Muxumed Geedi. Waxay dhamayd $ 1000 kun dollar, halka qolada Ingiriiska oo ay wakiil ka ahayeen Xaliimo Maxamed Faarax,Safiya Xaaji Dirir iyo Farax Nuur Cimraan ay iyana ka ahayd $1270, halka magaalada Halden ee dalka Norwey ay labada hablood ee Luul Maxamed Cabdi iyo Xaawo Maxamud Xirsi ay naga soo gadhsiyeen $500. Lacagtan oo dhan $2770 ayaa waxa ay noqonaysa deeqdi sadexaad ee ay jaaliyaddu soo gadhsiiyaan qoyskan, iyada oo aanu hore ugu soo gudbinay $1100, taas oo cadadka lacagta ka dhigaysa $ 3870.” Waxaanu Cakulle ka codsaday Dawladda Hoose ee Burco inay qoyskan ugu deeqaan dhulka laga dhisayo Guriga.
Waxa iyana halkaa ka hadashay Faadumo Ibraahin Kaahin oo ay walaalo yihin labada Wiil ee xanuusanaya oo guddoontay lacgtan ayaa mahad-naq ballaadhan u jeedisay dadka Lacagta soo diray iyo dadka ka wiilka ahaa ee soo gaadhsiiyayba, waxaanay Ilaahay uga bariday in uu wax khayr qaba ugu bedelo.
Xigasho: Ogaal

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking